'Dardaarankii Khadiija hooyadeed marka ay dhimaneysay wuxuu ahaa in carruurta loo geeyo Yurub'

Inta badan dadka qaxootiga ah ee badda Mediterranean-ka ku safra waxay ka baxaan waddanka Liibiya halkaasoo wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Orla Guerin ay kula kulantay qoys ka yimid waddanka Cameroon, kuwaasoo ay ka go'antahay inay isku dayaan sidii ay baddaas halista badan uga gudbi lahaayeen.
Delphine iyo carruurteeda, oo ay wehlinayeen xubno kale oo ka tirsan qoyskooda waxay dhibaato badan mareen iyagoo isku dayaya inay gaaraan qaaradda Yurub, laakiin iyada uma aysan suurtagalin inay sii waddo dadaalkaas.
Safarkii ay ugu socdeen Liibiya ayey waxyeello badan ku gaartay qoyskan, walina howshooda fari kama qodna, iyagoo hadda ku xanniban magaalada Limbo.
Khadiija yariiseey iyo walaakeed Renault waxaa hadda gacanta ku haya habaryartood iyo ina-adeerkood. Hooyadood Delphine wax kasta ayey sameysay si ay labadeeda carruurta ah u geyso Yurub.

Laakiin iyagoo muddo labo maalmood ah sii saarnaa doon tahriibeyaal la socdeen ayaa lasoo qabtay waxaana dib loogu celiyay xabsi ku yaalla Liibiya. Halkaas ayey Delphine ugu geeriyooday xanuun kadhashay rafaadka badan ee ay marayeen.
"Markii aan safarka badda galeynay Khadiija waxay jirtay 3 bilood. cimiladu aad bay u kululeyd, maalintii oo dhanna waxaan ku jirnay biyaha. Maalin ayey qorraxdu nagu soo dul baxday, annagoo sidii doonta u saaran ayeyna korkeenna ku dhacday, maalintii labaadna sidii oo kale ayey qorraxdu korkeenna uga soo baxday uguna dhacday, waxaas ayaa Delphine dilay, ka dib waa nala qabtay xabsi ayaana nala geeyay, daawo dadka ku filanna ma aysan oollin xabsigaas. Waxay billawday inay iska oyso, waliba si xad dhaaf ah, ilaa inta ay ka dhimaneysay". Sidaas waxaa tiri Daniele Mayo Ndebi, oo hadda xannaaneysa labada carruurta ah.
Waxay intaas ku dartay in safarkii tahriibinta ee ay galeen uu ahaa mid silac badan.
"Waxaa nalagu sameeyay kufsi xad dhaaf ah, waxay nagu amrayeen inaan dharka iskaga siibno wiilasha iyo ragga hortooda, markaas ayey noo imaaneynayeen si ay jirkeenna u taabtaan, ka dib way na kaxeysanayeen waxay rabaan ayeyna nagu sameyn jireen. Ragga haweenka la socday waa la garaacayay, dumarkana haddii aysan aqbalin waxa ay ka rabeen, si xun ayey u garaacayeen", ayey tiri.
Daniele iyadoo ilmeyneysa ayey sheegtay inaysan marna ka quusan doonin hadafkeeda, waxayna tiri: "Waan sii wadi doonaa isku dayga aan ku doonayo inaan carruurtan ku geeyo Yurub, sababtoo ah dardaarankii ugu dambeeyay ee walaashey inta aysan dhimanin ka hor wuxuu ahaa 'carruurteyda ii geey Yurub', waana ku dadaalayaa taas".
Delphine riyadeedu waxay ahayd in wiilkeeda 11 jirka ah uu Yurub ka noqdo ciyaartoy kubadda cagta ah.

Muddo lix sano oo xiriir ah, in ka badan 1,000 ruux ayaa ku dhimaneysay badda Mediterranean-ka iyagoo isku dayaya inay Yurub u gudbaan, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.
In laga gudbo badda Mediterranean-ka wali waxaa lagu tilmaamaa marinka ugu dhimashada badan ee ay adeegsadaan qaxootiga adduunka.
Hay'ad ka shaqeysa arrimaha muhaajiriinta ayaa sheegtay in tirada dhimashada tahriibeyaasha ay sanadkan afarlaab ka badan karto sanadkii lasoo dhaafay, sababtana waxay ku sheegtay inay hadda yaryihiin maraakiibta badbaadada bani'aadannimo ka sameeya baddaas.












