Waa kuwee caasimadaha dhismooyinkooda ebar laga soo bilaabay?

Jakarta skyline

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kobaca dadka magaalada Jakarta ayaa waxa ay sababtay dhibaatooyin aanan la koobi karin oo ay ka mid tahay in qeyba ka mid ah magaaladu ay hoos u sii dagayso
Published

Madaxweynaha Indonesia ayaa waxa uu si rasmi ah baaralamaanka dalkaasi ugu gudbiyay qorshe uu caasimadda dalkaasi uga wareejinayo magaalada Jakarta ee ku taal jasiiradda Java, taas oo la gayn doono deegaan aanan la cayimin oo ka tirsan Kalimantan.

Madaxwyene Joko Widodo ayaa go'aankaasi waxa uu ku sababeeyay inuu ku yimid saxmadda faraha badan ee magaaladaasi ka jirta iyo in magaaladu ay ka mid tahay magaalooyinka sii dagaya ee caalamka.

"2021-ka waxaannu filaynaa inaannu dhagaxa dhigi doonno caasimad cusub iyadoo 2024-kana aannu filayno inaannu bilaabi doonno wajiga koobaad ee caasimadda cusub loogu soo guuraayo," Wasiirka qorsheynta ee Indonesia ayaa sidaasi sheegay bishii la soo dhaafay.

Kalimantan ayaa waxaa si weyn loogu yaqaan inay ka mid tahay goobaha caalamka gabaabsiga ku ah ee kaymaha dihan ee dabiiciga ah. Hasayeeshee waxa ay warbaahinta qabsatay 2015-kii markaas oo uu qabsaday dab baaxad weyn oo saameeyay dalalka dariska ah ee Singapore, Malaysia, iyo Thailand.

Balse in "caasimad laga sameeyo meel ebar ah" ayaa Indonesia waxa ay qaadaysaa waddadii ay horay dalal kale u qaadeen, tusaalooyinkana waxaa ka mid ah.

Naypyidaw, Myanmar (2005)

Parliament building in Naypyidaw

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Caasimadda cusub ee Myanmar Naypyidaw iyo dhismooyinkeeda waa weyn ayaanay ilaa iyo haatan dad joogin

Sharaxaadda rasmiga ah ee ah in caasimadda laga raro magaalada Yangon ayaa ah in magaalada qadiimiga ah ay noqotay ciriiri dadku ay ku badan yihiin, hasayeeshee sababo kale ayaa arrintaasi qeyb ka noqon kara.

Magaalada Naypyidaw ayaa waxa ay ku taal bartamaha dalkaas waxa ayna taas u sahlaysaa dowladda inay si wanaagsan u maamusho gobollada fogfog ee ay fallaagooyinka ka jiraan.

Balse dad badan oo ku nool Myanmar ayaa waxa ay rumaysan yihiin in arrinta dhabta ah ee go'aankaasi dhalisay inay tahay in milateriga dalkaasi xukumayay tan iyo 1962 uu dareemay in caasimadda cusub ay u fududaynayso in aanay soo gaarin kacdoonnada iyo faragelinta shisheeye.

Putrajaya, Malaysia (2002)

Prime minister's palace in Putrajaya at night

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Putrajaya ayaa qeyb ahaan noqotay caasimadda cusub ee Malaysia

Magaalada la qorsheeyay ayaa waxa ay noqotay xarunta dhexe ee federaalka ee Malaysia hasayeeshee Kuala Lumpur ayaa waxa ay weli tahay caasimadda rasmiga ah.

Taasi kama aanay hor istaagin mas'uuliyiinta Malaysia inay u badalaan magaalada waxa badanaa lagu tilmaamo ee ah inay tahay farsamada casriga ah ee layaabka leh ee dhismaha.

Astana skyline

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Astana caasimadda Kazakh, waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu casriyaysan Bartamaha Aasiya

Astana (Nur-Sultan), Kazakhstan (1997)

Waxaa si ku haboon loogu magac daray kalmad luuqadda Kazakhan ku ah "caasimad", Astana waxaa 1997 lagu dhisay amar uu soo saaray madaxweynihii xilligaas Nursultan Nazarbayev.

Durbadiiba waxa ay ka mid noqotay magaalooyinka casriga ah ee Bartamaha Aasiya - oo ay astaan u tahay dhismooyin cusub oo soo jiidasho leh.

Markii uu bilowgii sanadkan iscasilay Madaxweyne Nazarbayev ayey mas'uuliyiinta Kazakh waxa ay ugu magac dareen Nur-Sultan.

