Deegaanno Soomaaliyeed oo xildhibaannada baxa aan la beddelin

Itoobiya
Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya
Published

Isbeddelkii ka dhacay dalka Itoobiya ayuu ra'iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed wuxuu sheegay inuu ugu saameyn badnaa kii ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Isbeddelkaasi ayaa waxa uu galaaftay xilalkii ay hayeen xidhibaanno badan oo qaar ka mid ah xasaanaddii lagaga qaaday, kuwo iyagaa iskood isaga baxay waddanka halka ay jiraan kuwo geeriyooday.

Hase yeeshee ilaa iyo haatan lama buuxin xilalkii ay xildhibaannadaasi banneeyeen.

"Dalka iyo deegaankuba isbeddello ayaa ka socda, isbeddelladaasi waa in annagana aan ka qeyb qaadanno ka baarlamaan ahaan, waayo isbeddelkan wixii ka horreeyay baarlamaanku ma ahayn mid markuu golaha isu yimaado siduu rabo uu uga qeyb gali jiray fikirkoodana ka dhiiban jiray, marka waxaa noo qorsheysan in isbeddello cusub aan sameyno'' ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamed Aaden.

Maxay yihiin isbeddelladaas?

Isbeddelladaasi ayaa waxaa ka mid ah in la howl-geliyo guddiyada baarlamaanka qaabkii loogu tala galay si ay ugu adeegaan shacabka oo ay dabagal ku sameeyaan hay'adda fulinta, shaqooyinka la fuliyay iyo kuwa aan la fulin, iyo inay kormeer ku sameeyaan mashaariicda waaweyn ee laga fulinayo degmooyinka gobollada iyo kililka.

Tirada guud ee xildhibaannada deegaanka ayaa ka koobnaa 273 xubnood, waxaana isbeddelka dartiis xasaanadda laga qaaday 16 xildhibaan, saddex ka mid ah iskood ayay isaga baxeen waddanka halka ay 11 iyaga ka mid ah ay geeriyoodeen, taas oo tirada xildhibaannada maqan ka dhigaysa 30, waxaana la sheegayaa inay saameyn ku yeelatay dadkii soo doortay xildhbaannadaasi.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2018-kii, waxaa isbeddel lagu sameeyay kursiga afahayeenka baarlamaanka Maxamed Rashiid iyo ku xigeenkiisa waxaana lagu beddelay afahayeen iyo ku xigeen cusub, kuwaas oo kala ah Cabdi Maxamed Aaden iyo ku xigeenkiisa Fardawsa Maxamed.

Mar guddoomiyaha arrintan wax laga weydiiyay waxa ay kaga duwan yihiin xubnihii hore ee baarlamaanka ayaa waxaa uu ku jawaabay, "waxay kaga duwan yihiin guud ahaan isbeddellada waddanka ka dhacay, nidaamkii hore ee lagu shaqeynayay iyo kan hadda jira oo kala duwan maaddaama isbeddelka hadda la sameynayo uu yahay mid ka tarjumaya danaha dadka iyo dalka oo xubnaha baarlamaanku ay mas`uuliyaddii saarnayd ay aqoonsadaan oo ay gutaan waajibka saaran''

Haddaba muxuu dastuurka dalka ka qabaa in la buuxiyo xilalkii ay xildhibaannadaasi banneeyeen?

"Lama oran karo shacabka soo doortay xildhibaannadaasi meel cidla ah ayay fadhiyaan, waxaa macquul ah in degmadiiba la ga soo doorto saddex ilaa afar qof, tusaale, hadii sedax xubnood laga soo doortay oo uu hal ka tagay ama uu ka dhintay waxaa soo haraya laba xubnood oo ka hadla baahida shacabka, oo degmo uusan hadda xilldhibaan u joogin ma jiro'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Hase ahaatee, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadalkiisa ku soo koobay inay jiraan qorshayaal muhiim ah oo ah in mustaqbalka la buuxiyo boosaskii ay banneeyeeen xildhibaannadaasi.