Maxkamad Masar ku taalla oo haweenay u xukuntay inay hesho dhaxal la mid ah ragga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeney u dhalatay dalka Masar oo aaminsan Kirishtanka Coptic ayaa sheegtay iney maxkamadda kaga guuleysatay dacwad ay dhaxal la siman walaaladeed iney hesho ay ku dalbaneysay.
Sharciga dhaxalka lagu qaybsada dalka Masar ayaa ku saleysan shareecada Islaamka, iyada oo ay haweenka ay dhaxal u helaan kala bar waxa ay raggu helaan.
Huda Nasrallaah oo 40 sano jir ah ayaa kiiska dacwadda ee ay dhaxalka kaga cabaneyso u gudbisay hay'adaha sharciga si ay cabashadeeda wax uga qabtaan.
Qareenka xuquuqda aadanaha u dooda ayaana kiiska Huda gacanta ku hayey wuxuuna cuskaday diinta Kirishtanka ee dhigaya dhaxalka iney rag iyo dumarba ay ku siman yihiin.
Laba maxkamadood ayaa horay go'aan iyada ka dhan ah u gaaray iyaga oo cuskanaya shareecada Islaamka.
Sida ay maxkamadda u go'aamisay Huda waxay dhaxal ahaan u heleysaa dhaxal la mid ah kan ay walaalaheed helayaan, waxayna maxkamaddu taageertay dadaalka ay gabadhaasi in mudda ah soo wadday.
"Arrintu ma aha dhaxal oo keli ah, aabbahaanna noogama tagin malaayiin giniga Masar ah," ayey tiri Nasrallah oo u warramaeysay wakaaladda wararka ee AP.
Ishaak Ibraahim oo xuquuqda aadanaha u ololeeya ayaa sheegay in go'aankan maxkamadda: "Sida uu dhigayo xukunka haddii haweeney dinta Kirishtanka aaminsan ay dhaxalkeeda ku qaadato sharciga diinta Kirishtanka waxay heleysaa dhaxal la siman ragga. Haddiise ay diiddana waxaa dhaxalka lagu saleynayaa Shareecada Islaamka."
Dhaxalka aan sinneen ayaa marar badan dood ka abuuro waddama badan oo Carbeed, iyada oo ay ugu dambeysay sharciga qabyada ah ee dhaxalka oo ay Tunisia sanadkii hore soo diyaarisay oo ku saabsan sinnaanta dhaxalka.
Ms Nasrallah waxay ka mid tahay 10-ka milyan oo Kirishtanka Coptic ee ku nool dalka Masar.
Kaniisadda Coptic ayaa ah halka guurka iyo furriinka ugu badan ee dadka diintaasi aaminsan uu ka dhaco, balse arrintu marka ay dhaxal gaarto waxaa go'aan ka gaara oo loo gudbiyaa sharciga dalka si uu go'aan uga gaaro.












