Caasha oo la aasay iyadoon caddaalad helin

Gabadha oo ajigeeda la qariyey
Qoraalka sawirka, Gabadha oo ajigeeda la qariyey
Published

Gabadhan waxay ku nooshahay xaafad aad u deggan oo ku taalla xaafadda Maganaaya oo ka tirsan magaalada Addis Ababa.

Gabdha yaryar oo ilma sida ayaa ka soo baxay daarad albaabkeeda uu iga fogeyn. Mar aad gabdhaha iyo carruurta ay xambaarsan yihiin aad iisu fiiriso waxaa markiba maskaxdaada ku soo dhacay iney carruurtan da'da guurka ku habbooneyd iyaga oo aan gaarin ay hooya noqdeen.

Gurigi aan ku soconnay ee ay ku jirtay gabadha kufsiga loo geystay ayaan gudaha u galnay. Waxaan la kulannay gabar 23 jir ah. Wajigeeda wax lagama akhrisan karo waana gabar muuqaal ahaan aad u deggan, sanada ka hor marka ay imaneysay xaafadda uma imanin shaqa raadin ama in shaqa loo raadiyo.

Balse Nasiib darro gabadhu waxay ahayd mid muddo shan sana ah uu soo kufsanayey walaalkeed oo halkan u timid si ay u hesho hoy ay kaga soo kabato dhibaatadi kufsiga uu walaalkeed uu ula kula kacay.

Dhibka soo gaaray ayaa wuxuu ku kallifay iney dadka oo dhan ka cabsato weliba ragga indha buuxa kuma eegi karto oo waa ay ka baqaneysaa, waxa ku dhacy iney sheegtana warkeedba daa.

"Noolal aad u adag oo xanuun badan ayaan soo maray" ayey leedahay iyada oo weli dareensan xanuunki jireed iyo kan maskaxed ee soo gaaray inkasta oo ay ku faraxsan tahay haddiiba ay nooshahay.

Gabadhan dadka oo dhan waa ay ka carartaa iyada oo u maleyneyso cid walba iney ka warhayso waxa ku dhacay, waxbarashadi ay billaawdayna mudda kaddib waa ay joojisay marka ay u adkeysan weyday kelinimadeeda iyo saaxib la'aanta ay kala kulantay ardyda ay wax wada baranayeen.

Mid ka mid ah haweenka xaruunta tababarka qaato

Xigashada Sawirka, Zelalem Abera (AWSAD)

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah haweenka xaruunta tababarka qaato

Sidee wax u dhaceen?

Walaalkeed ka weyn oo askari boolis ah ayaa gabadhan reerkooda miyiga ka soo waday isaga oo waalidkeeda u sheegay inuu waxbarayo walaashii.

Waxay ahayd 16 jir xilliga uu Addis Ababa keenayey haddana waxay jirtaa 23 sano. Walaalkeedna wuxuu ku noola guri kira ah oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

"ilma yar ayaan ahaa sida ay wax u dhaceen oo dhan ma xusuusto, mana awoodin xadgudub uu walaalkeey habeen iyo maalin igu sameeynayo inaan sheego, markasta oo aan dadka arko gaar ahaanna ragga iskadaa inaan dhibka igaaray la wadaagee waxaan ka cabsanayey dadka aan la kulmaya laftooda iney dhibaata kale ii geystan" ayey tiri.

Shanti sano oo ay walaakeed la nooleed waxay sheegeysaa "inuu kufsi u geysanayey, seddex jeer kufsiga ay uur ku qaadday uuna ka soo xaaqay" ayey sheegeysaa.

Sideey shaaca uga qaadday inuu walaakeed kufsaday?

Dhibaatooyinka maskaxeed iyo kan jireed ee ay ka dhaxashay kufsiga walakeed iyada oo ka cabsi badan ka qabto cabsi gelinti iyo hanjabaad walaalkeed uga imanayey waxay ka gudubtay marki ay gurigi ay shan sana degganyaaeen ee kirada ahaa ay ka guureen oo ay guri kale degeen.

