Uhuru Kenyatta : Waxaan mushaar siinaa 5 kun askari oo tiro buuxsi ah

Uhuru Kenyatta

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Uhuru Kenyatta
Published

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in tirakoob iyo dabogal lagu sameeyay ciidanka booliiska la heley illaa 5 kun oo askari oo been abuur ah, kuwaas oo lagu tiro buuxsaday.

Isaga oo ka hadlayay meel munaasabad ah oo ay dad badan kasoo qeybgaleen ayuu sheegay in aysan joojin doonin la dagaalanka musuqa, xittaa haddii ay kasoo horjeedaan dad madax ah oo saameyn badan.

"Runta ma idiin sheegaa, waxaan ogahay in ay jiraan dad aanan ogoleyn in arrintan la sameeyo" ayuu yiri madaxweynaha oo sidoo kale sheegay cadadka lacagta dowladda ka qasaarta bil kasta iyo sannadka kasta.

"Bishii lasoo dhaafay oo kaliya waxaa inoo badbaaday 148 milyan oo shillin, lacagtaas sannadkii waxay noqonaysaa 1.8 bilyan shillin, haddii lacagtaas aan haysan lahayn waddooyinka sow ma aanan dhisnayn" ayuu yiri madaxweynaha.

Qoraalka Muuqaalka, Taariikhda Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta

Hawlaha la dagaalanka musuqa ayaa cirka isku shareeray dalka Kenya iyada oo maanta xabsiga loo taxaabay mid ka mid ah barasaabyada ismaamul deegaanada Kenya midkood, kaas oo la sheegay in lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.

Arrintan ayaa dhalisay xiisad siyaasadeed, iyada oo warbaahinta Kenya ay aad u hadal hayso hadalo ay qalabka saxaafadda isku dhaafsanayaan madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo siyaasiyiin mucaaradka ka mid ah.

William Ruto ayaa sheegay in la dagaalanka musuqa uusan noqonin arrin siyaasadeed oo lagu bartilmaameedsado shaqsiyaad, laguna magacdilo siyaasiyiin uu isaga ka mid yahay.

Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Kenya ee ODM oo dhawaan heshiis la galay madaxweynaha Kenya ayaa dowladda ku taageersan tallaabooyinka la dagaalanka musuqa.

Siyaasiyiinta taageersan madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegaya in mashruuca la dagaalanka musuqa uu yahay mid ujeedkiisu yahay in madaxweyne ku xigeenka looga hor istaago tartanka madaxweynenimada Kenya sannadka 2020-ka.