Qadka internet-ka Soomaaliya: Dowladda oo ka hadashay sababta uu u go'ay

Qadka isgaarsiinta ee internet-ka Koonfurta Soomaaliya ayaa dib u soo laabtay ka dib markii uu go'naa tan iyo shalay, sida ay xaqiijisay hay'adda NetBlock oo ka shaqeysa arrimaha madaxbannaanida internet-ka.
Qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa internet la'aan ahaa tan iyo galabkii Sabtida. Inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayeyna arrintaas saameysay.
Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud oo ka mid ah kuwa ka hawgala gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in "baaritaan hordhac ah ay ku hayso cilladda ku timid".
"ka dib markii dabaylo xoogbadan ay ka dheceen badwaynta Hindiya, waxay saameyn ku yeesheen xarigii Internet-ka, taas oo sababtay inay cilad ku timaado", ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga shirkadda Hormuud.
Sidoo kale adeegyada kale ee internet-ka, ee aan ahayn midka Hormuud, oo dad badan ay isticmaalayeen ayaa ka maqan magaalooyiin ay Muqdisho ka mid tahay.
Waxat Netblock sheegtay in saameynta ugu weyn ee internet la'aanta ay gaartay magaalada Muqdisho. "Internet-ka la jaray ayaa weli sii socda niyadoo xadideysa tabinta dhacdooyiinka wararka", ayaa lagu qoray boggeeda oo looga hadlo arrimaha internetka la jaro ee caalamka.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Cabdi Canshuur, ayaa BBC Somali u sheegay in cillad farsamo ay ku dhacday xarigga internet-ka Fiber-ka.
"Cilladdan hadda weli ma ogin balse weli baaritaankeeda ayaa socdo. Mardhow ayaan soo gebagebeyneynaa," ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in marka la ogaado ka dib la qiimeyn doono heerka ay cillada gaarsiisan tahay iyo muddada ay qaadaneyso dib u sameynta iyo soo celinta adeegga internet-ka ee Soomaaliya.
Haseyeeshee shabakadda Netblock ee la socota dhaqdhaqaaqa intarnet-ka ayaa cilladaas la xiriirisay "dhacdadii baarlamaanka ee Sabtidii" ee la sheegay in xilka looga qaadaty Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.
"Ma jirto wax muujinaya in xarig caalami ah oo badda hoosteeda mara uusan shaqeyneyn oo saameeyay Soomaaliya," ayaa lagu qoray farriin Twitter ah oo shirkaddaas ay baahisay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Waxaa Netblock arrintan ku tilmaameysaa mid "la jaray" in ay tahay, waxayna la xiriirineysaa xaaladihii siyaasadda ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya ka dhacay.
"Internetka la jaray ayaa weli ka taagan Soomaaliya iyadoo baarlamaanka uu u codeeyay in meesha laga saaro Ra'iisul Wasaare Khayre", ayaa lagu qoray bogga shirkadda, 26-kii bishan June.
Saameyntii ka dhalatay internet la'aanta Muqdisho

Internet la'aanta qeybo ka mid ah Soomaaliya waxay saameyn xoogan ku yeelatay adeegyada xafiisyada, shirkadaha, bangiyada, xawiladaha iyo xarumo badan oo hawlahooda shaqo ay ku tiirsaneyd adeegsiga internet-ka.
Weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho, Beela Sheegow ayaa ku soo warranatay in adeegyada intarnet-ka ee wali go'an ay yihiin kuwa taleefoonnada gacanta laga isticmaalo iyo kan xarig la'aanta.
Arrintan dhaqaalaha ayey si wayn u saameeysay, maadaama bangiyada, shirkadaha diyaaradaha ay ku shaqeeyaan khadka internet-ka.
"Internet la'aanta waxay jahwareer ku keentay habkii loo jari jiray tikidhada; tusaale ahaan halkii dadka ay tikidhada ka jaran jireen online-ka, hadda waxay ku qasbanaadeen in ay yimaadaan xafiiska, si loogu jaro tikidhka, sababtoo ah, habkii diiwaangelinta macaamiisha wuxuu ku shaqeyn jiray internet-ka", ayuu yiri Cabdullaahi Yaxya oo ka mid ah dadka ka shaqeeya shirkadaha diyaaradaha ee ka hawgala magalada Muqdisho.
Waxaa kale oo intaa uu ku daray in shaqaalihii joogay garoonka ay ku adkaatay xaqiijinta magacyada dadka safraya, taasina ay keentay in farriin loogu diro magacyada, halka markii hore ay kala bixi jireen hannaanka diiwaangelinta ee internet-ka.

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Wicitaanka dhanka internet-ka ee dibadda oo aad uga qiima jaban kan taleefonka caadiga ah ayaa sidoo kale adkaatay, inkastoo taleefoonnada caadiga ah ee la iska wici karo dal iyo dibadba, dadkuna ay isu diri karaan lacagaha taleefoonnada la isaga diro.
Waxaana saacadihii lasoo dhaafay adkeyd in sidoo kale war laga helo koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo maalmahanba ay ka taagnyed xiisad siyaasaded.
Dhibataada dhanka internet-ka ayaa dhacday maalin ka dib markii gollaha shacabka uu sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen xukuumadii uu hogaaminayay ra'iisul wasaare Xassan Cali Khayre.
Shirkadaha internet-ka ee Soomaaliya waa kuwo gaar loo leeyahay, waxaana badankooda maamulo shirkadaha isgaarsiinta.














