Maxaa ka dhalan kara tallaabada ay ciidamada Kenya uga baxayaaan saldhigyo muhiim ah?

Ciidamada Kenya ayaa banneynaya saldhigyo muhiim ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ciidamada Kenya ayaa banneynaya saldhigyo muhiim ah
Published

Dhaqdhaqaaqyo ayaa ka socda fariisinka ay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ku leeyihiin deegaanka Busaar ee gobolka Gedo, halkaasoo lagu soo warramayo iney ka bixi doonaan. Laakiin shacabka ku nool deegaankaas ayaa billaabay iney barakacaan, iyagoo ka walaacsan saameynta ka dhalan karta bixitaanka ciidanka Kenya.

Dagaallameyaasha Al-Shabaab ayaa horay u qabsaday meelo badan oo ay ka baxeen ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la soo tabiyay iney waxyeello u geysteen dadka shacabka ah.

Sabtidii lasoo dhaafay waxay ciidamada Kenya ka baxeen saldhig muhiim ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Waxaa isla markiiba Faxfaxdhuuun la wareegay Al-AShabaab, iyagoo maamulkooda uga dhawaaqay deegaankaas iyo nawaaxigiisaba.

Waxay sidoo kale ciidankan horay u banneeyeen fariisimahoodii ku yaallay magaalada Baardheere iyo deegaanka Tarako, iyagoo goor sii horreysayna ka guuray saldhiggii degmada Ceel Cadde ee horay waxyeellada loogu geystay.

Mas'uuliyiinta maamul goboleedka Jubaland ayaa durba walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada ay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah Amisom ku banneynayaan meelihii ay ku sugnaayeen, waxayna sheegeen in dadkii rayidka ahaa ay barakac billaabeen.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo dhawaan booqasho ku tagay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ayaa BBC-da u sheegay in dadku ay ka baqayaan in Al-Shabaab ay qabsadaan meelaha ay ciidanka Kenya banneynayaan.

"Shacabka daggan aagaas waxaa soo food saaray walwal waxayna ku jiraan barakac, maxaa yeelay waxay ogyihiin iney ka baxayaan noloshii xorta ahayd ee ay ku jireen isla markaana ay Al-Shabaab dib u afduubi doonto", ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka.

Wuxuu sheegay in xalka ku aaddan arrintan looga fadhiyo dowlad goboleedka Juballand, dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Saameynta ka dhalata ka bixitaanka ciidamada

Dadka aqoonta u leh howlaha milatariga ayaa sheegaya in saameynta ka dhalan karta tallaabada ay ciidanka Amisom uga baxaan deegaannada ay tahay mid aad u culus oo u baahan in wax laga qabto.

Janaraal Cabdullaahi Aadan Xuseen "Cirro" oo ah taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee milatariga Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa dhaliil u jeediyay go'aanka ciidamada Kenya ay uga baxayaan deegaannadii ay ku sugnaayeen.

"Arrinkan waxaa ka dhalan kara saameyn culus. Sida aan u aragno, waajibaadkii amni ee laga rabay dowladda Kenya waxay u baddashay cadaadis damac ku qarsoon yahay, marka waa khasab in uu culeys xoog leh imaado".

Horay waxay dowladda Soomaaliya iyo taliska Amisom ugu heshiiyeen in deegaannada ay gacanta ku hayaan lagu wareejiyo ciidan Soomaaliyeed oo awood leh.

Hase yeeshee, Janaraal Cirro ayaa sheegay in heshiiskaas iyo go'aanka Kenya ay yihiin labo arrimood oo kala duwan.

"Dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan ciidamada Kenya wuxuu daba socdaa damac gaar ah oo ay dowladda Kenya leedahay, laakiin horay Amisom iyo dowladda Federaalka heshiisyo way u gaareen shirar badanna waa laga yeeshay qodobkaas, heshiiskuna wuxuu ahaa in ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo mas'uuliyadda, laakiin wali ciidankii cagahooda kuma istaagin", ayuu yidhi.

Balse BBC-du ma aysan xaqiijinin sheegashada Janaraalka ee ku aaddan in Kenya ay ku gorgortameyso ciidankeeda.

Milatariga Kenya ayaa ku sugan deegaanno ka tirsan gobollada Jubooyinka ee koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay ka howl galayeen tan iyo sannadkii 2011-kii, inkastoo ay markii dambe ka mid noqdeen ciidanka Amisom.