Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Published
Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhaawacmay qarax caawa fiidkii ka dhacay dugsiga sare ee booliska ee magaalada Muqdisho.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa la sheegay in lagu dhuftay afaafka hore ee xaruntaas, waxaana tirada dhaawacyada BBC u xaqiijiyey gaadiidka gurmadka degdegga.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxa.
Dugsiga sare ee booliska ayaa ka mid ah xarumaha dawladda, waxaana inta badan kulammo ku yeesha baarlamaanka federaalka.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo magaalada Muqdisho la geliyey xaalad degdeg ah oo maamulka uu sheegay in wax looga qabanayo amni darrada halkaa ka jirta.








