'Anigoo 2 jir ah ayuu aabbahay burjiko dab ah igu dhex tuuray'

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Published

Lyosha, oo hadda 16 jir ah, wuxuu waqtigiisii yaraanta oo dhan kusoo qaatay xarumaha xannaanada caafimaadka ee caalamka, kaddib markii uu aabihiis isku dayay inuu dab ku dilo. Sawir-qaadaha lagu magacaabo Pavel Volkov ayaa sawirro khaas ah ka soo sameeyay wiilkan.

"Eeg, maqaarkeygu wuxuu u egyahay sida carrada xeebta," ayuu yiri Lyosha, isagoo xoogaa yar qoslaya.

Sidee looga fal celin karaa kaftankaasoo kale. Hadalkan uu yiri ma lagu qosli karaa? Markaad dhan ka eegto sax ma aha in lala qoslo marka uu Lyosha sidaas dhaho.

Lyosha wuxuu kasoo jeedaa xaafad ku taalla bariga waddanka Siberia, halkaasoo ay ku badan yihiin dadka saboolka ah iyo kuwa maandooriyaha u isticmaala sida xad-dhaafka ah.

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Sanadkii 2005-tii, xilli lagu guda jiray dabaaldagyadii sanadka cusub, ayuu aabbihiis, oo markaas maandooriye cabsanaa, burjiko dab ka holcayo ku dhex tuuray labo acrruur ah oo uu dhalay.

Cunuggii kale oo 14 bilood jiray dabkii ayuu ku geeriyooday islamarkiiba. Lyosha, oo xilligaas 2 sano jir ahaa ayaa ku xigay. Laakiin hooyadiis ayey u suurtagashay inay ka badbaadiso.

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Waxaa dhacdadaas kasoo gaaray dhaawac dab ah oo aad u daran. Wuxuu ka gubtay madaxa, gacmaha iyo meelo ka mid ah qaarka hore (oo ay ku jiraan sambabbada). Laakiin noloshiisa way badbaadday.

Sawir-qaadaha soo diyaariyay sawirrada wiilkan dhalinyarada ah ayaa yiri: "Ayeeyadey ayaa suuqa kasoo iibin jirtay wargeysyada ay ku qornaayeen wararka la xiriira carruurta la gubay."

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

"Waxaan si fiican u xasuustaa iyadoo akhrineysa sheeko naxdin leh oo ku saabsan wiil yar oo lagu gubay bujiko shidan. Waxaan xasuustaa anigoo aad uga cabsada inaan eego holaca dabka. Waxaa kale oo aan xasuustaa in lacago loo aruurin jiray daweynta Lyosha."

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Lyosha waxaa laga qaaday magaalada Buryatia. Hooyadiis awood dhaqaale uma aysan lahayn inay xannaano caafimaad siiso, sidaas darteedna waxaa la wareegay qoys kale oo daggan magaalada Moscow.

Wuxuu ku caafimaaday dadaal socday toban sano. Wuxuu maray qalliinno badan oo dhinaca maqaarka ah iyo daweyn khaas ah.

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Markii ay da'diisu noqotay 16 sano, waxay ahayd xilli uu safarro lagu geeyay ku dhawaad kalabar ka mid ah waddamada dunida.

"Waxaa la i geeyay Switzerland, Mareykanka, Garmalka, Faransiiska, Lithuania - meelo badan," ayuu yiri isagoo tirinaya liiska dalalkii uu soo maray intii ay daweynta u socotay.

"Dhibaato aad qabto waxay kuu horseedi kartaa inaad si kale u eegto arrimaha iyo inaad fursado cusub heshid, laakiin ma aha inaad noloshaada u burburiso wax kugu dhacay," ayuu yiri.

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Intaasoo sano kaddib, Lyosha muuqaalkiisa wali wuxuu soo jiidanayaa dareenka indhaha.

"Dadku ama way kaa baqayaan iyagoo aan ogeyn waxa kugu dhacay ama waxay doonayaan inay ku bartaan si ay xaaladdaada u ogaadaan," ayuu yiri.

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Dabeecadaha layaabka leh ee uu qabo Lyosha waxaa ka mid ah inuu isaga isku qoslo, uuna ku qoslo dunida ku hareereysan. Ma raadiyo qof uu ku eedeeyo waxa ku dhacay, kaliya wuxuu ku qanacsan yahay noloshiisa.

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Xitaa fikradda uu dabka ka aaminsan yahay ayaa layaab sii ah.

"Waan jeclahay dabka. aad baan u jeclahay meelaha dabka lagu shido. Waan ogahay in dadkii horay ugu gubtay ay ka cabsan karaan. Laakiin aniga iima muuqdo wax aan uga baqo dabka. Waan ka helaa iftiinkiisa iyo diirrimaadkiisa; iyo xitaa quruxdiisa. Mar kasta waan iska daawan karaa, wax laga argagaxo ma aha."

Lyosha wuxuu isku tilmaamaa nooc ka mid ah shimbiraha oo marka ay dhimaneyso is gubta, si ay dambaskaas uga dhalato mar kale.

"Waan u qaab ekahay. Anigoo ilmo yar ah ayaan gubtay. Markii si loo eego, aniga qudheyda dambaskaas ayaan ka dhashay mar kale."

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Muddooyinka, Lyosha wuxuu ku nool yahay oo uu wax ka bartaa magaalada Moscow. Wuxuu mar walba la xiriiraa aabihiisii runta ahaa - oo ah kii damka ku dhex riday, iskuna dayay inuu ku dilo burjiko holceysa.

Lyosha

Xigashada Sawirka, Pavel Volkov

Haddana sidaasoo ay tahay Lyosha wuu yaabaa markii ay dadka weydiiyaan inuu aabihiis cafiyay iyo in kale. "Cafis ma aha. Waa hore ayaan cafiyay. Hadda waan iska sheekeysannaa, sida ay dadka caadiga ah u xiriiraan ayaana isula xiriirnaa."

"Waligey ma nicin aabahay. Waxaa laga yaabaa inuu isagu u heystay inaan u careysanahay. Laakiin markii aan kulannay, oo aan anigu dib ugu laabtay magaalada Buryatia, waan wada sheekeysannay, wax kasta ayaan u sheegay, haddana warqado ayaan isu dirnaa si uusan u lumin iska warqabkeenna."

Pavel Volkov waa sawir-qaade u dhashay Ruushka oo diyaariya muuqaallada dukumiintiyada ah, wuxuuna ku nool yahay magaalada Moscow.