Caro weyn oo ka dhalatay hadal ay Jaamacad kasoo saartay Kufsiga Gabdhaha

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxa jaamacadda ayaa sheegay in ardayda ay la xiriiraan waaxda nabadgalyada ee Jaamacadda, marka ay walaac dhinaca amniga ah dareemaan
Published

Maamulka mid ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Kenya ayaa raalligalin bixiyay kaddib markii ay sheegeen in kufsiga loo geysto gabdhaha ardayda ah ay sabab u tahay "taxaddar la'aan ka imaata dhinaca gabdhaha laftooda".

Warqaddii ku saabsaneyd amniga ardayda, oo Talaadadii loo diray dhammaan ardayda waxay ahayd "mid arxan darro ka muuqatay" ayuu yiri madaxa jaamacadda oo qirtay khaladka dhacay.

Dacwad cabasho ay arday fara badan saxiixeen ayaa su'aal lagu galiyay sida ay haweenka eed ugu yeelan karaan kufsi iyaga loo geystay.

Haweeneyda lagu magacaabo Adelle Onyango, oo ah wariye si weyn looga dalka Kenya iyo meelo kale oo ka mid ah caalamka ayaa barteeda Instagram-ka kusoo qortay: "Sidan ayaa dhacda marka qof dhibbane ah eedda dusha laga saaro".

Gabadhan 31 jirka ah oo horay kufsi uga badbaadday ayaa taageerayaasheeda ku xiran oo gaaraya 374,000 u sheegtay inay aad uga carootay in maamulka Jaamacadda aysan wax cambaareyn ah u jeedinin dadka kufsiga geysta.

"Tani waa tallaabo kufsiga caadi looga dhigayo, mana aqbali karno", ayey tiri.

Warqadda kasoo baxday Jaamacadda, oo uu ku saxiixnaa madaxa laanta amniga ardayda, ayaa lagu sheegay in kiisaska sii badanaya ee dhaca hantida iyo kufsiga loo geysto ardayda Jaamacadda ku taalla magaalada caasimadda ah ee Nairobi ay ka dhacaan meelo u dhow xarumaha jaamacadda.

"Dhammaan saddexdii kufsi ee dhacday sanadkii lasoo dhaafay, waxaa ka muuqatay taxadar la'aan ka timid dhinaca gabdhaheenna ardayda ah", ayaa lagu yiri warqadda.

Waxaa tusaale loo soo qaatay gabar ardayad ah oo maandooriye cabsaneyd, taasoo kufsi wadareed loo geystay xilli ay dib usoo laabaneysay aroor hore.

Waxaa kale oo lagu xusay xeelado dhinaca amniga ah oo ay ardayda adeegsan karaan marka ay ku sugan yihiin goobaha ay dadka badan joogaan, waxaana ardayda lagu boorriyay inay mar walba la socdaan saaxiibbo ay ku kalsoon yihiin.

Sidoo kale waxaa lagula taliyay inay xifdiyaan lambarro telefoonno oo ay wacan karaan marka ay khatar dareemaan, sidoo kalena aysan kaligood bixin marka ay maandooriye cabaan.

Adelle Onyango

Xigashada Sawirka, Adelle Onyango

Qoraalka sawirka, Adelle Onyango waxay sheegtay in haddii ragu ay kufsiga iska deyn lahaayeen uu sidaas ku joogsan lahaa
Presentational white space

Ms Onyan go, oo hadda dhaqaale u aruurineysa sidii gabdhaha u nabad gali lahaayeen, kuwa kufsiga ka badbaadayna dib loogu dhisi lahaa noloshooda, ayaa sheegtay in waanada noocaas ah ay qeyb ka tahay dhibaatada sii socota.

"Haddii ay raggu dhankooda iska joojin lahaayeen kufsashada, markaas kufsigu wuu istaagi lahaa", ayey tiri.

Dacwadda cabashada ah ee ka dhanka ah jaamacadda ayaa waxaa ilaa hadda saxiixay 1,500 oo ruux.

Stephen Kaima, ayaa sheegay in ardayda looga baahan yahay inay la xiriiraan waaxda qaabilsan sugidda amnigooda.

Hay'adda tirakoobka dhacdooyinka ee Kenya ayaa daraasad ay soo saartay sanadkii 2014-kii ku sheegtay in 14% ka mid ah dumarka Kenya ay la kulmeen tacaddi galmo.