Sawirro muujinaya silaca ka jira goobaha lagu hayo muhaajiriinta Maraykanka

Xigashada Sawirka, Office of Inspector General
Baaritaan ay sameeyeen kormeerayaasha dowladda Maraykanka ayaa ka digay xaaladaha halista ah ee ka jira goobaha lagu hayo dadka soo galootiga ah ee ku yaala gobolka texas, halkaas oo la sheegay in dadka ay is dul rasaysanyihiin. Waxa ay sheegeen in meelaha qaar dadka lagu kuusay qolal aad ciriiri u ah oo xitaa aanan lahayn bugcad yar oo salka dhulka la saaro. Mid ka mid ah maamulayaasha xarumaha ayaa saraakiisha dowladda u sheegay in waxa jira ay la mid yihiin sidii bambaano waqtiyaysan oo xili kasta ay fuyuusyada is taaban karaan, taas oo ay hadda dawanadeeda sharqamayaan.
Hay'adda ayaa sheegtay in goobaha lagu hayo muhaajiriintaasi kasoo gudba wabiga Rio Grande ay yihiin kuwo ay noolal xumi ka jirto, isla markaana buux dhaafay.
Xabsiyada ku yaal xuduudda Maraykanka iyo Mexico ayaa marar badan la sheegay inaanay xamili karin muhaajiriinta kusoo qulqulaya ee badankooda kasoo cararay dalalka bartamaha Ameerika.
Baarayaasha ayaa booqday 7 xabsi, waxaana ay sheegeen inay halkaa ku arkeen xaalad aad u adag. Mid kamid ah xabsiyadaasi ayaa dadka soo galootiga ah waxaa muddo todobaad ah lagu hayay qolal yaryar oo loogu talagalay in la taagnaado oo keliya.

Xigashada Sawirka, Office of Inspector General
Qaar kamid ah saraakiisha ilaalada xuduudaha Maraykanka ayaa baarayaasha u sheegay inay hadda u baqayaan ammaanka askartooda, mid kamid ah ahna waxa uu xaaladda ku tilmaamay bam waqti ku xiran yahay oo sugaya inuu qarxo.
Baarayaasha ayaa sidoo kale sheegay in qaar badan oo kamid ah carruurta halkaa lagu hayo aanay helin qubays joogta ah, dhar ay isaga bedelaan ku ay xiran yihiin ama xitaa cunno kulul.
Xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo booqday xabsiyo kale oo ku yaal gobolka Texas ayaa sheegay in wax laga naxo ay halkaa ku arkeen.
Congress-ka ayaa todobaadkii hore ansixiyay in ka badan afar bilyan oo dollar oo wax looga qabanayo xaaladda ka taagan xuduudda koonfureed ee Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Office of Inspector General












