Aqalka Wakiilada oo meel mariyay cod taariikhi ah

Nancy Pelosi

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Afhayeenka aqalka golaha wakiilada Nancy Pelosi, iyo xubno kale
Published

Aqalka golaha wakiilada Mareyakanka ayaa waxay u codeyeen qaraar lagu cambaareynayo weeraro dhanka afka ah oo is xig-xigay oo uu madaxwayne Trump uu la bartilmaameedsaday 4 haween oo ka tirsan aqalka Congress-ka.

Qaraarkan la meelmariyay ayaa ah mid taariikhi ah oo ay dhif iyo naadir tahay in la meel mariyo.

Qaraarkan ayaa lagu xusay in hadalada ka soo yeeray madaxwaynaha ay yihiin kuwa ka soo horjeeda qiyamka Mareykanka.

Qaraarkan ayaa lagu cambaareeyay hadalada ay ku tilmaameen xubnaha aqalka wakiilada Mareykanka kuwa ay cunsuriyad ku dheehan tahay oo ka soo yeeray madaxwayne Trump.

Erayada ka soo yeeray madaxwaynaha ayay ku tilmaameen xubnaha aqalka kuwa sharciyaynaya cabsi iyo naceyb ka dhan ah dadka ku cusub Mareykanka iyo dadka kala midibka duwan.

Dhammaan xubnaha dimuqraadiyiinta ayaa taageeray islamarkana waxaa ku soo biiray oo taageeray qaraarkan 4 xubnood oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Ka hor codeynta afhayeenka aqalka Nancy Pelosi oo khudbad jeedisay ayaa mar kale cambareysay hadalkii ka soo yeeray madaxwayne Trump.

Balse Mitch McConnell oo ka tirsan aqalka Sanet-ka kana soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa difaacay madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in uusan cunsuri ahayn.

Mr Trump ku adkaystay in baaqiisa ah in haweenkan ay isaga tagaan Mareykanka isaga oo sheegay in uusan cunsuri ahayn.

Si kastaba ha ahaatee hadalkii ka soo yeeray madaxwayne Trump ayaa dood badan ka dhaliyay gudaha dalka Mareykanka.

Kalsooni Kala Noqosho

Islamarkii la meelmariyay qaraarka, xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga Al Green ayaa diiwaangaliyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Donald Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan in ay horey usii wadaan arrinka xil ka xayuubinta Trump xilli xubno badan oo xisbiga ah ay arrintaas ku baaqayaan.

Xildhibaanka mooshinka keenay oo kasoo gala gobolka Texas ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf darro , kana dhigay meel lagu maadeysto.

Trump ayaa ka hadlay qaraarka la ansixiyay, isaga oo ammaanay midnimada xisbiga Jamhuuriga, isaga oo markale weeraray hablaha afarta ah oo uu ku eedeeyay in ay wax xun ka sheegeen Maraykanka, iyo Israa'iil.

Qaraarka la meel mariyay ayaa qoraya in dhammaan dadka Maraykanka, marka laga reebo dadkii loogu yimid meesha iyo kuwii Madoowga ah ee addoonsiga loo keenay in ay yihiin muhaajiriin ama firkii dad muhaajiriin ahaa.

Waxa kale oo mooshinka lagu xusay in waddanimada aysan ahayn isirka qof, ee balse ay tahay hadba sida uu qofka ku difaaco dastuurka oo ku dhisan sinnaan, xoriyad, ka wada mid ahaansho iyo waliba dimoqoraadiyad.