'Qadadeyda ayaan ka iibiyey arday aan wax wada baraneynay maantana huteel caalami ah ayaan maamulaa'

Xigashada Sawirka, Ennismore
BBC ayaa waxay barnaamijyo taxana ah ka samesysaa maamulayaasha ganacsiyada waaweyn oo howlahooda guusha ka gaaray oo daafaha caalamka ku kala nool.
Barnaamijka taxanaha ah ee ay BBC ku lafa gurto maamullaada huteellada caalamka iyo noolasha ay soo mareen waxaa toddobaadkan marti ugu ahaa Sharan Pasricha, oo ah maamulaha huteellada Ennismore.
Fikir hal abuurnimo ee Sharan Pasricha wuxuu ka soo billaabanaysaa marka ay da'diisu ahayd 6 jir.
Sanadka ugu horreeyey oo uu waxbarashda dugsiga hoose billaabay wuxuu iibin jiray rooti.
"Saaxibbadeey aan ka iibiyo rooti ee wax wada baranno si wanaagsan ayaan uga macaashay kaddib waxaan go'aansaday inaan hooyadeey weydiisto iney Sandwich badan ii sameeyso." ayuu yiri Sharan oo 38 jir ah oo ku soo barbaaray magaalada Mumbai ee dalka India.

Xigashada Sawirka, Ennismore
"Waxaa ii billaabatay inaan dhaqaala ahaan kor u soo kaco dakhligeyguna uu laba laabmo."
Sharan dabeecad ahaan waa nin sheeka macaan oo aan laga xiisa dhigeyn marka uu ka sheekeynayo noolasha uu soo maray.
Hal abuurkiisi ugu horreysay wuxuu soo shaac baxay 22 jirkiisa, inta uu jaamacadda London uu ka bixinna wuxuu aasaasay warbaahinta Rush Media uu fadhigeedu yahay UK, warbaahinta ardayda iyo wakaalado dhinac suuq geynta ka shaqeeya muddo seddex sana ah ayuuna howlahaasi ku howlanaa.

Xigashada Sawirka, Ennismore
Fikirka hal abuur uu Sharan la yimid waxay soo jiidatay adeerkii oo ku sugan magaalada Delhi, wuxuuna dib ugu yeeray Sharan si uu u maamulo warshadda saamaha iyo harkaha uu lahaa.
"Waxay ahayd cajiib" ayuu yiri Sharon oo hadalka aad u boobsiiya. "25 jir ayaan ahaa waxaanna maamulayey 300 oo shaqaala ah oo warshadda ka shaqeeya. Runti waxay ahayd shaqa aan wax badan ku bartay, xirafaddeyda iyo aqoonteeyda maamuleedba sare ugu soo qaadday."
Seddex sano kaddib Sharon shaqadi uu warshadda ka hayey ayuu joojiyey wuxuuna waxbarashada maamulka ganacsiga ee shahaadada labaad ugu xarooday kulliyadda ganacsiga ee London.
"Hoteellada soo jiidasho aad u weyn ayey leeyihiin markaad eegto sida ay u sameysan yihiin , naqshadda ay leeyihiin, bulshada ku xeeran, cuntada iyo cabitaanka laga hela intaba, waxaanna ku fikiray inaan dhinaca huteellada aan u jeesto maadaamaa aan xiiseynayey in badanna aan ku taamayey" ayuu yiri Sharan."
Sanad kaddib marka uu jaamacadda ka qalin jabiyey 2011-kii, wuxuu diyaariyey qorshe ay maalqabeenno ku iibsanayaan Huteelka Hoxton ee ku yaalla bariga London waxayna ugu dambeyn 2012-kii ku iibsadeen £65 milyan oo pound.
"Huteel ku yallo Shoreditch ayaan ka shaqa galay "waxaa marki iigu horreysay la i baray 40 shaqaala ah oo huteelka ka shaqeeya" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Ennismore
Haddaba huteelki ugu horreyey ee loo dhiibay sanadki ugu horreyeyba uu soo hoyey faa'ido aad u badan taasoo keentay iney milkiilayaasha huteelka iney ku fikiran iney huteella kale ka furtaan magaalada London.
"Rabitaanka ka soo yeeray mulkiilayaasha huteelka waxay ii abuurtay fursad aad u wanaagsan oo ah inaan maamulo huteel kii hore ka weyn".
Waxayna Mulkiilayaasha Hutelkooda labaad ka furteen magaalada London gaar ahanna Holborn sanadka marka uu ahaa 2014-kii, kaddibna waxay huteelladu laamo kale ka sii furteen Amsterdam, Paris iyo Magaalooyin kale oo Mareykanka ku yaalla sida Newyork, Portland, Chicago iyo Los Angeles. Waxaa sida oo kale waddada soo haya huteel ay ka furayaam Southwark London.

Xigashada Sawirka, Ennismore
2015-kii wuxuu Sharan uu go'aansaday inuu maamulo ka noqdo huteelka qadiimka ah ee la dhisay 1924-kii huteelkaasi oo ku yaalla Perthshire, dalka Scotland
Sharan oo dalka Hindiya u dhashay xaaskiisa waxay u dhlatay dalka Scotland, huteelkaasi marka la iibiyeyna wuxuu u sii gudbay fursad tii hore ka sii wanaagsan.

Xigashada Sawirka, Ennismore
Ugu dambeyn Sharan wuxuu fursad u helay inuu noqdo maamulaha guud ee huteellada Ennismor.
Huteellada Ennismore waxaa marki ugu horreeysay la aasaasay inta u dhaxeysay 1920-1930-yadi wuxuuna ku yaalla magaalada London.
Xogta ugu dambeysay ee Huteelka Ennismore waxay tibaaxeysaa dhaqaalaha huteelka 2017-kii inuu ahaa £20.7 milyan oo gini, 2018-kina uu ahaa £14.6 milyan o gini.
Faa'idada huteelka uu soo hoyeyna 2017-ka wuxuu ahaa £6.8 milyan oo gini wuxuuna sanadki hore ahaa £7.7 milyan oo gini taasoo lagu micneeyey guul uu soo hoyey maamulaha Huteelka Sharan Pasricha.

Xigashada Sawirka, Ennismore












