Dalxiisyaal arrin aan la maleysan karin naftooda khatar u geliya

Chris McCandless oo baska ku dhex jira

Xigashada Sawirka, Shutterstock

Published

Soddon sana ka hor wiil dhalinyara ah oo u dhashay dalka mareykanka oo jaamacad ka qalin jabiyey ayaa naftiisa u huray arrimaha samafalka, isaga oo inta noolashiisa ka dhineeydna meel duur ah keligii ku noolaa.

Chris Mac Candless oo Alaska ka soo jeeda wuxuu ku noolaa bas duug ah oo meel duur oo weliba keyn ah yaallay, baskaasi oo ay inta badan istcimaali jireen ugaarsatada.

Inkasta oo uu Mc Candless uu jeclaa inuu duurkaa uu keligii isaga noolaado haddana nasiib darro wuxuu geeriyooday 4 bilood oo keli ah marka uu halkaasi ku noolaa.

Xusuus dhowrki uu Chris ka tagay oo buug weyn laga qoray ayaa marki dambana filim laga sameeyey filimkaasi oo loogu magac daray 'Noolasha Duurka'.

Filimki chris laga sameeyey ayaa jiilka cusub soo jiidatay iyaga oo billaabay iney ku daydaan oo ay noolal keligood ah ugu noolaadaan duurka iyo kelinimo.

Haddaba dalxiisayaasha buugga akhriyey ama filimka Chris laga sameeyey daawaday ayaa intooda badan dadaal badan u soo gala iney baska soo booqdaan si ay u xusuustaan noolasha Chris uu ku noolaa geeridiisa ka hor.

Iyada oo ay dowladda ka digeyso khatarta dadka baska booqanaya ay cimilada iyo jawiga goobta uu basku yeello ay kala kulmi karaan ayey haddana dalxiisayaashu dhag jalaq u siinin oo ay si joogta ah u abbaaraan booqashada baskaasi.

Baska oo baraf uu qariyey

Xigashada Sawirka, Gavin Brennan

Qoraalka sawirka, Baska in la gaaro khatar badan ayaa loo galaa

Baska ay dalxiisayaashu aragtidiisa ama booqashadiisa dhibka kala kulmaan wuxuu yaallaa beerta Denali ee ku taallao bartamaha gobolka Alaska.

Ilaa iyo hadda laba dalxiise ayaa dhimatay xilli ay isku dayayeen iney gaaraan halka uu baskaasi yaallo oo ay ka sokeeyaan dhul wabi, buuro iyo barafba leh.

Waxaana u dambeysay haweeney 24 jir ah oo lagu magacaabi jiray Veramika Maikamava, oo dhimatay xilli ay wabiga tallaabeysay oo uu wabigu qaaday.

Farriin Chris lagu xusuusto

Xigashada Sawirka, Gavin Brennan

Qoraalka sawirka, Qoyska McCandless oo booqday baska waxayku reebeen farrintan

Horaantii toddobaadkanna waxaa la soo badbaaday 5 dalxiisayaal oo khatar galay xilli ay booqashada baskaasi ku sii socdeen kaddibna ka ambaday halka uu basku yaallay.

Inti u dhaxeysay 2009-2017 waxaa dhacay 13 howlgal oo dalxiisayaal lagu soo badbaadiyey.

Sawirrada kale ee baska laga qaaday

Farrimaha ay taageerayaasha Chris ku reebeen gudaha baska

Xigashada Sawirka, Gavin Brennan

Baska Chris uu ku noolaa uu baraf qariyey

Xigashada Sawirka, Gavin Brennan