Sida wanaagsan ee la isu khilaafo: Saaxiibbadii sababta u hayay in ay aad isu nacaan

Published

Fiona Gallagher iyo Lee Lavis sabab fiican ayey u hayeen in ay is nacaan - haddana way isu soo dhowaadeen sida gabar iyo walaalkeed in ay yihiin. Waxay ahayd saaxiibtinimo ay aaminsanaayeen in dadka kale ay wax ka baran karaan, sida uu qoray weriyaha BBC, Hugh Levinson.

Fiona

Fiona Gallagher waxay dhalatay sannadkii 1968-dii, qoyskeeda waxay degganaayeen Derry, ee Northern Ireland, kuwaas oo dal-jaceylka uu ku badnaa. Waxay la barbaartay arrin loogu yeeray Xilligii Dhibaatada.

Fiona Gallagher

Xigashada Sawirka, Fiona Gallagher

Presentational white space

"Xusuusteyda waxaa ka buuxa wixii dhacay iyo howlgalkii guriga. Waxaa gurigeena la soo weerarayay muddo 13 sano ah. Waxaa suuragal ah in ay arrinta dheceysay bil kaste, ama laba bilood oo kaste. Balse waxay ahayd arrin joogto ah. Raggan, waxay iigu yimaadeen sariirteyda, wey igu qeyliyeen waxayna igu dheheen ka kac sariirta. Qeylada, buuqa, calaacalka. Waa xasuustii iigu horeysay, dhammaanna waa argagax."

Waxay ahayd arrin qoys oo dhow - Fiona aad ayey u jecleyd walaakeed ka weyn Jim. "Wuxuu ahaa qof qosol badan, wuxuu ahaa qof dadka aad uga qosliya. Nin dheer oo qurux badan oo aad u dabeecad wanaagsan ayuu ahaa. Wuxuu u wanaagsanaa qoyska, gaar ahaan aniga."

Markii uu 16 sano jirka ahaa, bishii January 1972-dii, wuxuu Jim la kulmay Axad dhiig badan uu daatay - Markii askartii Britain ay toogteen 28 qof oo shacab ahaa oo aan hubeysnayn, xilli uu dibadbax socday. 14 ayaa dhimatay. Jim wuxuu noqday qof mayil adag, ka dib dhacdadaas, wuxuuna ku biiray jabhaddii IRA. "Taas waxay noqotay shaqadiisa, difaaca dadkiisa," Fiona ayaa sidaas sheegtay.

Xoogaa ka dib, Jim waa la xiray, waxaana lagu helay in uu yahay xubin ka tirsan IRA, afar sano oo xabsi ah ayaana lagu xukumay. Lix maalmood ka dib markii la sii daayay, askeri ayaa toogtay, wuuna dhintay. Fiona, waxay arrintaas u noqotay mid sii xoojisa kacaankeedii ka dhanka ahaa militariga Britain.

"Waan xusuustaa dharkii ay xirnaayeen. Waan xusuustaa wixii ku qornaa koofidooda. Waan xusuustaa hubkii ay siteen. Waana nicbaa. Waan ceebeeyay iyagoo dhan. Aniga waxay iila mid ahaayeen dhar meel iska yaalla. Wax weji leh ma ahayn, sababtoo ah xaggeyga waxay ka ahaayeen qashin"

Lee

Lee Lavis wuxuu ku barbaaray magaala yar oo lagu magacaabo Burton-on-Trent ee Britain. Wuxuu iskuulka ka tagay markii uu 16 sano jirka ahaa, ka dibna wax ma baran. Wuxuu ka shaqeynayay iibinta hilibka, balse isbedel ayuu raadiyay. "Hilib qaboobay oo lixda aroornimo laga shaqeeyo wax fiican ma ahayn," ayuu yiri.

Lee Lavis

Xigashada Sawirka, Lee Lavis

Presentational white space

Sannadkii 1988, wuxuu go'aansaday in uu ciidamada ku biiro. "Waxaan ahaa 18 sano jir, aad u firfircoon oo si weyn u aaminsan fikradda dagaalka - abaalmarin, geesinimo iyo in aad jiidda ku matasho dal sharaf leh". Wuxuu laba goor shaqo ku tagay Northern Ireland, Xudunta meeshii uu dhibka ka jiray, dad ay qarannimadooda la weyntahay sida nawaaxiga South Armagh. Wuxuu aragti kooban oo cad ka haystay shacabkii deegaanka.

"Waxaa tababarka militariga qeyb ka ah naceyb," ayuu yiri. "Sababtoo ah IRA waxay si gaar ah ugu dhex milantay bulsho ay wadaniyadda ku weyn tahay. Wax badanba kama soo wareegin, waxaan isla markiiba is tusay in dadkaas oo dhan ay yihiin IRA. Waxaana aaminay in bulshadaas oo dhan ay yihiin dembiileyaal."