Abuja, Nigeria (1991)

Lagos's skyline

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhibaatooyinka dadka faraha badan ee Lagos ayaa mas'uuliyiinta Nigeria waxay ku qasabtay inay caasimadda u wareejiyaan magaalada Abuja

Caasimadda Nigeria ayaa waxaa laga raray Lagos oo waxaa la geeyay Abuja sanadkii 1991, arrintan ayaa waxa ay qeyb ka aheyd dedaallo la doonayay in lagu sameeyo magaalo ka madax bannaan saddexda qowmiyadood ee waa weyn ee dalkaasi ee Yoruba, Igbo iyo Hausa-Fulani.

Hasayeeshee isbadelkaasi ayaa waxaa sidoo kale sii dhiirigaliyay dhibaatooyinka dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ee Lagos, taas oo dadka ku nool ay aad u kordheen iyadoo 1970 aheyd 1.4 milyan oo qof sanadkii la soo dhaafayna lagu qiyaasay 21 milyan oo doolar.

Islamabad, Pakistan (1967)

Aerial view of Islamabad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Islamabad ayaa 1967 waxa ay si rasmi ah u noqotay caasimadda Pakistan

Caasimadda Pakistan ayaa sidoo kale waxaa lagu dhisay dedaallo la doonayo in ay isku dhexgalaan dadka dalkaasi.

Karachi ayaa aheyd xarunta maamulka tan iyo markii Pakistan la sameeyay bishii Agoosto 1947 markaas oo ay kala go'een Hindiya, balse waxaa qeyb ahaan hoos loo dhigay maqaamkeedii caasimadda sababtoo ah biyo yari soo wajahday iyo deegaannada qalalan ee ku xeeran.

Brasilia, Brazil (1960)

Aerial view of construction works in Brasilia in 1959

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Brasilia ayaa dhismaheeda waxaa laga bilaabay meel ebar ah iyadoo lagu dhisay dhulka sare ee Brazil

Rio de Janeiro, oo ah magaalada ugu caansan waddanka Brazil, ayaa waxa ay caasimadda dalkaasi aheyd tan iyo bilowgii qarnigii 17-aad.

Hasayeeshee 1960-yadii ayaa waxaa maqaamkii kala wareegay magaalada Brasilia taas oo laga dhisay dhulka sare ee Brazil ee bartamaha gobolka galbeedka.

Tallaabada lagu raraayo magaalada ayaa waxaa la go'aamiyay 1891 markaas oo mas'uuliyiinta Brazil ay doonayeen inay si wanaagsan dadka isku dhexgaliyaan sidoo kalana ay kor kala socdaan maadaama Rio lagu yaqaan inay u jilicsan tahay weerrarada badda laga soo qaado.

Quezon City, Philippines (1948)

Buildings and shanty towns in Quezon City

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Magaalada Quezon ayaa laga qaaday maqaamkii caasimadda oo waxaa 1976 lagu celiyay magaalada Manila

Magaalada Quezon ayaa ku guulaysatay misana markiiba ku guuldarraysatay maqaamka caasimadda Philippines: waxaa bilaabay oo loogu magac daray madaxweynihii dalkaasi maamuli jiray 1940-yadii Manuel Quezon.

Balse waaxyo badan oo dowladda qaran ayaa waxa ay weli ku shaqeeyaan magaalada Manila, taas oo maqaamkii caasimadda dib u heshay 1976 sababo dhab ah oo jiray awadeed.

Canberra, Australia (1927)

Caasimadda Australia ayaa waxaa lagu dhisay qaab tanaasul ah oo u dhaxeeya labada magaalo ee waa weyn ee Sydney iyo Melbourne labadaas oo magaalo oo mid walba ay maqaamkaasi doonaysay.

Walow go'aankaasi la gaaray 1908 ayaa baarlamaanka waxaa Canberra loo raray 1927.

New Delhi, India (1911)

Parade during New Delhi's inauguration

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, New Delhi waxaa caasimadda loo soo raray 1931

Kolkata ayaa waxa ay qarniyo aheyd caasimadda dhulka ay Britain haysatay ee Hindiya. Hasayeeshee 1911 caasimadda ayaa la wareejiyay markaas oo ay aagga magaaladaasi ka ag dhawaayeen kooxaha mucaaradka ku ahaa maamulka Britain.

Caasimadda cusub ayaa waxaa lagu dhisay magaalada qadiimiga ah ee Delhi, taas oo caasimad u aheyd Boqortooyadii Mughal laga soo bilaabo 1648 ilaa 1857.