Xujo furka #10YearChallenge: Qaar kamid ah waxyaabihii aan isbaddalin tan iyo 2009-kii

Madax fara badan ayaa xilalka ka dagay kuwo kalena wali wey hayaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madax fara badan ayaa xilalka ka dagay kuwo kalena wali wey hayaan
Published

Waxaa baraha bulshada ka socda xujo-fur, taas oo dadka ay isku xujeynayaan in uu qof kasta soo dhigo sawir toban sanno ka hor ah, balse arrinta layaabka leh ayaa ah waxyaabaha aan innaba isbaddalin tobankaasi sano.

Dadka ku nool dunida qeybaheeda kala duwan ayaa baraha bulshada soo dhigayay sawirro toban sano ka hor ah, iyagoo ugu magac daray #10yearChallenge, laakiin waxaa iska cad in adduunka uusan wali isbedelin.

Marka la eego waddamo badan, waxaa wali haya talada madaxdii hogaamineysay waddamadaasi tobbankii sanno ee lasoo dhaafay.

Waxay isugu jiraan kuwo ka badbaaday rabshado, kuwo isbddal ku sameeyay dastuurka iyo kuwo ku guuleystay doorashooyin ku celis ah.

Inkasta oo isbeddello badan ay ka dhaceen dunida, gaar ahaan marxaladaha siyasadeed ayaa haddana waxay ahayeen kuwo ku dhagganaa hoggaanka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Tusaale ahaan, dalka Switzerland waxaa tobankii sanno la soo dhaafay ay yeelatay toban madaxweyne oo kala duwa oo dalkaasi soo maray, waxaana ugu wacan dastuurka dalkaasi oo dhigaya in madaxweynaha uusan hal sanno ka badan sii hayn karin hoggaanka dalka.

Faysal Cali Waraabe - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland.

Sannadkii 2001-dii ayaa Faysal loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID
Qoraalka sawirka, Sannadkii 2001-dii ayaa Faysal loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

Sanadkii 2000 wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga mucaaradka ee UCID halka guddomiyaha xisbiga loo doortay sannadkii 2001-dii.

Labo jeer oo hore ayuu u tartamay doorashooyinkii madaxweynaha Somaliland ee sannadihii 2003-dii iyo 2010-kii oo ku guuldareystay.

Siyaasigan ayaa weli ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Aadan Barre Ducaale - Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya

Ducaale wuxuu 10-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaan

Xigashada Sawirka, Aden Duale

Qoraalka sawirka, Ducaale wuxuu 10-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaan

Sanadkii 2007-dii, ayaa markii ugu horeysay loo doortay inuu xildhibaan ka noqdo degmada Dhuujis ee ismaamulka Gaarisa.

Bartamihii sanadkii 2008-dii, madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa u magacaabay ku xiigeenka wasiirka xannaanada xoolaha, isagoo markaasi matalayay xisbiga ODM.

Sanadihii 2013-kii iyo 2017-kii ayaa waxaa markale loo doortay xildibaanka bartamaha magaalada Gaarisa.

Sidaas awgeed 10-kii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa xildhibaan.

Ismaaciil Cumar Geele - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Saddex doorasho oo isku xigta ayaa Geelle loogu doortay madaxweynaha Jabuuti
Qoraalka sawirka, Saddex doorasho oo isku xigta ayaa Geelle loogu doortay madaxweynaha Jabuuti

Wuxuu talada dalka Jabuuti la wareegay sannadkii 1999-kii ka dib markii uu ku guuleystay doorashooyin dalkaasi ka dhacay.

Ismaciil ayaa saddex jeer oo kale loo doortay jagada madaxtinimo, waxayna kala ahaayeen sannadihii 2005-tii, 2011-kii iyo 2016-kii.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha dalladda ay ku mideysan yihiin xisbiyada bah-wadaagta ah ee UNP.

Waxyaabo kale oo dabiici ah ayaa is baddalay, waxaana tusaale u ah heer kulka dunida oo sii kordhay 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Heer kulka dunida ayaa kordhay 10-kii sano ee lasoo dhaafay

Xigashada Sawirka, NASA

Qoraalka sawirka, Heer kulka dunida ayaa kordhay 10-kii sano ee lasoo dhaafay