Markab laga leeyahay Norway oo rakaabkii saarnaa laga soo badbaadiyey

Qoraalka Muuqaalka, Diyaaradaha qumaatiga u kaca qayb ka ah gurmadka
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Dowladda Norway ayaa sheegtay ku dhawaad 1,300 oo qof iney diyaaradaha qumaatiga u kaca ka soo badbaadiyeen markab ku xumaaday badda Choppy oo matoorrada ka cilladoobay.

Taliyaha Booliska Romsdai wuxuu sheegay in la soo badaadiyey dhammaan dadki markabkaasi xumaaday saarnaa.

Wakaaladda badbaadada badda ee dalka Norway waxay sheegtay xilliga ay markabku cilladda la soo daristay ay dhacayeen mowjado iyo dabeylo taasina ay keentay in dadki saarnaa si degdeg ah loogu gurmado.

"Howlaha gurmadkana waxa ka qayb qaatay shan diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca iyo maraakiib" ayey tiri wakaaladdu.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Presentational white space

Diyaarraddiba halki mar waxay soo qaadeysay rakaab gaadhaya 15-20 qof.

Markabka MV Viking Sky wuxuu ku sii jeeday xeebta Tromso

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Markabka MV Viking Sky wuxuu ku sii jeeday xeebta Tromso

Wakaaladdu waxaa kale oo ay sheegtay "ciladda markabka ku timid in loo maleynayo iney sababtay Markabku oo jiiray dhagaxaanta waaweyn ee badda gunteeda ku jira maadaamaa xilligaasi ay mowjada dhacayeen oo ay adkeyd xakameynta markabka".

Dadki rakaabka ahaa markabkaasi saarnaana ma jirto cid wax ku noqotay howsha gurmadna oo waxaa la soo badbaadiyey iyaga oo badqaba.

Rakaabka Markabka xumaaday ee 'MV Viking Sky' oo laga leeyahay Norway rakaabki saarnaa waxay intooda badan u dhasheen dalalka Britain iyo Mareykanka.

Qaar ka mid ah dadki markabka laga soo badbaadiyey

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadki markabka laga soo badbaadiyey