Saddex shaqo ayaan ka shaqeeyaa si aan guri u helo

Xigashada Sawirka, DANIEL LEWIS
Daniel Lewis, waa 33 jir, la halgamaya sidii uu u aruursan lahaa lacag uu guri ku iibsado, waloow uu sanooyin badan lacag ka kaydsanyey shaqo uu toddobaadkii 37 saacadood ka shaqeeyo.
Si uu u kordhiyo wax soo saarkiisa, waxaa uu bilaabay in uu shaqeeyo 14 saacadood oo dheeri ah.
Tirada dadka ee kordhinaya saacadaha shaqadoda si ay dhaqaale u sameeyaan ayaa laba jibbaarmay saddexdii sano ee la so dhaafay, sida ay sheegtay hay'adda TUC.
Dhalinyarada ayaa badanaa qabta shaqooyin u baahan dadaal badan iyo dabacsanaan, shaqooyinkaas oo ah kuwo aan la isku hallayn karin.
Hay'adda TUC ayaa sheegaysa in dadka adeegsada App-ka Uber ama Handy si ay shaqo u helaan ay badankoodu shaqooyinka kale haystaan.
Arrintani waxa ay muujinaysaa in "Dadka shaqeeyaa ay u dagaallamayaan sidii ay baahiyahooda u dabooli lahaayeen", ayuu tidhi madaxa hay'adda TUC, Frances O'Grady.
Bartilmaameedka Mr Lewis iyo lammaanihiisa Zoe, oo deggan magaalada Leeds, ayaa ah £9,000 si ay guri u iibsadaan.
Si kastaba ha ahaatee, wali ma aanay helin lacag ku filan kaddib markii ay lacag meel ka dhigteen mushaarkooda billaha ah.
20 bilood gudahood, Mr Lewis waxaa u suurta gashay in uu helo lacag gaaraysa £4,500 markii canshuurta laga jaray kaddib si ay yoolkooda u gaaraan, waxa uuna maalintii shaqaynayey saacado dheeri ah oo gaaraya 3.5 saacaood, afar jeer toddobaadkii, waana darawal u shaqeeya sharikadaha Uber iyo Amazon.
"Waxaan muddo badan ku dhibbanayn suuqyada kirada - wax meel kuu dhigmayana maleh, gaar ahaan dadka jaamacadaha ka soo baxay," ayuu BBC-da u sheegay.
"Waa jidka kaliya ee aan dhaqaale ku samayn karno , marka la eego xaddiga lacageed ee ay tahay in aad bixisid."

Xigashada Sawirka, Getty Images
In kastoo ay haatan guri leeyihiin, Mr Lewis wali waxa uu sii wadaa in uu qabto shaqooyin adag si uu u helo kharashaad dheeri ah, sida in ay kor usoo qaadaan beertooda".
Waxa uu u shaqeeyaa sharikadaha Amazon iyo Uber waayo labadan sharikadoodba waxa ay darawalada u shaqeeya mushaar kooda siiyaan toddobaadkiiba hal mar, waana shaqo dabacsan.
Halkii qof oo ka mid ah toban kii qof ee shaqeeyaba waxa ay shaqeeyaan saacado dheeri ah oo ay ka shaqaystaan Apps-ka internet-ka si ay dhaqaalahooda u kaabaan.
Macluumaadkan ayaa kasoo baxay xog aruurin laga sameeyey 2,235 oo qof oo ka mid ah dadka ku nool UK oo ay sameeyeen jaamacadaha Hertfordshire iyo Ipsos Mori.
Xog aruurinta laga sameeyey 2,235 qof oo UK deggan ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad saddex meelod labo dadka adeegsada Apps-ka si ay shaqo u helaan ay da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 34 jir.
Ms O'Grady ayaa tidhi: " Dad badan ayaa lagu khasbaa in ay qabtaan shaqooyin badan oo muruq u baahan oo aan la isku hallayn Karin.
"Balse waxaan aragnay tusaale ahaan Uber oo kale, in badanaa shaqaalaha lo diido xuquuqdooda oo loola dhaqmo sidii shaqaale markii la rabo shaqada laga eryi karo oo kale."












