'Horay aabbihiis ayey hoggaamiye kooxeedyada u dileen, isagiina waa la dilay'

xarunta caafimaad ee ay ka shaqeynayeen dhallinyarada la dilay

Xigashada Sawirka, ZAMZAM FOUNDATION

Qoraalka sawirka, Xarunta caafimaad ee ay ka shaqeynayeen dhallinyarada la dilay
Published

19-ka bisha August - oo sanadkan kusoo beegantay Arbaco - waxa ay Qaramada Midoobay u asteysay maalinta Bani'aadannimada adduunka.

Meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa laga xusaa munaasabaddan, waxaana lagu soo qaataa mowduucyo ku saabsan tacaddiyada bani'aadannimada iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka danyarta ah.

Soomaaliya waxay kaalmaha hore uga jirtaa waddamada ay ka dhacaan falalka bani'aadannimo ee ugu qallafsan.

Dabayaaqadii bishii Maarso ee sanadkan, 8 dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay arrimaha bani'aadannimada ayaa lagu dilay magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

25-kii bishii Maarso ayey rag hubeysan tageen xarun caafimaad oo hay'adda Zamzam Foundation ay ku leedahay deegaanka Gololey ee duleedka magaalada Balcad.

Raggaasi ayaa markii dambe xaruntaasi ka kaxaystay toddobo ka mid ah halwadeenno caafimaad oo xaruntaasi ka shaqeynayay iyo qof ka mid ah dadka deegaanka, sida ay goobjoogayaal sheegeen.

Maalin ka dib ayaa meydadka siddeeddaasi qof laga helay duleedka deegaanka laga qafaashay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay cidda ka dambeysay dilka dhalinyaradaas, mana jirin koox sheegatay mas'uuliyadda.

BBC-da ayaa ogaatay in ragga hubeysan ee markii hore dhalinyarada kaxeystay ay wajiyada u duubnaayeen.

.

Xigashada Sawirka, ZAMZAM FOUNDATION

Ragga meydadkooda la helay waxay kala ahaayeen:

  • Maxamed Cumar Boore
  • Cumar Xuuti Maxamud
  • Nuur Xaaji Gaas
  • Cabdirisaaq Cabdulaahi Xuseen
  • Cabdicasiis Cabdulqaadir Cabdulle.
  • Cali Axmed Cali.
  • Abuukar Muuse Maaxi.
  • Yuusuf Ayuub Cabdullaahi

Toddobo ka mid ah waxay ahaayeen kalkaaliyeyaal caafimaad.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba, waxaana dadku isweydiinayaan ujeeddada loo bartilmaameedsaday shaqaale caafimaad xilli haatan uu dunida fara ba'an ku hayo cudurka Covid-19.

Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya wakiilka uga ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa si xoogan u cambaareeyay dilka siddeeddaasi qof.

Waxa uu soo jeediyay in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdada lagu dilay dhalinyarada.

"Marnaba lama aqbali karo in la weeraro shaqaalaha caafimaadka taasi oo xadgudub ku ah xeerarka arrimaha banii'aadanimada."

"Aabbihiis waxaa dilay hoggaamiye kooxeedyadii"

Abshiro Cabdi Maganeey, waxay eeddo u ahayd mid ka mid ah dhalinyaradii la dilay, Cabdicasiis Cabdulqaadir Cabdulle.

Waxay BBC-da u sheegtay in qoyskiisa ay horay usoo mareen tacaddiyo dhinaca bani'aadannimada ah.

"Cabdicasiis isagoo 10 ilaa 11 sano jir ah ayaa aabbihiis la dilay. Waxaa dilay hoggaamiye kooxeedyadii. Meel ganacsi ah oo u furneyd ayaa markii uu lacagtii canshuurta ka bixiyay la yidhi 'tanna noogu dar', markii uu diidayna waa la dilay", ayey tidhi Abshiro.

Wali natiijo lagama soo saarin baadhitaanka

Agaasimaha Guud ee hay'adda Zamzam Foundation, Cumar Jaamac, ayaa dib u xasuusanaya dhacdadii dilka wiilasha.

Cumar Jaamac, Agaasime

Xigashada Sawirka, Zamzam Foundation

Qoraalka sawirka, Cumar Jaamac, Agaasime

"28-kii March waxaa dhacday arrin aad u murugo badan. Dad birimageydo ah, oo caafimaad ka shaqeynayay si gardarro cad ah loogu laayay goobtoodii shaqo, waliba iyagoo ku guda jiray adeeggii caafimaad ee ay bulshada u hayeen." Ayuu yidhi Cumar.

Wuxuu intaas ku daray in wali aan lasoo gabagabeynin baaritaannadii la xidhiidhay ciddii ka dambeysay dilka dhalinyarada.

Ku dhawaad 5 bilood ayaa kasoo wareegtay markii baadhitaanka la guda galay.

"Arrintaas dad badan ayaa ka hadlay, dowladduna waxay noo sheegtay in baadhitaan lagu sameynayo. Wax natiijo ah ma aannaan ka helin, laakiin kolley wali waxaan ka sugeynaa in natiijo ay kasoo saarto, waxaana fileynaa in dadkaasi maalin uun ay heli doonaan caddaalad."

Dowladda iyo Shabaab

Ma cadda cidda afduubatay iyo cidda ka dambeysa dilkooda toona, balse dadka qaar ayaa arrintan ku eedeeyay ciidamada dowladda, haseyeeshee milatariga Soomaaliya ayaa eedeymahaasi ku gacan seyray, waxaana maamulka gobolkaasi uu dhacdadan ku eedeeyay ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale, warbaahinta u janjeerta dhanka Al-Shabaabka ayaa dhacdadaasi ku eedeeysay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday baaritaan deg deg ah ayaan wali sheegin cida ay ku tuhunsan tahay dilkaasi.