"Meher baa ku dhacay gaaridaan dhawran jiray..."

Abwaan Nageeye Cali Khaliif
Published

Dareenka jacaylku waa kan ugu badan ee halabuurrada suugaanta tiriyaa ay ka maansoodaan, jacaylkaasi ha noqdo mid ku dhacay maansayahanka laf ahaantiisa ama qiso jacayl oo uu u soo joogayba.

Balse kala duwanaanshaha waayaha jacayl ee aadmiga soo mara sida uu u kala gaddisanyahay, ayaa tixaha laga sameeyaana u kala duwanyihiin ayna u kala saamayn badan yihiin.

Qof laga guursaday qofkii uu jeclaa la xaalad ma ahan, dareenka jacayl ee lamaane is ogol isku qabaan.

Midna waa farxad, midna waa murugo iyo tiraanyo. Haddana labaduba waa jacayl uun.

Abwaan Nageeye Cali Khaliif ayaa gabay ka tiriyay dhacdo tan oo kale ah, wuxuuna gabaygiisa oo dheer ku magacaabay "Dhalgobeed".

Weriyaha BBC-da ee magaalada Hargeysa Sidiiq Burmad ayaa abwaanka ka wareystay sida ay ugu dhalatay Maansadaan jacalyka ah.

''Inta badan dadka xiriir baa ku burbura, oo xitaa Sidiiqow intii aan kuu soo socday nin ayaan waddada ku kulanay oo waxa uu igu yiri Nageeyow dowlad baa iga burburtaye maad gabay ka tirisid, taasi oo ay micneheedu tahay xiriir baa iga burburay, anigana in ay si ila xidhiidho ayaa laga yaaba. marka arrimahaasi iyo kuwa la mid ah ayaa igu dhaliyay in aan maansadaan tiriyo,'' ayuu yiri abwaan Nageeye Cali Khaliif.

Qaar ka mid ah erayada maasada

'Xalay gelin-dhexeedkii, jirtoo uunku wada dheelmay Dhawaaqii habeennimo, warkii dhagida ii diiday

Telefoonadii soo dhiciyo, dhiillada iyo ciilku

Waa waxay dhaguu ila qarxeen, dhimasho yeelkeede

Warkaygoo dhamaystiran haddaan weliba kuu dhiibo.

Yartii aan hablaha dhaafsadeen gooni ugu dhaatay

Yartii aan dhaawceedii waxbadan samay ka dhuubnaaday Meher baa ku dhacay gaaridaan dhawran jiray waayay

Iyadana cid ima dhaafsatee, waana shey dhab ah,

Waxaase aramidaa dhigay Gobaad waalidkii dhalay

Dhallaanimo jacaylkii i helay, calaf ka dheereeye.

Intaa kuma eka, ee maansada Dhal-gobeed iyada oo sii socota, waxay ku arooraysaa:

Inkastoonay dhaayahu arkayn caawa dhabkaaga

Dhammaysaan sidaan ahay, nin ogi ima dhaliileene

Dhaqaaq kuu eg goortaan arkaa, weli dhawaaqaaye Dhererkii iyo hanaankaad lahayd dhaaxa ma ilaabo, Dhexda madaga, indhaha dhaaxa ma ilaabo,

xubnahaagi wada dheemanka ahaa weli ma ilaabo,

Dhabankaada xaaddii ku tiil dhaaxa ma ilaabo,

Dhal-dhalaalka midabkaad lahayd dhaaxa ma ilaabo,

Quruxdaadi lagu dhaadan jiray dhaaxa ma ilaabo,

Daymadaadi aan laga dhargayn dhaaxa ma ilaabo,

Dhaqaaq joogsigaagii xarrago dhaaxa ma ilaabo,

Dhoollo ka qosolkaagii wacnaa dhaaxa ma ilaabo, Dhaqasho iyo aqoontaad lahayd dhaaxa ma ilaabo, Kaftankaagi aan dhuuxi jiray dhaaxa ma ilaabo,

Faankaagii dheeriga ahaa dhaaxa ma ilaabo,

Hadba dhiira gelintaad lahayd dhaaxa ma ilaabo.

Qaddar dhacay dharaarahaan is rogay waa wax dhumuc weyne

waxba yaan xusuus iyo u dhiman dhaawac igu yaalle.

Halkaas ayuu ka sii soconayaa gabaygani, illaa uu ka gaadho inuu la taliyo inantii uu jeclaa ee ay is waayeen, una sheego in guriga ay gashay ay dhawrato oo qoyskeeda dhaqato.

Sidaas ayuuna gabayga Dhalgobeed kaga duwan yahay, maansooyin kale oo sii haaraama kolka qofka ay is waayaan, halka asagu uu talo ugu daray. Suugaanta Soomaalidana kuma badna nooca maanso ee ujeed sidan oo kale ah gudbiya.