Xildhibaan hore: "Waxaan waayey afar ka mid ah carruurtayda"

Dennis Canavan

Xigashada Sawirka, Dennis Canavan

Qoraalka sawirka, Dennis Canavan
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Mid ka mid ah siyaasiyiinta rug caddaaga ah ee Scotland ayaa shaaciyay inuu la tacaalay "niyad jab iyo murugo badan" kaddib markii afar carruurtiisa ka mid ah ay ka dhinteen.

Dennis Canavan ayaa halis u noqday xanuunada dhimirka waxa uuna wajahay qiso aad u xanuun badan kadib markii uu waayey saddex wiil iyo gabadh.

Badanaa ma uu jeclo inuu ka hadlo arrimaha qoyskiisa, balse BBC ayuu siiyey waraysi uu uga hadlayo arrimihii soo wajahay.

Waxa uu xaqiijiyey inuu weli la murugaysan yahay xaaladdihii uu soo maray.

Gordon Brewer ayaa weydiiyey Mr Canavan in kaddib markii ay ilmaha ka dhinteen uu ka qaaday calool adayg.

"Wixii ugu xumaa"

Xildhibaankan oo horay uga tirsanaa xisbiga Independent MSP ayaa yiri: "Haddii aad su'aashaas i weydiin lahayd muudo sannado ah ka hor, waxaan dabcan dhihi lahaa haa, waxaa laga yaabaa in ay si u dabeecadahayga iyo dhaqankaba ay u badeshay.

"Balse taasi waxay ahayd ka hor inta aysan halkaygii gabadh ee iisoo hartay dhiman, taasoo ahayd cunugii afaraad ee aan waayey."

Dennis Canavan

Xigashada Sawirka, Andrew Cowan/Scottish Parliament

Qoraalka sawirka, Dennis Canavan

Ninkan oo 76 sano jir ah, oo Falkirk ku matalay baarlamaanka muddo 20 sanno ah ku matalayay, "aad ayey iigu adagtahay inaan ka hadlayo arrinkan, balse ilmaha oo la waayo ayaa ah waxa ugu xun ee ku dhici kara waalidiinta"

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Wiilkiisii ugu weynaa Mark ayaa ku dhintay Australia bishii Maarso ee sanadkii 2007-dii, kaddib muddo saddex sano ah oo uu xanuunsanaa.

Cunugiisii labaad ayaa u dhintay cudurka kansarka.

Wiilkiisii saddexaad ayaa asagana u dhintay kansarka maqaarka.

Gabadha kaliye u hadhay ayaa iyadana u dhimatay dhaawac shil kasoo gaaray.

The Yes campaign

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dennis Canavan

Xilligii waraysiga laga qaadayay ayuu soo bandhigay inuu sameeyo jimicsi badan si uu xannuunka dhimirka ula dagaalammo.

Waxa uu yri: "Jimicsi samee haddii ay ahaan lahayd dabaal ama socod, waxaad dareemaysaa caafimaad."