Musharaxiintii ugu badneyd ee Soomaali ah oo u tartamaya doorasho ka dhaceysa dal ajnabi ah

Finland ayaa ka mid ah dalalka ku jira Midowga Yurub
Qoraalka sawirka, Finland ayaa ka mid ah dalalka ku jira Midowga Yurub
Published

Waxaa lagu jiraa gabagabada doorashada baarlamaanka wadanka Finland taas oo ay ku lool tamayaan xisbiyo gaaraya 9 xisbi,doorashadan ayaa afartii sanaba mar laqabtaa waankaasi,3 Maarso ayay cod bixintu ka bilaabatay goobaha lagu codeeyo ee dalkaasi, 14 Maarso ayaa la shaacindoona natiijada doorashada.

Waxaa jira xubno soomaali ah oo gaaraya ilaa 9 xubnood oo ka qayb galaya tartanka doorashada oo isugu jira rag iyo dumar.

Magacyada musharixiinta baarlamaanka Finland

Sahra Abdula

Ramieza Mahdi

Faysal Abdi

Alas Ali

Suldan Said

Ali Abdirahman

Habiba Ali

Abdirahim Hussein

Liban Sheikh

Soomaalida finland ayaa lagu qiyaasaa ilaa 20 kun, Soomaalida ayaa wadankaasi intooda badan waxay tageen bilowgii shagaashamaadkii

Soomalaida ayaa door fiican ka ciyaaraya tobonkii sano ee u danbeeyey ka qayb galka siyaasada iyo isdhex galka dalka Finland

Wali majiro xubno soomaali ah horrey ugu biiray baarlamaanka wadankaa,waxa jirta dadaalo ay siyaasiyiinta soomaalidu ka sameeyeen doorashadii hore ee golaha deegaanka ay soo gashay tiro badan oo soomaali ah.

Soomaali ayaa qabta rajo ah in ay arkaan xubno soomaali ah oo soo gala baarlamaanka sannadkan.

Soomaalida Yurub ayaa wado dadaal ay ku doonayaan in ay kaga qayb galaan masraxa siyaasadda Yurub, Layla Cilmi ayaa noqotay gabadhii u horeysay ee soomaali ah oo ka mid noqota baarlamaanka Sweden