Madaxweynaha Kenya oo ''la la'yahay''

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta

Xigashada Sawirka, STATEHOUSE KENYA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo

Shacabka Kenyaanka ayaa sabtidii baraha bulshada ku kulanto ee twitter-ka ku dalbaday jawaabo ku saabsan halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru ayaanan indhaha bulshada lagu arag muddo laba isbuuc tan iyo markii uu u kicitamay dalka shiinaha si uu heshiisyo ganacsi ula gaaro dhigiisa dalkaasi.

Marka laga reebo xaqiijinta heshiiska EE Shiinaha, Uhuru wuxuu markhaati Ka ahaa saxiixa laba heshiis oo mashruuc oo lagu gaaro Sh67.5 bilyan oo ah iyada oo loo marayo maalgalinta macaamiisha iyo Iskaashiga Dadweynaha ee Gaarka loo leeyahay (PPP).

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Xaskiisa oo la sawiran Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Xigashada Sawirka, STATEHOUSE KENYA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Xaskiisa oo la sawiran Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Waxay barta bulshada isugu timaado ee twitter-ka, ka bilaaben olole loogu magac daray #SooRaadiyaMadaxweyneUhuru oo ay ku soo bandhigeen sawiro iyo marki u dambeuysay halka uu ku sugnaa.

Waxaana ka mid farriimihii dadku isweydaarsanayaan kuwan:

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

'' ugu horeyntii waxaa uu hawada ka saaray dhamaan ciwaanadiisa baraha bulshada, dabateedana wauxuu aaday shiinaha sii uu lacag deyn ah u raadsado, wixii intaa ka dambeeyay madaxweynaheena lama arag!halkuu aaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta? @SueKE254 ayaa sidaasi qortay

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

"waa inaynu raadinnaa madaxweynaha, annagu waan joogi karnaa isaga la,aantii waxaanse filayaa in shiinuhu haysto illaa inta deynta ay ina siiyeen aynu dib isaga bixinayno' @MbuthiaAmina