Yaa ku dhib qaba Xuduudda Uganda iyo Rwanda u dhaxaysa ee xiran

,

Xigashada Sawirka, ,

Qoraalka sawirka, ,
Published

Muranka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Rwanda iyo Uganda ayaa curyaamiyey isu socodkii xuduudda u dhaxaysa labada dal, xaaladdan ayaa saamayn wayn ku yeelatay nolol maalmeedka qoysaska ku dhaqan labadaas dal.

Khilaafka u dhexeeya labadan dal ee dariska ah ayaa isa soo tarayey labadii sano ee ugu dambeeyey waxayse u muuqataa in khilaafku uu cirka isku sii shareeray kadib markii Rwanda ay Arbacadii xiratay Xadkeeda.

Labadan dal ayaa is waydaarsaday eedaymo ku aaddan in dalba dalka kale uu soo faragashaday arrimaha gudaha ee u gaarka ah.

Xukuumadda Rwanda ayaa si rasmi ah u sheegtay in xuduuddu ay furantahay hase ahaatee waxaa laga hor istaagay dad badan oo iskudayey in ay ka gudbaan xudduuda.

Muranka xuduudda ee labada dal ayaa waxyeellada ugu wayni waxay kasoo gaaraysaa bulshada deegaanka.

Nin dhalinyaro ah oo reer Uganda ah oo lagu magacaabo - Deo Hategeka - oo BBC-da la hadlay ayaa muujiyey carada iyo walaaca uu ka qabo waxyeeladda uu muranka xuduuddu u gaystay nolol maalmeedkiisii.

Waxaa maalintii soo gali jirtay $5 oo uu ka heli jiray taxi uu kaga dhex shaqayn jiray xuduudda qaybisa labada dal.

Ganacsade kale oo reer Uganda ah oo lagu magacaabo, Bedia Nizeyimana, oo dukaan ku leh xuduudda, ayaa sheegaya in ganacsigiisu uu sii liicayo.

Digniinta xukuumadda Rwanda ee ah in muwaadiniinteeda aanay u socdaalin dalka Uganda ayaa ka dhigan in aanu jirin wax iswaydaarsi ganacsi.

,

Xigashada Sawirka, ,

Qoraalka sawirka, ,

Dadka reer Uganda ayaa sidoo kale ka labalabaynaya in ay ka gudbaan xuduudda sababo la xiriira xiisadda u dhaxaysa labada dal.

Shaqaalaha muruqmaalka ah oo ku tiirsan dhaalaha yar ee maalintii soo gala, sida kuwa alaabta xammaala, kuwa lacagaha sarrifa iyo shaqaalaha kale ee Rwanda ayaa shaqo la'aan noqday.

Dadka reer Rwanda ee kunool xuduudda ayaa BBC-da u sheegay in cuntada aas aasiga ah sida baradhada, yaanyada, iyo qudaarta kale ay kasoo iibsan jireen xuduudda Cyanika ee la xiray.

Dadkaas ayaa haatan ku khasban in ay si sharci darro ah ku dhaafaan xuduudda ayagoo samaystay wadiiqooyin ay uga gudbaan ciidamada ammaanka ee Rwanda ayaga oo ka cabsi qaba in la xiro.

,

Xigashada Sawirka, ,

Qoraalka sawirka, ,

Dad badan oo reer Rwanda ah ayaa sidoo kale dalka Uganda u tagi jiray daryeel caafimaad iyo waxbarasho. Adeegyadaas ayaa haatan yaraaday.

Magaalooyinka xuduudda kuyaal ayaa haystay suuq aad u wanaagsan, kuwaas oo badankoodu kuyaal dhanka xuduudda Uganda.

Dhaqdhaqaaqii suuqyadaas ayaa hakaday ayadoo halkaas aanay tagin macaamiishii ka imaan jiray dhanka Rwanda.

Gawaarida badeecooyinka usoo qaada dalka Rwanda iyo dalalka kale ee dariska la ah sida Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo, ayaa la joojiyaa ama dib loo dhigaa ama loo weeciya waddooyin kale oo dhaadheer.

Sida lagu sheegay xog uu soo saaray Bangiga adduunka oo soo baxday sanadkii 2017-kii, Rwanda ayaa ahayd dalka shanaad ee ugu badan ee wax kasoo iibsada Uganda, ayadoo kasoo iibsata badeecooyin qiimahoodu uu dhan yahay $180 malyan oo dollar, halka Rwanda ay Uganda u dhoofiso badeecooyin qiimahoodu dhan yihiin $10 milyan oo dollar.

Masuuliyiinta Uganda ayaa ku baaqaya in sidiisii lagu soo celiyo ganacsigii ka dhaxeeyay labada dal.

,

Xigashada Sawirka, ,

Qoraalka sawirka, ,