Madaxweyne ku xayirmay Tareen uu shacab la soo fuulay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa

Xigashada Sawirka, ANC

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Cyril Ramaphosa
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa laga yaaba inuu qabay rajo ah inuu ku guulaysto quluubta shacabkiisa, isaga qaadaytallaabo aan looga baranin siyaasiyiinta, taasoo ah inuu raacay gaadiidka dadweynaha si uu ku soo dhawaysto shacabka, xilli ay doorashada dalka ku aadan tahay bisha May.

Qorshahan ayaa laga yaaba in uusan shaqaynin ama uuba shaqeeyo, iyada oo ay taasi ku xirantahay sida ay dadka u qaatan.

Madaxweynaha iyo rakaab kale ayaa muddo afar saacadood ah ku xayirnaa tareen horay u qaadan jiray 45 daqiiqo oo kaliya.

"Ma aha wax la aqbali karo," ayuu yiri madaxweyne Ramaphosa ka dib markii uu gaaray halkii uu u socday.

Waxa uu sheegay in waaxda tareenka ee dalka Koonfur Afrika looga baahanyahay inay si deg deg ah wax uga qabato xaaladdan, haddii aysan sidaas sameyninna wuxuu ugu gooddiyay in , "dad ay booskooda shaqo weyn doono."

Dhibaatooyinka dhanka tareennada ayaa waxaa wajaha malaayiin qof oo maalin walba isticmaala, waxaana jira dad shaqooyinkoodii u waayey sababo lala xiriira inay shaqooyinka ka soo daahaan, sida uu sheegay wariyaha BBC-da ee magaalada Johannesburg.

Waxaa sidoo kale la sheegay in horay ay dad caraysan dab ugu shideen tareen.

Tareenka uu madaxweynaha saarnaa ayaa waxaa hakiyey tareen kale oo istaagay ka dib markii darawalkii waday lagu dhuftay dhagax.

Markii ugu horreysay ee uu safarka billaabayay tareenka, waxaa la arkayay madaxweynaha oo shacabkii saarnaa tareenka la qoslaya.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Wariyayaal wehlinayay madaxweynaha ayaa shaaciyey muuqaallo iyo sawiiro muujinaya isagoo la sheekaysanayo dadweynihii saarnaa tareenka.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2