Kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada Berlin iyaga oo ka mudaharaadayo qiimaha kirada guriyaha oo qaaliyoobay.

Mudaharaadka ugu weyn wuxuu ka socdaa magaalada Berlin

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Mudahraadayaasha ayaa dowladda ka codsanaya iney mulkiilayaasha guriyaha ay tillaabbo ka qaaddo
Published

Kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka waweyn ee magaalada Berlin iyaga oo ka mudaharaadayo qiimaha kirada guriyaha oo qaaliyoobay.

Waxayna mudaharaadayaashu sheegeen in kirada guriyaha caasimadda Germalka ee Berlin ay 10-ki sano ee ugu dambeeyey ay laba jibbaarantay.

Mudahraadayaasha ayaa dowladda ka codsanaya iney mulkiilayaasha guriyaha ee Magaalada Berlin ay tillaabbo ka qaaddo. Qaar ka mid ah dadka arrintan u ololeeyana waxay durbadiba billaabeen codsi ah in afti arrintan ku saabsan shacabka dalka laga qaado.

Mudaharaadyo kaa la mid waxay sida oo kale ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee Munich iyo Cologne.

Daraasad ay 2019-kii ay sameeysay Koox guriyeynta u qaabilsan oo fadhigeedu yahay Berlin waxay sheegtay qiimaha guriyaha magaalooyinka halki meetir ee isku wareegg ah in lagu kireeyaa 10 Euro (£8.62 gini) qiimahaasi 5% ka sarreeyo sanad ka hor qiimihi guriyaha lagu kireyn jiray

Mudaharaadka ugu weyn wuxuu ka socdaa magaalada Berlin

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qiimaha guriyaha Berlin oo sare u kacaya iyo mushaaraadka oo ay dowladda waxba kordhinin

Waxaa kale oo ay daraasaddu sheegtay in qiimaha lagu kireeyo guriyaha magaalada Berlin uu aad sare ugu kacay.

Dadka arrimahan u ololeeya saxiixyada shacabka ee ay billaabeen iney uruuriyaan waxay sheegeen iney ku doonayaan iney dowladda u gudbiyaan si ay tallaabba adag uga qaaddo dadka guriyaha la kireeya ee magaalada Berlin ku yaallo iskaleh.

Shirkadda guriyaha ugu badan magaalada Berlin ku leh ee Deutsche Wohnen ayaa ugu horreysay shariikadaha ay shacabka ka mudaharaadayaan. Waxayna shirkaddaasi magaalada Berlin ku leedahay 115,000 oo guri.

Balse dowladda hoose ee Berlin ayaa sheegtay in guriyaha ay shaqsiyaadku leeyihiin ay dowladda farageliso ay ku keeneyso iney dowladda bixiso magdhaw dhan 37 bilyan oo Yuuro iney bixiso. Balse xal kale la raadinayo.

Bishi September ee kal horana 10,000 oo qof ayaa mudaharaad kan la mid ah ka sameeyey magaalada berlin iyaga oo ka cabanayey qiimaha kirada guriyaha magaalooyinka oo sare u kacay.