Jigjiga: Kala qaybsanaan baahsan oo ka dhalatay 9-ka xubnood ee ay qolo walba dooneyso

Published

Qaar ka mid ah gobollada deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ka kooban yahay ayaa ka soo horjeestay qaab dhismeedka cusub ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida (SDM).

Waxayna shacabka gobollada ka cabanayaan iney ku qanacsaneen qaab dhismeedka xisbiga gaar ahaanna inaan lagu soo darin guddiga fulinta waxayna sameeyeen mudaharaadyo nabadeed.

Astaanta SDP

Xigashada Sawirka, Mohammed Shalle/Facebook

Qoraalka sawirka, Astaanta Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida

Waxaana gobollada ay shacbkoodu ka mudaharaadayaan qaab dhismeedka xisbiga looga soo horjeedo sameeyeen waxay kala yihiin Gobollada Afdheer, Godey, Daawa, Dollo iyo Nogob.

Haddaba BBC-da oo la xiriirtay mas'uul ka mid ah Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida ayey weydiisay shacabka waxa ay ka cabanayaan iyo jawaabta xisbiga uu u hayo shacabka gobolladaasi.

Enginer Maxammed Shaalle

Xigashada Sawirka, Mohammed Shalle/Facebook

Qoraalka sawirka, Madaxa Xaruunta dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Enginer Maxamed Shaalle

Madaxa Xaruunta dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Enginer Maxamed Shaalle ayaa BBC-da u sheegay "in ay cabashadu jirto balse xisbiga qaab dhismeedka cusub uu yeeshay uu ku yimid go'aanka ka soo baxay Ergo ay tiradooda kor u dhafeyso 2900 oo laga soo kala xulay dhammaan gobollada degaanka".

"Inta aan qaab dhismeedka xisbiga la guda gelin waxaa tashi 3 maalmood qaatay lala sameeyey Ergo ka badan 2900 oo gobollada uu deegaanka Soomaalida ka kooban yahay laga soo xulay (Gobo, Degmo, Ismaamul magaalo ilaa heer tuulo)". ayuu yiri.

Qoraalka Codka, Sidee looga faaideysan karaa biyaha roobka?

"Ergada markay dood dheer sameeyeen kaddib waxay ergada go'aamiyeen in xubnaha guddiga fulinta 9 xubnood laga dhigo isla-markaana lagu soo doorto Aqoontooda, Khibraddooda iyo Sida ay Soomaali wax ugu qaban karaan." ayuu yiri Enginer Maxamed Shaalle.

"Waxayna Ergda go'aamiyeen xisbiga uu raacay inaan Qabiil iyo Gobol midna lagu soo xulin, Golaha dhexe oo ay Ergada soo doorteenna waxay doonteen 9-ka xubnood ee guddiga fulinta ee Xisbiga hoggaaminaya." ayuu yiri.

Qab dhismeedka cusub ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida iyo Marxaladaha uu soo maray

Sida ay sheegeyso xogta aan ka helnay madaxa xaruunta dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida ee dalka Itoobiya:

"Xubnaha ergooyinka waxaa laga soo xushay dhamaan deegaanka ergo ka badan 2900, kuwaas oo ah xubnaha xisbiga. Markay shuruudaha ansixiyeen kadibna xubnaha ergooyinka codka leh oo dhannaa 936 ayaa ansixiyey shuruuudaha lagu soo xulanaya golaha dhexe iyo tiradoodaba" ayuu yiri Enginer Maxamed Shaalle.

Waxayna ansixiyeen 61 xubnood oo noqonaya xubnaha cusub ee golaha dhexe oo dhammaan qabaa'illada deegaanka lagu saleeyey.

"61 xubnood ee loo doortay golaha dhexe ee xisbiga waxay iska dhex doorteen 9 xubnood oo guddi fulin ah oo ay ku soo xuleen shuruudihi seddexda ahaa ee ay ergada dejiyeen. Iyada oo aan loo eegin qabiil inkastoo ay ka dhex muuqdeen dhammaan gobollada."

Xisbiga qaab dhismeedkiisa cusub

  • Wuxuu yeeshay 61 xubnood oo gole dhexe ah
Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga

Xigashada Sawirka, Mohammed Shalle/Facebook

Qoraalka sawirka, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga
  • 9 xubnoo ayey iska sii dhex doorteen

Haddaba 9-kaasi xubnood ee guddiga fulinta Xisbiga Dimuqraadiga Soomalida ee dalka Itoobiya loo doortay magacdooda xilalka loo doortay iyo gobollada ay ka soo jeedaan halkan ka akhriso.

9-ka Xubnood ee Guddiga Fulinta Xisbiga loo doortay

Xigashada Sawirka, Mohammed Shalle/Facebook

Qoraalka sawirka, 9-ka Xubnood ee Guddiga Fulinta Xisbiga loo doortay

Xisbiga qaab dhismeedkiisi hore siduu ahaa

  • Golaha dhexe 47 xubnood ayay ahaan jireen
  • Guddiga fulinta 15 xubnood inkasta oo tirda guddiga ay marna ahayd 11 xubnood

Xisbiga jawaab noocee ah ayuu u hayaa Shacabka Gobollada Cabanaya

Madaxa Xaruunta dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Enginer Maxamed Shaalle oo ay BBC su'aashaasi weydiisay wuxuu ku jawaabay "jawaabta xisbiga uu hayo iney tahay xisbigu wax ay shacabku raalli ka ahayn ma sameeynin, qabiilna waa laga gudbay waxaana xisbiga lagu dhisay go'aanka ay shacabka deegaanka diyaariyeen iyo suruucdii ay dajiyeen.

"Waxa loo baahan yahay ayu yiri shacabku iney isdajiyaan xisbigoodana ay garab galaan, haddii ay si ay daacadnimo ku jirta ay xubnaha guddiga fulinta ku jirta u eegaanna waxay ogaanyaan inuu jirin gobol ka maqan qaab dhismeedka."

"9-ka xubnood ee la doortayna waxay matalayaan dhammaan shacabka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee looma dooran gobol ama Qabiil" ayuu yiri.

Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya wuxuu dadaal ugu jiraa sidi bah wadaagnimada EPRDF uu uga bixi lahaa uu u noqon lahaa Xubna ka tirsan xisbiga Talada dalka Itoobiya haya oo ay horay uga tirsanaayeen Xisbiyada Oromada, Amxaarada, Shucuubta Koonfureed iyo Tigreeda.