Shan arrimood oo la xiriirta xiisadda siyaasadeed ee dalka Venezuela

Nicolas Maduro iyoJuan Guaido

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Nicolas Maduro iyo Juan Guaido
Published

Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Venezuela waxa ay u egtahay mid aan dhammaad lahayn.

Dowladda iyo mucaaradku na waxa ay noqdeen kuwa aan kala guuleysan karin. Labada dhinac ba waxa ay leeyihiin waxyaabo ay ku wanaagsan yihiin iyo waxyaabo ay ku liitaan taas oo adkayneysa in dhinac kale ah guuleysto.

Shantan siyaabood ayaa xal u noqon kara xiisada.

1. Wada halal Negotiation

Falanqeeyayaashu waxay ku talo bixinayaan in Venezuela isfaham siyaasadeed ku gaari karto wada halal.

Wada hadalku wuxuu noqon karaa mid la xidhiidha waxyaabaha aasaasiga ah sida in la qabto doorasho ay korjoogteenayaan beesha caalamka, in la cusbooneysiiyo maamulka hay'adaha garsoorka iyo doorashooyinka,, iyo in xabsiga laga siidaayo dadka siyaasada u xidhxidhan. Laakiin guul laga gaaro wada hadal noocaan ah waxa ay ku xidhnaan doontaa sida labada dhinac ay uga go'an tahay tanaasul iyo heshiis.

Mucaaradku kalsooni badan kuma qabaan wada hadal ay la galaan dowladda Maduro iyaga oo xasuusan balamaha iyo heshiisyada uu ka baxay madaxweynihii hore ee uu xilka ka dhaxlay.

Xaalada siyaasadeed ee dalka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xaalada siyaasadeed ee dalka

2. Burbur ku yimaada askarta xukunka gets a Implosion of chavismo

Sii deynta Leopoldo Lopez oo la malayn karo inay ka dambeeyaan saraakiisha sirdoonka ee horey xabsi guriga ugu hayay waxa ay tilmaam u tahay khilaafka ka dhex jira ciidamada iyo hay'adaha amniga ee Venezuela. Bilihii lasoo dhaafay saraakiil ka tirsan kooxda xukunka heysa oo ay ka mid yihiin garsooreyaal, wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa kasoo horjeestay madaxweyne Maduro.

Laakiin khilaaf iyo burbur aan xakameysniin oo ku yimaada kooxda xukunka heysa ee Chavismo loo yaqaan waxaa ka dhalan kara rabshado halis ah.

Waxaa sidoo kale kasoo horjeeda Maduro ciidamada bulshada oo qeyb ka ah kuwa dowladda islamarkaasna ka cabanaya dhaqaale xumo.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

3. Mucaaradka oo fashil ah Implosion of the opposition

Dadka qaar waxa ay rumeysan yihiin in siddii dhacday 2014 iyo 2017dii markale mucaaradku kala qeybsami karo taas oo cuuryaamin doonta dedaalka ay ugu jiraan inay xukunka kala wareegaan Maduro.

Dadka Venezuela waxaa walaac ku haya dembiyada magaalooyinka ka dhaca iyo dhaqaale xumida. Haddii la xidho hoggaamiyaha mucaaradka islamarkaasna wax falcelin ah aysan ka imaan beesha caalamka ama gudaha, Maduro waxa uu awoodi doonaa in uu xukunka sii heysto.

4. Afgembi Coup d'etat

Rafael Ramírez

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Rafael Ramírez,

Venezuela waxay leedahay taariikh dheer oo la xidhiidha afgembi ciidan. Kii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 2002dii markaas oo hoggaamiyihii hore Hugo Chavez xukunka laga la wareegay muddo 48 saac ah.

Dhawaanahan ba mucaaradku waxay ugu baaqayeen askarta inay ku biiraan mucaaradka islamarkaasna xilka ka tuuraan madaxweyne Maduro.

Xiisad baa ka dhex jirta ciidanka oo qaar badan ay ku biireen mucaaradka. Laakiin ciidanka Venezuela badidood waa xagjir aan kalsooni badan ku qabin mucaarad ku xidhan Mareykanka.

Afgembi xal uma noqon doono xiisada Venezuela oo wuxuu ba uga sii dari kartaa xaalada

Tres encapuchados

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kooxo hubeysan

5. Faragelin shisheeye Foreign intervention

Mucaaradku waxa ay marar badan ku celceliyaan oo ay dalbadeen ciidamo caalami ah oo soo faro geliya Venezuela si xilka looga tuuro hoggaamiyaha ay aaskartu taageersan tahay ee Maduro.

Laakiin Venezuela ma ahan mid u fudud faro gelinta ciidamo shisheeye. Dalku wuxuu leeyahay awood ciidan oo balaadhan iyo maleeshiyo qaran oo ku fidsan dalka oo dhan wuxuu na islamarkaasna taageero ka heystaa Ruushka iyo Shiinaha.

Taas ayaa adkeyneysa suurtogalnimada faro gelin ciidan oo dibada ka timaada.

Vladimir Padrino Lopez,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Padrino Lopez,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ku adkeystay inay tilaabo walba oo ay ku jirto mid ciidan suurtogal tahay inay ka qaadaan Venezuela. Laakiin waxa ay u egtahay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uusan oggolaan doonin faro gelin ciidan oo ka dhan ah Venezuela.

Haddii aysan dhicin midna shantaas arrin waxa ay u egtahay in xiisada Venezuela sii cakirnaan doonto.