6 sababood oo ay guryo badan u dumaan

Xigashada Sawirka, Reuters
Ka dib markii uu dhawaan dhisme ku dumay magaalada Lagos ee dalka Nigeria, kaasoo ay ku dhinteen 20 ruux oo ay ku jireen carruur iskuuley ah, waxaan hadda eegeynaa dhowr sababood oo horseeda in dhismeyaal badan ay burburaan.
Musiibooyinka noocan ah ayaa inta badan ka dhaca dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, iyadoo loo aaneeyo arrimo ku saabsan sharcigii saxda ahaa oo aan la marin.
Inkastoo uu wali socdo baaritaanka lagu hayo dhismihii ugu dambeeyay ee ku dumay Nigeria, injineerrada dhismaha guryaha ayaa noo sheegay qaar ka mid ah sababaha ugu badan ee keena dhibaatooyinkaas.
1. Aasaaska dhismaha oo daciif ah
Haddii aasaaska dhismaha loo adeegsado qalab aan awooddiisa la hubin ama la iska fududeysto, waxaa ka dhalan kara khasaare culus.
Hase ahaatee waxaa aad u sarreeya qiimaha ku baxa aasaaska dhismeyaasha saxda ah.
Wuxuu xitaa kharashkoodu gaari karaa kalabar ka mid ah qiimaha uu ku fadhiyo guud ahaan qiimaha dhismaha, sida uu sannadkii 2016-kii sheegay Anthony Ede oo cilmiga civil engineering-ka ka dhiga jaamacadda Ota ee dalka Nigeria.
Xitaa haddii dhulka laga dhisayo guriga uu yahay mid adag, wali wuxuu u baahan yahay in aasaas adag loo sameeyo.
Koox baareysay dhisme sannadkii 2013-kii ku dumay dalka Rwanda, oo ay ku dhinteen 6 ruux , ayaa qodobka ugu weyn ee ay diiradda saarayeen wuxuu ahaa aasaaska dhismaha.

Xigashada Sawirka, AFP
2. Qalabka dhismaha oo aan awood ku filan lahayn
"Mararka qaar waxaa dhismeyaasha loo adeegsadaa qalab aan lahayn awood ku filan oo ay ku xajiyaan culeyska dadka dagaya guriga iyo alaabtoodaba", waxaa sannadkii 2016-kii sidaas yidhi Hermogene Nsengimana oo ka tirsan hay'adda dhismaha ee lagu magacaabo African Organization for Standardisation.
Wuxuu hadalkaas ka sheegay kulan ay madaxda iyo shaqaalaha shirkaddiisu isugu tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay uga arrinsanayeen sababta ay guryo badan oo Afrika ku yaalla u dumaan.

Xigashada Sawirka, EPA
Mar uu bishii Abriil ee sannadkii 2016-kii dhisme ka kooban 6 dabaq ku dumay magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala, agaasimaha waaxda dhismaha ee magaalada wuxuu sheegay in dhismahaas aan markii hore loo adeegsanin qalab tayo fiican leh, sida uu shaaciyay bogga internet-ka ee Ugo news.
Mr Nsengimana ayaa sheegay in sidoo kale ay jireen kiisas ku saabsan warqado been abuur ah oo loo adeegsaday oggolaashaha lagu dhiso guryaha aan tayadii looga baahnaa lahayn.
3. Khaladaad ka yimaada shaqaalaha dhismaha
Xitaa shaqaalaha dhismaha marka la siiyo qalab tayo wanaagsan leh oo ay dhismaha ku sameeyaan, waxaa suurta gal ah inay khaldaan habka ay isugu qasayaan, sida uu sheegay Mr Ede.
Arrintan ayaa sababi karta daciifnimo ku timaada awoodda dhismaha oo markaas noqda mid aan tabar u lahayn inuu xajiyo culeyska.
Wuxuu barfasoorka ku eedeeyay dadka qandaraasyada ku qaata dhismaha guryaha inay shaqaaleysiiyaan howl wadeenno aan xirfad iyo khibrad ku filan toona lahayn, iyagoo uga gol leh inay kharashka iska yareeyaan.
4.Tirada dadka guryaha daga oo ka badan sidii la filayay
Mr Ede ayaa sheegay in guriga uu dumi karo marka uu dareemo culeys ka badan kii loogu talo galay.
Wuxuu tusaale ka dhigtay inuu cunug yar ka codsado inuu qaado kartoon culus: "Cunugu awood uma yeelan karo inuu iska xajiyo culeyska".
Xitaa haddii ay aasaaska iyo tayada qalabka wanaagsan yihiin, awooddoodu kama badan karto qiyaastii loogu talo galay.
5. Awoodda dhismaha oo aan la tijaabinin
Wax walba oo ku saabsan awoodda dhismaha guriga waa in la tijaabiyo, ayuu yidhi Mr Ede.

Xigashada Sawirka, AFP
"Waa in aadan fududeysanin arrinta ku saabsan nidaamka sharciga guryaha", ayuu yidhi.
"Sharcigu wuxuu dhigayaa in tijaabintu ay khasab tahay. Dhibku wuxuu ka taagan yahay fulinta sharciga", ayuu yidhi Mr Ede.
6. Dadka oo iska sii daganaada dhismeyaal la dhaliilay
Dhismihii maalintii Arbacada ku dumay magaalada Lagos, waxa uu ahaa mid la dhaliilay tayadiisa isla markaana laga deyriyay nabadgalyadiisa sannadkii 2017-kii, waxaana loo calaamadeeyay in la burburiyo.
Iyadoo arrintan la ogyahay, su'aasha ugu weyn ee kiiskan la iska weydiinayo ayaa ah sababta uu iskuul carruur ka buuxaan ugu yaallay gurigaas.
Waxaa lasoo tabiyay in dadka daganaa dhismahaas aysan u hoggaansamin amarro ay dowladda hoose bixisay oo ku saabsanaa in ay ka guuraan si loo dumiyo.












