Maxay dadka DR Congo u beegsanayaan dhaqaatiirta ka daweyneysa Ebola?

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Dadku waxay aamin sanyihiin in xannuunka Ebola aanu jirin," sidaa waxa sheegay Dr Pascal Vahwere, oo ka shaqeeya la dagaalanka xanuunkan.
"Kooxdaydaydu waxay la kulmeen weerer iyaga oo gudanaya waajibaadkoodii shaqo ."
Dr Vahwere ayaa u sheegay BBC-da wixii ay la kulmeen markii ay isku gadaameen dad caraysan bishii Maarso,waqti uu hogaaminayay koox yar oo shaqaale ah,kuwaas oo ka hawl galayay talaalkana ka qaybinayay tuulo fog oo ku taalla Galbeedka degmada Kivu ee Congo (DRC).
" Markiiba waxa na qabsaday dablay ku hubaysan qoryo iyo baangado,maanan ogayn sababta ay noo soo weerereen.waanu cabsanay,waanu lahadalnay odayaasha dhaqanka iyo dadka hogaaminayay weerarkan''
Shaqaalaha caafimadku waxay aqoonsadeen kuwii hore u qabay xannuunkan,waxayna ku soo celiyeen xarumaha daryeelka,sidoo kale waxay ka qayb qaateen duugista kuwii dhintay,shaqaalaha caafimaadka tagaya goobaha cudurka Ebola saameeyay, waa shaqo halis ah

Xigashada Sawirka, MSF
halka xanuunkan daran ee Ebola u dilayo dad badan,ayaa shaqaalaha caafimaadka DRC ay wajahayaan,malayshiyaad iyo cadho ku faafaysa been abuur loo istcimaalay kooxo baraha bulshada ee WhatsApp.
Ugu yaraan Todoba kamid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa la dilay sannadkan oo kaliya,BBC-da ayaa xariir la samaysay shaqaalahan la tacaalaya Ebola,sababta ay arrinkan u wajahayaan
Xanta Been abuurka iyo cadhada ku saabsan jawaabta saxda ah ayaa sii hurinaysa dadka la nool xanuunkan dilaaga ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Faafinta wararka been abuurka ah ayaa u horseedaya dadka in cudurkani yahay qorshe ay siyaasiyiintu ay dhaqaale ku samaynayaan " ayuu yiri Dr Vahwere.
Wuxu u shaqeeyaa ururka IRC ee magalaada Goma ee bariga DRC,magaaladan ayaa laga soo sheegayaa in markii u horeysay dhimashada Ebola ee laba usbuuc ka hor,halka markii labaad lagu arkay horaantii usbucan.
"Halka xitaa qaar kamid ah ay sheegeen in daawadu ay tahay mida qofka dilaysa'' ayuu raaciyay
Weerarka
Xanta been abuurka ayaa saldhig u ah weererka iyo dhimashada shaqaalaha.
"Laga bilaabo 1 janaayo ilaa 24 julaay 2019,waxaa shaqaalaha caafimaadka iyo xarumo caafimaad lagu qaaday198 weerar sida ay sheegtay Hay'ada caafimaadka aduunka WHO,7 dhimasho iyo 58 dhaawac ah ayaa ka dhacay DRC ,sidaas waxa BBC-da u sheegay Sakuya Oka oo ah madaxa xiriirka WHO.

Xigashada Sawirka, Institute of Tropical Medicine
Liiska dhimashada Shaqaalaha oo uu ku jiro sarkaal caafimaad oo ka tirsan WHO,waxa lagu dilay weerer ka dhacay jaamacadda cisbitaalka Butembo 19 Abriil.halka la weeraray laba qof oo kale,bishii May dadka deegaanka galbeedka DRC -Congo ayaa dilay shaqaale caafimaad,sidoo kale waxay bililiqaysteen xarun caafimaad.
15 Julaay laba shaqaale oo ka shaqaynayay mashruuca ka hortaga Ebola ayaa lagu dilay guryahoodii galbeedka deegaanka Kivu,

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Maanta waxan gacanta ku haynaa 57 qof oo la nool xanunka Ebola oo lagu dabiibayo xarunta caafimaad ee Beni,taas waxay ka dhigan tahay shaqadu way adag tahay''sidaas waxa sheegay Dr Freddy Snagala
Xannuunka Ebola ayaa ku faafa qoyaan ama dhiiga qofka qaba cudurkan ama sida bustayaasha iyo dharka uu taabtay dheecaankan, ma jirto daawo cudurkan ah,balse waxa lagu tacaali karaa habka soo celinta nafaqada jidhka iyo faleebooyinka nafaqada ayaa sababi kara fursad uu bukaanku ku badbaadi karo.
Talaalka
Dhawaan talaal la soo saaray ayaa la siinayay dadka reer DRC Congo si loo xakameeyo faafida cudurka Ebola

