Sida looga jawaabo waxyaabaha ugu weyn ee aad ku liidato

Barnaamijka ayaa la isugu keenaa dad kala duwan

Xigashada Sawirka, Tim Anderson/Channel 4

Published

Barnaamij Isbuuciba maalinta Axadda baxa ayaa waxa ka qayb gala shan qof oo la weydiiyo su'aal ay dadka oo dhan mar un ka jawaabaan, "Muxuu yahay waxa ugu weyn ee aad ku liidato?"

Waa su'aal dadka badanaa la weydiiyo xilliyada ay samaynayaan imtixaannada ay ku raadsanayaan shaqooyinka.

Marka sidee ayaad uga jawaabi kartaa adiga oo si cad u sharaxaya?

BBC ayaa la hadashay shaqaalaheeda, aqoonyahanno iyo dadka shaqaaleysiiya kuwa shaqa doonka ah waxayna weydiisay sida ugu wanaagsan ee su'aashan looga jawaabi kara.

Maxay tahay sababta dadka loo weydiinayo?

James Reed, madaxa Reed recruitment waxa uu yiri, " Waxyaabaha aysan ku xusaynin xogta qofka ayaa ah dabeecadaha runta ah ee uu qofka leeyahay."

"Su'aasha marka aad weydiiso, dadka qaadaya imtixaanka waxa ay weydiinayaan dadka u sharaxan shaqada iyo in warbixinta aad xogtaada ku xustay ay tahay mid sax ah?

"Su'aasha ayaa fursad u ah in qofka uu dabeecadihiisa uu wax ka barto."

Ahow qof adag

Sophie Phillipson, oo aasaastay shirkadda HelloGrads waxay tiri, " Waxaan ahay qof jacel inuu wax kasta hagaajiyo,"

"Jawaabta ugu fiican ee aan jeclahay inaan ka helo dadka aan imtixaanka ka qaadayo ayaa ah, "Waxaan leeyahay cillado badan, mana aqaanno halka aan ka billaabo."

"Ahow qof isku qanacsan oo bini'aadam ah haddii aad rabtid in lagu xasuusto."

Imow adiga oo diyaarsan

Lewis Constable, waxaa la weydiiyey su'aashan sanado ka hor mar uu imtixaan qaadanayay balse waxa uu garan waayay sidii uu uga jawaabi lahaa su'aashan.

"Waxaa la i weydiiyey in su'aashan dib la iigu soo celin doono balse imtixaankii ayaa dhammaaday aniga oo aanan fursad helin shaqadiina waan waaayey." Ayuu yiri.

Iska ilaali inaad bilaa macno noqoto

Jenny Straumers

Xigashada Sawirka, Cirrus

Jenny Straumers waxay tiri "Si cad u sheeg inaad ogtahay waxyaabaha aad ku liidato balse aad marwalba isku howsho sidi aad wax uga beddeli cilladaha aad lahayd".

"Iska ilaali inaa bilaa macno noqoto, oo muuji daacadnimo adiga oo xaqiiqada ka hadlaya arrimahaasi ayaa ah waxyaabaha ay sida weyn udaneeyaan dadka ku shaqaaleysanaya" ayey tiri.

"Si gaar ahna u abbaar waxa aad si gaar ah ugu liidato iyo sida aad uga shaqeyneysid inaad wax ka beddesho. Tusaale ahaan sidi aan wax uga beddeli lahaa ayaan ku howlanahay hadhihine si toos ah carrabka ugu dhufo cilladda waxa ay tahay iyo waxa aad ka qabanaysid".

"Waxaadna sharraxaad la fahmi karo ka bixisaa cilladda aad leedahay inaad dhanka wanaagga u beddesho sida aad diyaarka ugu tahay. Ujeeddada ay dadka shaqaalaha qorta ka leeyihiin arrintan ayaa waxay tahay iney ogaadaan qofkan inuu yahay qof soo jeedo diyaarna u ah inuu had iyo jeer waxbarto."

Daacad noqo

Lee Biggins, oo ah aasaasaha ahna Madaxa guud ee shirkad madax bannaan oo lagu magacaabo CV-Library wuxuu sheegay: "Arrinta ugu xun ayaa waxay tahay inuu qofka su'aashan uu uga jawaabo 'Anigu wax cillad ah ma lihi', 'Wakhtiga waan ilaaliyaa, Howsha aan qabanayana daacad ayaan u ahay' iwm.

Balse waxaad isku daydaa ayuu yiri inaad jawaab sax ah bixiso isla-marakaana jawaabaha aad bixiso daacad aad u noqoto adiga oo weliba xoogga saarayo shaqada iyo waxa ay kaaga baahan tahay.

Tusaale ahaan waxaa tirahdaa ayuu yiri "Waxaan ku dadaalaa sidii aan wakhtigeyga sida ugu habboon u maareyn lahaa, waxaanna ku dadaalaa sidi aan ugu shaqeyn lahaa jadwalka shaqada u dajisan."

Balse daacadnimadaadu yey noqonin mid xad dhaaf ah

John Lees oo ah qoraa ahna xirfadyahan aqoon dheer u leh istiraatiijiyadda ayaa wuxuu qoray dhawr buug oo ka hadlayo sida ugu wanaagsan oo aad ugu guuleysan karto su'aalaha qofka shaqa doonka la weydiiyo.

Wuxuuna sheegay: "Qofka in looga baahan yahay su'aal kasta iyo wixi uu uga jawaabi lahaa inuu qoro kaddibna uu ku celceliyo ilaa uu xifdiyo kaddibna saaxibbadii uu ku kalsoon yahay ama ehelkiisa uu ka dalbado iney suaalaha weydiiyaan sida uu uga jawaabana ay dhibco ku siiyaan"

"Waxaadna ogaataa dadka su'aalaha ku weydiinaya oo imtixaanka kaa qaadaya wanaagga ad leedahay waxay ka jecel yihiin iney ogaadaan halka aad ka liidato iyaga oo si aad ah kuu qodqoda" ayuu yiri John Lees.

"Iskana ilaali inta wareysiga lagula yeelanayo inaad carrabka ku dhufato dhibaatooyin hadda ka hor xagga shaqada ama cid aad ku shaqeyneysay idin dhex martay iyo jawaaba aad hoos ugu dhigayo kartidaada aqooneed ama xirfadeed oo lagu siiyey iwm" ayuuna sii raaciyey."