Waxay u noqotay fursad ay dibadda uga soo saarto dhibaatadi shanta sano ay qarineysay.

Maalin maalmaha ka mid ah haweeneydi guriga cusub ee ay kireysteen oo aad ula yaabay xaaladda gabadha ay ku sugan tahay ayaa wuxuu weydiiyey "maxaad dadka u soo dhex galeyn? ninkanna maxaad isku tihiin? iyo su'aalo la mid ah ayuu si kadis ah u weydiisay.

Labada su'aalood ee la weydiiyey waxay ahayeen kuwa ay jawaabtooda ku adag tahay, weyna awoodi weyday maalintaa iney ninki jawaab siiso.

Maalin ayey gabadhi u timid haweeneydi guriga lahayd waxayna uga warrantay waxa ku dhacay oo dhan iyada oo aan waxba u hambeyn. Islaanti guriga lahayd oo aad uga naxday waxa ku dhacay gabadhan waxay gabadhi geysay saldhig boolis oo ku dhawaa.

Saldhigga booliska marki ay ku wargeliyeen kaddib waxay haddana aadeen urur ay leeyihiin haween sharci yaqaanna ah oo caawiyo gabdhaha kufsiga loo geysto, waxayna la kulantay haween sharci yaqaanna ah.

.
Qoraalka sawirka, Addisababa

Waaliddiinta gabdha arrintan maxay ka yirahdeen?

Arrinta gabadha marki ay gaadhay hay'adaha sharci waaliddiinta gabadha oo arrinta maqlay waxay ku yirahdeen 'wiilkanaga waxaas ma sameeynaya', waa gabar yar waxa ay sheegi ha ka rumeysanina ayey igu yirahdeen.

Wxaana iigu sii darneyd walaasheey iga weyn oo leh walaalkeey inaan ceebeyso ayaad rabtaaye waxa aad sheegi kama suuragaleysee warka beenta ah mar dambe yaanan kaa maqlin iyo hanjabaad kale ayey ii geysatay.

"Hooyadeey mooyee dadki kale oo dhan sida qof nijaaseysan ayey iiga fanayeen", xataa askarti saldhigga booliska aan ugu tagnay wey iga rumeysan waayeen si wanaagsanna iima aysan qaabilin.

Dhibaatada gabadhan soo gaartay ee aadka u foosha xun waxaa la kulmo haween badan oo dunida daafaheeda ku nool.

Xaruunta hadda ay gabadhan ka shaqeyso ee lagu daryeelo dumarka waxyeellada kufsiga la kumay waxaa ka mid ah kuwo walaalkeed, aabbaheed, awoowgeed iwm ay kufsadeen qaarkoodana haysta ilma ay kufsiga ku dhaleen.

"Anigu aqoon sharci ma lihi, laakiin marka aan eego waxa aan soo maray iyo sharcig sida loo meel mariyo" ma qurux badna ayey tidhi.

Waxayna intaa raacisay "rag badan oo falal kufsi geystay iney bannaanada iska socdaan oo mudankooda la marinin".

Sharciga haddii aan caddaalad ka waayey, waalidkeygana si waalidnima ah ay iila dhaqmi waayeen waxaan marar badan ku fikiray ayey tiri inaan isdilo oo aan adduunka oo dhan isdhaafiyo".

Waxayna aad uga mahad celineysaa gabadha kufsiga uu muddo shan sana ah uu walaalkeed u geystay u geystay la talinta maskaxeed ay ka heshay xruunta sharci yaqaannada haweenka ee lagula talinayo laguna daryeelo dad kufsiga loo geystay ee iyada la midka ah.

Gabadhi yareyd uu tacaddiga kufsiga uu u geystay walaalkeey waxay hadda ku sugan tahay xaruun lagu daryeelo dumarka tacaddiga kufsiga loo geysta xaruuntaasi ayey ka shaqeysaa.