Xigashada Sawirka, Getty Images
In kabadan 170.000 ayaa qaatay talaalkan dadkan ayaa ahaa dad u dhawaa dadka xanuunkan qaba,balse weerarada loo gaysanayo shaqaalaha ayaa hakad galiyay,mashruuca loogu talaalayo dadka ,taas oo sabab u noqotay in cudurku ku faafo goobo badan.
waxa kamid ah goobaha uu cudurku ka dilaacay,meelaha ay ku sugan yihiin malayshiyaadka,halka ay jirto eedayn ay u jeedinayaan dawlada oo ah in ay dawladu qaadayso weererada lagu qaadayo shaqaalaha caafimaadka.
Musiibada ayaa ah inaan haysanno qaab farsamo oo aan ku joojino Ebola, laakiin illaa iyo inta dhinacyada oo dhan ay joojinayaan weerarada jawaab celinta, way adkaan doontaa in la joojiyo faafitaanka, "Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay 10-kii Maajo ka dib weerarada ay lahaayeen dawladu waxaa lagu qaaday shaqaalaha caafimaadka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
waxa jira kooxo kale oo xidhiidh la leh mucaaridka jabhada Ugandha ee degan DR Congo,ayaa waxayna ku eedeeyeen in faafinta cudurkan ay qayb ka yihiin kooxaha caafimaadk,halka ay jiraan weerero aad u halis badan oo aan la aqoon cida qaadaysa oo lagu qaadayo xarumaha caafimaadla

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si loo xaqiijiyo amaanka shaqaalaha,dawladu waxay kor u qaaday ammaanka ,halka ragg hubaysan oo ilaalo ah loo sameeyay xarumaha caafimaadka
"Xarumaha Ebola waxay jooga ilaalo hubaysan .taasina maaha wax fiican.waxa haboon in aan ku gulaysano aaminaada dadka.hada dad badan ayaa rumaysan in Ebola uu yahay waxa jira''sidaas waxa sheegay Dr.Vahwere.
Sidoo kale wuxu sheegay in cabsidu ay hoos u dhacday. " bilo ka hor shaqaalaha qaar ayaa baqi jiray in qaataan sanduuqa gurmadka dagdaga ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay u sharaxday BBC-da sida ay wax u jiraan ama ay xaaladu u xumaatay
"Dadkan waxay ka aamin baxeen runta.tan ayaa sabab u ah waqti badan oo gaaraya 20 sanno oo ay xasarado ka jireen deegaankan galbeedka DRC,halka ay gabi ahaanba aysan shaqayn jirin adeegyada caafimaadka,halka la iloobay deegano badan''
" Xaqiiqada Ebola wuxu ka dareen badan yahay xanuunada kale sida,Jadeecada,iyo Duumada,kuwaas oo dila dad badan '' sida ay sheegtay.
Sida laga soo xigtay Unicef waxay sheegayaan in ku dhawaad 115.000 oo kiis xanuunka Jadeecada lagu arkay dalka Congo,halka 65.000 kiis la helay sannadka 2018, halka ay hay'adaha caafimaadka Qaramada midoobay ay bixiyaan talaalo badan oo Jadeecada ah.

Xigashada Sawirka, WHO/
"waxa muhiim ah inaan dhagaysano rayiga dadwaynaha,si aan u wada shaqayno,si jawaab looga bixiyo aragtida dadwaynaha noga imaanaysa'' sidaas waxa sheegay White.

Xigashada Sawirka, WHO
Kadib lix bilood oo ku jiray isbataal oo ay ka mid ahayd daryeel dagdag ah, wuu ka baxay ,bilo yar kadib wuxu ku laabtay shaqadiisii ahayd ka jawaabista cudurka Ebola
"Waan dagaalamayaa ilaa uu dilaagu dhamaanayo'' waxaa sheegay Mr Lwanga-Kikwaya
"Ma oglaanayo in saaxiibday,walaaladay in ay u dhintaan cudurkan,anoo la tacaali kara cudurkan''sidaa ayuu u sheegay WHO












