Muxuu usoo labo kacleeyay khilaafka u dhexeeya Trump iyo Obama?

Trump and Obama

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Go'aanka la yaabka leh ay gaartay waaxda caddaallada Mareykanka ee ah inay laasho dhammaan dacwadihii dambiga ahaa ee lagu soo oogay lataliyihii hore ee ammaanka qaranka dalkaas Michael Flynn wuxuu horseeday in eedeymo ay isku jeediyaan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama iyo madaxweynaha haatan xilka haya, Donald Trump.

Michael Flynn waxaa lagu qasbay xilka oo laga dalbaday inuu ka dego sannadihii ugu horreeyay markii uu xilka qabtay Trump kaddib markii lagu eedeeyay in uu been ka sheegay madaxweyne ku-xigeenka Mike pence oo ah in uu xiriir la sameeyay saraakiil Ruush ah.

Waxa uu 2017-kii qirtay inuu been FBI-da uga sheegay xiriirkii uu la lahaa safiirka Ruushka u fadhiyay waddanka Mareykanka.

Muddo sannado ah oo uu la daalaa dhacayay dacwado loo heystay, sarkaalkan saddex xiddiglaha ah haatan waa qof xor ah.

Trump iyo Obama maxay yiraahdeen?

Obama muddo badan oo uu ka aamusnaa siyaasadda madaxweyne Trump ayaa Jimcihii wuxuu baaq u jeediyay ilaa 3,000 oo kamid saraakiil hore, waxaana hadalladiisa loo soo dusiyay warbaahinta.

"Cidna tusaale uma soo qaadan karto qof lagu soo oogay dacwad ah inuu been qirtay oo ka badbaaday tallaabaadii sharicga aheyd in la marsiin lahaa, waa waxyaabaha aasaasiga ah ee kugu reebaya walaaca, ma ahan oo kaliya ah in isbaddallo lagu sameeyo ha'yadaha dowladda, balse sida aan fahansanahay sharciga halis ayuu ku jiraa," ayuu yiri.

Trump oo aanan weligiisa ka xishoon dhaleeceenta, wuxuu Obama iyo saraakiishii hore ee la shaqeyn jirtay ku eedeeyay inay wadaan falal dambiyeed ay ku wiiqaayaan awooddiisa, wuxuuna mowqifkiisa ku caddeeyay qoraallo soo dhigay baraha bulshada.

Donald Trump at a daily coronavirus briefing

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Waa dambiga siyaasadeed ee ugu weyn ee la galo taariikhda Mareykanka" ayuu Trump bartiisa Twitter-ka kusoo qoray, waxaana sii faafiyay barnaamij tebiye mayal adag oo horey saraakiishii Obama ugu eedeeyay inay wadeen tallaabooyin ay ku cunaqabateynayeen Trump ka hor inta uusan xilka qaban.

Maxay u ahaayeen hadallo qallafsan?

Madaxweynaha wuxuu inta badan adeegsanayay ereyga "Obamagate" oo uu ula jeedo fadeexad dhacday xilligii uu Mareykanka madaxweyne ka ahaa Nixon - si uu ula xiriiriyo eedeymaha loo jeediyay.

Shakhsiyaad caan ah oo xisbiga talada haya taageersan iyo dad kale oo la dhacsan siyaasadaha Trump ayaa durba baraha bulshada ku faafiyay hadalka ka dhanka ah Obama.

Inkasta oo oraahda Trump loo arko mid ka badbadis ah,Maalintii Axadda waxaa dib Twitter-ka ugu sii faafiyay in ka badan labo malyan qof, waana caddeyn kale oo muujineysa in madaxweynaha uu taageerayaal badan ku leeyahay baraha bulshada.

Hal ku dhiggaas waxaa horay loogu adeegsaday kooxaha ka tirsan garabka midig ee Mareykanka gaar ahaan kuwo la gacan-bidxeeyay sida MAGA iyo QAnon, laakiin wali sidan oo kale uma uusan faafin.

Maxaa loo laalay dacwadda?

Go'aanka lagu laalayo dacwadaha dambiga ee lagu soo oogay lataliyihii hore ee ammaanka qaranka, Michael Flynn waxaa gaartay dowladda Mareykanka, waxaana loo magacabay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas Bill Barr in uu dib u eegis ku sameeyo dacwadda.

"Baaritaanada FBI-da ay ku sameysay xiriirka Flynn uu la yeeshay saraakiil Ruush ah sal iyo raad toona ma leh, Flynn laguma dacweyn karo in uu been FBI-da uga sheegay xiriirkii uu la lahaa saraakiil Ruush ah,", sida uu sheegay xeer ilaaliyaha

Flynn waxaa uu kamid ahaa dadkii ay FBI-da wax ka weyddineysay eedeymihii ku saabsanaa inuu Ruushka faragelin ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2016-kii balse waxay laanta sirdoonka diiradda saartay markii uu si cad u beeniyay in wax xiriir ah uu la sameeyay safiirka Ruushka ee Mareykanka Sergey Kislyak kaddib doorashadii Trump.

FBI-da waxay heleen caddeymo cod ah oo muujinaya in Flynn uu xiriir la sameeyay saraakiisha Ruushka balse Flynn xilliggaas kuma uusan jirin dowladda cusub.

Tallaabada lagu laalayo dawcadda loo heysto ninkan waxaa dhaleeceeyay xubnaha ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee ku jiro aqalka koongareeska.

Eedeymaha Trump uu u jeedinayo Obama ma yihiin kuwo run ah?

Madaxweynaha wuxuu dhammaan baaritaanadii eedeymaha faragelinta Ruushka ee doorashadii Mareykanka 2016 u arkay isku dayo la doonayo in lagu hor istaago madaxweynenimadiisa.

Xilli caddeymaha ay soo baxayeen, qaar kamid ah saraakiisha FBI-da ee ku lugta lahaa baaritaanada waxay si qarsoodi ah u dhaleeceeyeen musharraxnimada Trump.

Waxaa aragtiyadan xoojiyay, markii agaasimihii hore ee FBI-da James Comey, agaasimihii hore ee laanta sirddoonka James Clapper iyo haatan Obama laftiisa ay dhammaantood dhaleeceen u jeediyeen siyaasadda madaxweyne Trump.

Mike Flynn

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sannadkii 2016-kii, dowladda Mareykanka waxay digniino ka heleysay sirdoonkeeda, kuwaas oo ku saabsan suurtagalnimada in Ruushka uu faragelin ku sameyn rabo doorashada- waana arrin markii dambe uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay wakiilkii hore ee khaaska ahaa, Robert Mueller.

Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday caddeymaha muujinaya xiriirkii dhexmaray kooxdii wadday ol'olaha doorashada ee Trump iyo saraakiil Ruush ah, FBI-dauna waxay billowday baaritaanno ka dhan ah arrintaas.

Saraakiishii sirdoonka ee ka tirsanaa dowladdii Obama, FBI-da iyo Aqalka Cad waxay wadaan inay eegaan tallaabooyinka la qaaday ee ku saleysan caddeymaha la helay ee muujinaya arimahaas.

"Igama yaabin doonaan haddii la arko waxyaabo dhowr ah oo dhici doona toddobaadyada nagu soo aadan" ayuu yiri Trump xilli Khamistii uu ka hadlayay Aqalka Cad markii uu maqlay warka Michael Flynn.

Muranka ka dhashay arrinta Flynn wuxuu u muuqdaa mid haatan si xowli ah u billowday.