Dhalinyaro dhul beereed kasoo saaray mucaawino la siinayo bara jacayaal Soomaali ah

Dhalinyaro is xilqaantay oo isugu jira qurba-joog iyo kuwo gudaha ku nool ayaa tababar dhanka beeraha ah u furay xoolo-dhaqato xoolahoodii ku waayay abaarihii sanadihii 2016-kii iyo 2017-kii ka dhacay Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland sanadihii.
Xoolo dhaqatadan oo haatan ah barakacayaal ku nool deegaanka Bali Mataan oo Hargeysa u dhow, ayaa ka faa`iideysanaya tababarkaasi dhanka beeraha ah, si ay u noqdaan beeraley isku filan oo ku nool wax soosaarka beeraha.
Degmada Bali mataan ee ka tirsan gobolka Maroodi Jeex ee magaalada Hargaysa ay qeybta ka tahay ayaa waxaa ku yaalla xero weyn oo ay barakacayaasha deganyihiin.
Dowrkii sano ee la soo dhaafay waxa ay ku noolaayeen xeryahan ka dib markii ay xoolahoodii dhameeyeen abaaro.
Beeraha loo yaqaano green-house-ka ayaa markii ugu horreysay laga billaabay halkaas.
Diiriye Xuseen Jaamac waxa uu ka mid yahay dhalinyaradan iskood isu xilqaamay waxa uuna BBC-da u sheegay sida uu fikirkaan ugu dhashay.
"Mashruucan abaabulkiisa iyo fulintiisa waxa ay isugu jirtaa dhowr qaybood, waxaa hormuud ka ah dadka deegaanka u dhashay ee ku nool qurbaha, gaar ahaan urur degan Demark oo la yiraahdo Iftiin iyo dhalinyaro joogta halkan, waxa aan ka fikirnay sidii aan dadkaan wax raasamaal ah ugu samayn lahayn, waxaa beerahan ka faa'iidaysta ku dhawaad 40 qoys oo halkan ka hela tobabaro, waxaa sidoo kale jira 20 qoys oo aan rabno inaan u maalgelinno sidii ay qudaarta halkan ka soo go'da suuqa u gayn lahaayeen." Ayuu yiri Diiriye Xuseen Jaamac.

Sawda Cabdullaahi Xassan, waxa ay ka mid tahay barakacayaasha ku nool xeradan, waxayna BBC-da uga warantay sida ay nolosheeda hadda tahay iyo sida ay beeraha u aragto.
"Waxaan markii hore ka soo barakacay dalka Itoobiya, Wwaxaan xoola dhaqato ku ahaa dalkaas, markii ay xoolihii naga dhamaadeen ayaan halkaan nimid, hadda waxaan baranay sida wax loo beerto, waxaana rajaynaynaa inaan ka guul gaarno sidii aan uga faa'iidi lahyn." ayey tiri Sauda.

Cali Yuusuf Cige waxa uu dhankiisa ka hadlayaa noloshii iyo xoolihii ay ku tiirsanaan jireen sida ay uga dhamaadeen.
"Weligay wax ma beeranin, tan ayaa iigu horreysa, waxaan weligay dhaqan jiray xoolaha, waxaan juhdi badan gelinnay beerahan laga hirgeliyey xeryaha aan ku noolnahay waxaana rajaynaynaa inaan mustaqbal fiican ka gaarno, beeraha waa maal lagu noolyahay." Ayuu yiri Cali Yuusuf.