Dhaqanka Lee ayaa isbedelay, markii labaad ee uu booqday halkaas. Wuxuu billaabay in uu akhriyo taariikhda iyo dhaqanka dadka Ireland. Arrintaas waxay billaabatay markii uu raacay dhallinyaro naafo ahaa oo koox ka tirsanayd.

"Markii aan ciyaarta la daawaday, waxaan ogaaday in dad caadi ah ay yihiin. Si lama filaan ah ayaa isu arkay anigoo fikrad kale haysta - waxaa iga baxday cabsidii iga celineysay in aan soo tukaameysto. Marka ay askarta roondada sameynayaan, waxaa suuragal ah in qof uu xabad soo rido."

Short presentational grey line

Dhanka kale, Fiona markii ay hooyo noqotay, mar labaad ayey fakartay. "Waa marka aan billaabay in aan nafteyda su'aalo weydiiyo. Waa arrin aniga ii taalla, haddii aan wax kasta u sii sheegayo jiilka soo socda."

Dhanka Lee, isaga ayaa shaqsi ahaan isbedel isku sameeyay. Wuxuu ka badbaaday caqabado badan, sida maandooriye, hoy la'aan. Wuxuuna dib u billaabay waxbarashada. Wuxuu qaaday shahaado jaamacedeed oo ah Xallinta Khilaafaadka, ka dib wuxuu arkay farriinta Fiona ee bogag internbet-ka lagu qoray. "Waan xusuustaa sidaan u akhriyay, iyo dhiiragelinta aan ka helay - Waa in aan la kulmay haweeneydan," ayuu yiri.

Lee in a "veterans for peace" hoodie

Xigashada Sawirka, Lee Lavis

Presentational white space

Ka dib markii ay is dhaafsadeen farriimo, waxay go'aansadeen in ay ku kulmaan xabsiga.

"Markaan albaabka u dhowaaday, wax kasta si tartiib ah oo deggan ayey iigu dhaqaaqayeen. arrimaha aan saadaaliyay waxay ahaayeen in aan la kulmi doono askeri qori sita. Carruurnimadeyda ayaan xasuustay. Balse waxaan is dhahay: 'is qasab, hor tag qofkaas'," ayey tiri Fiona.

Lee aad ayuu u naxsanaa dhankiisa. "Waxaan qiyaasayaa hubanti la'aanta iyo kalsooni darada jirtay. Waxaan sawirtay qof xiran dharka ciidamada oo kaarka aqoonsiga sita."

Ka dib markii ay kulmeen, si degdeg ah ayey saaxiibbo fiican u noqdeen, xiriirkoodana waa mid maalin kasta joogto ah wuuna sii xoogeysanayaan. Waxay wadaagaan nolosha qoysaskooda iyo waxyaabaha ay labadooduba xiiseeyaan.

"Hadda waxaan ka sheekeysanaa colaadda. Waxaa suuragal ah inaan si fiican uga sheekeysano muusikada," ayuu yiri Lee.

Labadooduba si wanaagsan ayey isu amaanaan. "Ninkaas qeyb weyn ayuu nolosheyda ku leeyahay, waa qof aad u wanaagsan," ayey tiri Fiona.

"Waxaan Fiona u arkaa sida walaashey oo kale, qof aan u dhiman karo," ayuu dhankiisa sheegay.

line

Sida wanaagsan ee la isu khilaafo - Siddeed xeeladood

  • Qasab ma ahan in aad aqbasho - Diidmada ma ahan dhibaato, balse waa sida laga dhigo
  • Ha raadin go'aan dhexdhexaad ah - Fikradaha kala duwan ma ahan jawaabta, marka wax aad aasaas ahaan u diidan tahay
  • Sida aad u hadleyso waxay ka muhiimsan tahay waxa aad ka hadleyso - "Waxa muhiimka ah waa xaaladda idiin dhexeyso," sida ay qabaan dhakhaatiirta maskaxda.
  • Runta ka hadal - Si xiriirka uu u wanaagsanaado waa in si daacad ah la isula hadlo
  • Si deggan u dhageyso, naxariisna muuji - Waxa aad muhiim u ah in aad fahamto waxa qofka kale uu ka hadlayo.
  • Ka fogow hadallada sarbeebta ah iyo cayda - "Ma jiro qof loo aflagaadeeyay si uu wax u aqbalo, taariikhda"
  • Fahan farqiga u dhexeeya xaqiiqada iyo aragtida - Fikradaha waa hadallo ay tahay in xaqiiqda la barbardhigo oo cadeyn loo helo, qasabna ma ahan in aad hub u qaadato qof kaa aragti duwan.
  • Ha raadin colaad - "Si qoto dheer u dhageyso, aragtidaada dhiibo, galgacaylka muuji,"

Douglas Alexander ayaa hagahan ku saabsan si kala aragti duwanaanta ay fiican tahay balse aysan colaad ahayn ugu talagalay sannadka cusub.

line