Qoyska cunug ay armaajo dishay oo helaya magdhow lacageed oo dhan $46m

Xigashada Sawirka, Dudek Family
Shirkadda qalabka guryaha sameysa ee Ikea, oo laga leeyahay waddanka Sweden ayaa aqbashay inay lacag magdhow ah oo gaareysa $46m (£35m) siiso walaidiinta dhalay cunug ay dishay armaajo kusoo dhacday.
Jozef Dudek, oo 2 jir ahaa, ayaa neef qabatoomay markii ay armaajada ku fariisatay bishii May ee sanadkii 2017-kii.
Dhacdadaas ayaa ka dhacday guriga ay qoyskan ku leeyihiin gobolka California ee dalka Mareykanka.
Armaajada oo uu culeyskeedu ahaa 70lbs (32 kiilo), ayaa farsameynteeda la joojiyay hal sano ka hor xilligaas, ka dib markii uu soo baxay walaac ka dhashay carruur ay horay u dishay.
Dhacdadan waxay ahayd tii ugu weyneyd ee uu si khaldan cunug yar ugu dhinto gudaha Mareykanka, sida ay qareennadu sheegeen.
"Inkastoo qiime kasta uusan xal u noqon karin musiibada dhacday, annagoo la xanuunsaneyna qoyska uu cunugga ka dhintay, waxaan ku qanacsan nahay in hadda xal laga gaaray dhibaatadaas", ayey tiri afhayeen u hadashay shirkadda Ikea.
"Waxaan diyaar u nahay inaan arrimahan kasii shaqeyno... si aan u ilaalinno amniga guryaha iyo carruurta ku nool", ayey sii raacisay hadalkeeda.
Dhinaca kale, bayaan ay soo saareen waalidiinta cunugga, oo kala ah Joleen iyo Craig Dudek, ayaa lagu sheegay inay aad uga niyad jabsan yihiin geerida wiilkooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waligeen uma maleyneynin in cunuggeenna 2 jirka ah ay ku dul dhaceyso armaajadaas oo ka dheereyd 76cm oo kaliya, ka dibna ay neefta ku dhajineyso", ayey waalidiintu ku dhaheen bayaankooda. "Dib unbaan ka ogaannay in armaajadan aysan xasilooneyn oo ay cillad dhinaca farsamada ah qabtay".
"Sheekadeenna waxaan u shaacineynaa si aysan musiibadan oo kale ugu dhicin qoys kale", ayey dhaheen lammaanaha.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in qof kasta oo heysta armaajo noocaasi ah uu u celiyo shirkadda Ikea.
Waalidiintan ayaa dhanka kale sheegay in $1m oo ka mid ah lacagta magdhowga ah ay ugu deeqi doonaan hay'ad ka shaqeysa sidii looga hortagi lahaa khataraha ku dhaca carruurta.
Sanadkii 2016-kii, Ikea waxay dalbatay in dib loogu soo celiyo malaayiin armaajooyinka Malm-ka ah oo yaallay waqooyiga America, ka dib markii ay soo baxday cabsida laga qabo.
Waxay ahayd fadeexaddii ugu weyneyd ee abid soo wajahday shirkaddaas.
Markii hore waxay shirkaddu macaamiisheeda ka codsatay inay ka taxadaraan, laakiin geerida cunug saddexaad ayaa sababtay in tallaabo la qaado.

Xigashada Sawirka, Feldman Shepherd
Camden Ellis, oo 2 jir ah, Curren Collas, oo 2ir ah, iyo Ted McGee oo 23 bilood jiray waxay dhammaantood ku dhinteen armaajada Ikea oo kusoo dhacday.
Bishii December ee sanadkaas, shirkadda ayaa aqbashay in qoysaska ay carruurtaas kasoo jeedaan la siiyo midkiiba $50m (£40m).
Qaraar ay shirkaddu soo saartay ayey ku sheegtay in armaajooyinkaas ay ka iibin doonto oo kaliya qof kasta oo oggolaada inuu si iskiis ah u wajihi doono khatarta ka dhalata.
Geerida carruurta ayaa sababtay in waaxda isticmaalka qalabyada ee dalka Mareykanka ay billowdo barnaamij baraarujin ah oo ku saabsan halista ay leeyihiin armaajooyinka.
Sanadkii 2017-kii, shirkadda ayaa mar kale dalbatay dadka Mareykanka iyo Canada in armaajooyinkaas loo soo celiyo. Waxay go'aankaas u sababeysay in armaajooyinkaas aysan ahayn kuwo amnigooda la isku hubo.












