Ragga Hindiya shaarbaha u jartay sidii duuliyihii caanka noqday

Sand art featuring Wing Commander Abhinandan Varthaman at a beach in Mumbai 2 March 2019.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, The fighter pilot has become a household name in India
Published

Duuliyuhu waxa uu noqday halyey qaran saacada uun kadib markii ay qabteen ciidamada Pakistan oo soo riday diyaaradiisii. Waxa uu dib ugu noqday Hindiya jimcihii iyada oo loo soo dhaweeyay si weyn. Waxa uu aad caan uga noqday boggaga arrimaha bulshada iyada oo ay dad badan oo reer Hindiya ah iyada oo habka ay ugu jarnaayeen shaarbaha iyo gadhka loo arkay astaan gaar ah.

Shirkadda Amul oo ah tan ugu caansan ee xayaysiimaha sameysa ayaa soo-saartay muuqaal ay ku sheegtay in loogu debaaldegayo shaarbaha duuliyaha. Sida uu u jartay gadhka iyo shaarbaha ma ahan hab aad looga jecel yahay Hindiya, oo waxaa si gaar ah loogu yaqaan ragga aflaanta jilla ee shirkadda Bollywood, askarta iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.

Laakiin hadda waxa ay u muuqataa in uu sumcad wanaagsan u yeelay hanaanka uu gadhka iyo shaarbaha u jartay, oo hadda reer Hindiya uga dhigan astaan geesinimo iyo waddaninimo.Duuliyihii diyaarada dagaalka ee u dhashay dalka Hindiya Abhinanda Varthaman oo ay siidaysay dowladda Pakistan ayaa noqday Halyeey iyo Astaan Qaran oo loo adeegsado farshaxanka, xayaysiisyo iyo xitaa hanaan cusub oo gadhka loo jarto. Rag badan ayaa bilaabay inay gadhka iyo shaarbaha u jartaan si la mid ah sida ay ugu jarnaayeen duuliyaha.

Tejas Chowdhary , nin loo jarayo shaaribaha
Qoraalka sawirka, Tejas Chowdhary , nin loo jarayo shaaribaha

Goob timaha lagu jaro oo ku taal maagalada Koofurta Hindiya dhacda ee Bangalore ayaa bilowday inay si bilaash ah timaha ugu jarto ragga doonaya inay isu ekeysiiyaan duuliyaha diyaarada dagaalka. "Abhinandan wax badan ayuu taray dalkeenna. Waxaan dareemay inay tahay in aan isku dayo in aan weji walba u ekeysiiyo kiisa oo kale," ayuu yiri Nanesh Thakur, Milkiilaha goobtan timaha lagu jaro oo la hadlay BBC. Laakiin saddex qof oo keli ah ayaa gadhka iyo shaarbaha loogu jari karay si u eg duuliyaha.

Tejas Chowdhary oo ka mid ah kuwa nasiibka badan ee isu ekeysiiyay duuliyaha ayaa yiri: "Wax badan ayuu u qabtay dalkeenna. Miyaanan isu ekeysiin karin."

cNaveen Kumar oo ah darawalka gawaadhida caafimaadka deg deg ah oo shaarbaha u jartay si u eg duuliyaha ayaa yiri: " Abhinandan waa halyey dhab ah. Sidaas darteed, waxaan sameysanayaan shaarbo u eg kuwiisa."

Sawir kale oo xayaysiis ah
Qoraalka sawirka, Sawir kale oo xayaysiis ah
Duuliyaha

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Duuliyaha

Dhowr qof oo kale ayaa doonayay inay isu ekeysiiyaan duuliyaha laakiin Tahkur waxa uu sheegay in aysan lahayn shaarbo dhaadheer oo aysan sidaas darteed loogu jari karin si u eg duuliyaha.

Dad badan ayaa Twitterka soo dhigay sawirada iyaga oo ay shaarbahu ugu jaran yihiin si u eg duuliye Abhinandan. Dad badan oo calanka Hindiya ruxaya ayaa isugu soo baxay deegaanka xadka ku yaal ee Wagah halkaas oo ay duuliyahu lagu wareejiyay saraakiisha Hindiya. Magaalooyinka waa weyn ee Hindiya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Delhi ayaa laga soo dhaweeyay soo deyntiisa.

Dad badan oo u dabaal degay duuliyaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad badan oo u dabaal degay duuliyaha