Gabadhii dhalatay iyadoo wadnaheedu uu bannaanka ka shaqeynayo

Vanellope Hope Wilkins waxay 14 bilood ku jirtay isbitaalka
Qoraalka sawirka, Vanellope Hope Wilkins waxay 14 bilood ku jirtay isbitaalka
Published

Gabar yar oo dhalatay iyadoo wadnaheedu uu bannaanka yaallo ayaa loo oggolaaday in guriga la geeyo, si ay ugu noolaato, ka dib markii ay 14-kii bilood ee ugu horreeyay nolosheeda ku qaadatay isbitaalka.

Vanellope Hope Wilkins, oo aan lahayn lafta xabadka ayaa 22-kii bishii Nofember ee sannadkii 2017-kii ku dhalatay isbitaalka Glenfield ee ku yaalla magaalada Leicester ee waddanka Ingiriiska.

Waxay gabadhan yar gashay saddex qalliin oo lagu doonayay in wadnaheeda dib loogu celiyo jirka waxaana hadda laga saaray isbitaalka magaalada Nottingham ee lagu magacaabo Queen's Medical Centre.

Bishii May ee sannadkii la soo dhaafay ayaa loo gudbiyay isbitaalkan, si loogu dhaweeyo guriga ay waalidiinteeda dagan yihiin.

Hooyadeed iyo aabaheed waxay muddo dheer ka walwalsanaayeen xaaladdeeda caafimaad
Qoraalka sawirka, Hooyadeed iyo aabaheed waxay muddo dheer ka walwalsanaayeen xaaladdeeda caafimaad

Dhowr jeer oo hore ayaa guriga qoyskeeda loo geeyay booqasho, hase ahaatee markan ayaa loo fasaxay iney si caadi ah ula noolaato reerkeeda.

Xaaladda caafimaad ee ay ku dhalatay gabadhan ayaa ahayd mid dhif iyo nadir ah oo dhakhaatiirtu ay aad ula tacaaleen.

Dean Wilkins oo ah aabaha dhalay gabadhan ayaa ka mid ah dadka aad ula dhacsan sida ay ku noolaatay.

"Waa gabar halyeey ah oo dagaalyahanad ah, arrintaasna way caddeysay runtii, walina waxay dagaal ugu sii jirtaa nolosheeda, annaguna waan ku garab taagan nahay", ayuu yiri Mr Wilkins.

Hooyadeed waxay aad ugu faraxsaneyd iney guriga u kaxeysato
Qoraalka sawirka, Hooyadeed waxay aad ugu faraxsaneyd iney guriga u kaxeysato

Muddadii 14-ka bilood ahayd ee ay ku jirtay isbitaalka, waalidiinteedu waxay barteen sida loo xannaaneeyo isla markaana loogu fuliyo baahiyaha gaarka ah ee ay leedahay gabadhooda.

Waa arrin xiiso leh iney noo badbaadday, laakiin intii lagu jiray wakhtiga ay nolosheeda u dagaallameysay waxaan wajahnay walwal faro badan", ayey tiri, Naomi Findlay, oo ah hooyada dhashay gabadhan nolosha cajiibka ah heshay.

Dhakhaatiirta iyo howl wadeennada kale ee isbitaalka ayaa iyagoo aad u faraxsan sagootiyay qoyskan oo markii ugu horreysay kaxeystay gabadhooda.