'Sawirkii qasbay in la iga eryo shaqadii fiicnayd ee aan haystay'

Xigashada Sawirka, Emmanuel Cafferty
3-dii bishii Juun, Emmanuel Cafferty ayaa dib ugu noqday gurigiisa isaga oo gaadhigiisa wata ka dib maalin kale oo uu soo kormeeray shirkadda gaaska iyo korantada ee dhulka hoostiisa oo ku taallay magaalada San Diego, carriga Maraykanka.
Markii uu ag marayey shirkad gadda taayirrada gaadiidka, ayaa 47-jirkan reer Mareykan furtay daaqadda gaadhigiisa , xilligaas oo ay ahayd galab diirran, gacantiisii bidixna waa ay fidsanayd, isaga oo laydha u dhigayey.
Intii lagu jiray safarkaas kooban isla dhawr saac gudahood, dhacdooyin isku xigxiga ayaa Caffert, ka dhigay shaqo la'aan, wuxuuna wejahayaa eedeymo cunsurinimo oo dhanka warbaahinta bulshada ah.
Waxaana waxaas oo dhami ka dhasheen tilmaan uu gacantiisa ka bixiyey.
Cafferty wuxuu u sheegay BBC-da in markii uu wadey gaadhiga uu isaga oo aan is ogayn gacantiisa isku qabtay fartiisa iyo suulkiisa, kolkaas oo ay goobo sameeyeen.
Falcelintii ka dhalatay iyo shaqo-waayiddiisii
"Xilligaas ayuu qof uusan aqoon, oo wata taleefanka gacanta isla markaana leh bog dhanka Twitter-ka uu rogaalay noloshaydii" ayuu u sheegay.
Marka loo eego qofkan, tilmaan gacmeedkii uu bixinayey Cafferty waxa uu ka dhigay astaanta ay caan ku yihiin caddaanka cunsuriga ah.

Xigashada Sawirka, Twitter
" Ninkani wuxuu billaabay inuu iska cadhaysiiyo, oo igula hado ereyo canaan ah. Isaga oo ku qayliyey: "Ma waxaad doonaysaa inaad sidan ku adkaysato?" Cafferty ayaa xasuusta arrinkaas,
"Kaddib waxa uu la soo baxay taleefankiisii gacanta si uu sawir u qaado, ma aan fahmin waxan uu wadaba". ayuu ku daray.
Laba saac ka bacdi dhacdadaas, Cafferty maamulihiisii ayaa soo wacay si uu ugu sheego in baraha bulshada laga soo weriyey inaad ku kacday ficil cunsuriyad ah, isla markaana shaqada lagaa joojiyey mushaharna aanad lahayn.
Saacad kaddib, shaqaalihii shirkaddiisa ayaa booqday gurigiisa si ay uga qaadaan gaadhigii shirkadda iyo computer-ka.
Shan cisho kabacdina, waaba la eryay.
"Tabtaas ayay ahayd, sida aan ku waayey shaqadii ugu fiicnayd ee aan weligay helay"
Ma aha 'OK'
Wiilkan ay dhashay hooyada Mexican-ka ahi, waxa uu ku noolaa noloshiisii riyada u ahayd ee Maraykanka. Waxa uu helayey saacaddii $41, taas oo labanlaab ka badan mushaharka shaqadiisii hore, waxa uu haystay caymis caafimaad, iyo lacag u dhiganta oo uu qaadan lahaa marka uu hawlgabo, taas oo ahayd markii ugu horraysay ee noloshiisa abid.
Markaas oo uu lixbilood ka hor ka helay shaqadan San Diego Gas and Electric Company, xilligaas waxa uu inantiisa iyo carruurta uu awooga u yahay u qaaday casho si ula dabbaaldegaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cafferty wuxuu sheegay inuusan wax fikrad ah ka haynin ficlkan uu tilmaan ahaanta u muujiyey, oo sida caadiga ah xidhiidh la leh kelmadda "OK" marka la joogo Mareykanka se waxay leedahay tilmaan cunsuriyadeed.
Sida laga soo xigtay kooxda ka hortagga sumcad dilka ee Anti-Defamation League, oo ah hay'ad aan dawli ahayn oo Mareykan ka hawlgelaysay in kabadan 100 sano iyaga oo olole ka qaadday hadallada nacaybka ah ee wadanka laga dhex yidhaahdo ama ka dhaca, sumadda "OK" waxaa iyana lala xidhiidhiyey olole faquuq oo dhacay 2017 - dadka isticmaala baraha bulshada ee midigta-fog ayaa kor u qaaday fikirkaas. Waxaana aad loo buunbuuniyey in tilmaantani u taagan tahay w iyo p oo ah erey loo soo gaabiyey"awoodda cad".
"Ilaa iyo 2017, dad badan ayaa si been ah loogu eedeeyey inay yihiin kuwa cunsuriyiin ah, iyaga oo tilmaamaha ay bixinayaan u ahaayeen kuwa dhaqan oo jiri jirey ama si aan filayn uga dhacay"
Qoomamadii eedaysanaha
Tani waa waxa dhab ahaan ku dhacay Cafferty.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Arinkeyga, xitaa ma aysan aheyn astaan, waxaan kaliya istaabsiiyey farahayga. Laakiin nin cadaan ah ayaa u tarjumay inay tahay tilmaam cunsurinimo oo la mid ah tan uu u sheegay madaxdeyda, kaas oo isna sidoo kale cadaan ah," ayuu yidhi.
"Waxay go'aansadeen inay rumaystaan, halkii ay aniga ahayd, in kasta oo aanan caddaanba xataa ahayn," ayuu raaciyay, isagoo gacmaha xoqaaya si uu u muujiyo midabka maqaarkiisa.
Wareysi ay la yeesheen telefishanka NBC maalmo kadib markii uu soo baxay warkii Cafferty ee dhibaatadii dhacday, ninka sawirka qaaday oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayaa qirtay in tarjumaadiisa dhacdadaas "laga yaabo inuu buunbuuniyay".
In kasta oo uu ogaysiiyey shirkada San Diego Gas ee Korontada kolkii uu faallada soo qoray, ninka - oo aan magaciisa la shaacin - wuxuu sheegay inuusan waligiis dooneynin in Cafferty shaqada laga eryo.
Wuxuu tirtirey faalladii iyo akoonkiisa Twitter-ka sidoo kale.
Laakiin goor dambe ayey ahayd, maaddaama faalladii iyo sawirkiiba suuqa galeen.
Cafferty maamulihiisii waa uu diidey inuu xaaladda dib u qiimeeyo.
Dib u helidda noloshiisii

Xigashada Sawirka, Cafferty family album
Isagoo iska indhatiraya waxa ka dhashay, Cafferty wuxuu isku dayayaa inuu noloshiisa dib u hanto oo ugasoo kabto.
Wuxuu dacweeyey labadaba, shirkaddiii San Diego Gas and Electric ee uu ka shaqeeynayey iyo ninka sawirka ka qaaday, laakiin ma jiro wax rejo ah oo laga qabo in xukun hore kasoo baxo waxayna qaadan doontaa ugu yaraan hal sano.
Cafferty, ayaa yidhi: "Xitaa ma aanan lahayn Twitter ka hor inta aan la igasoo gelin", ayuu yidhi Cafferty, oo furtay hadda akoon sidii shilku u haleelayba.












