Maxay tahay sirta sharci darrada ahayd ee laga fashilay Mareykanka?

Edward Snowden

Xigashada Sawirka, Getty

Qoraalka sawirka, Edward Snowden wuxuu doonayaa inuu ku laabto Mareykanka, laakiin hadduu noqdo wuxuu wajahayaa maxkamadeyn
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Maxkamadda Racfaanka ee dalka Mareykanka ayaa soo saartay xukun ay sharci darro ugu tilmaantay barnaamijka ukuurgalidda ee hay'adda sirdoonka, NSA, kaasoo uu toddobo sano ka hor fashilay Edward Snowden.

Xogta ku saabsan u kuurgalidda ay sameyneysay NSA, oo lagu dhageystay telefoonnada malaayiin qof oo Mareykan ah, ayaa markii ugu horreysay soo shaac baxday sanadkii 2013-kii.

Hadda, garsooreyaasha maxkamadda racfaanku waxay sheegeen in madaxdii sirdoonka ee barnaamijkaas sida weyn u difaacay ay been sheegeen.

Mr Snowden ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu dareemayo in la bari yeelay, kaddib markii lasoo saaray xukunka maxkamadda racfaanka.

US whistle-blower Edward Snowden said he won't a fair trial if he returns home to the United States.

Xigashada Sawirka, The former CIA contractor and whistle-blower, Edwa

Waxa uu hadda isagoo baxsad ah ku nool yahay magaalada Moscow ee caasimadda u ah dalka Ruushka. Laakiin sanadkii lasoo dhaafay wuxuu ku dhawaaqay inuu jeclaan lahaa dib ugu laabashada dalkiisa Mareykanka, halkaasoo uu ku wajahayo maxkamadeyn la xidhiidhta faafinta xog xasaasi ah oo uu ku muteystay go'aankii uu ku fashilay sirta Mareykanka.

"Waligey kuma fakarin in maalin uun ay maxkamadaheenna cambaareyn doonaan falalka ay sameyso hay'adda NSA, ayna ku tilmaami doonto kuwo sharci darro ah. Isla xukunkaas wuxuu muujinayaa inaan ammaan ku leeyahay fashilitaankooda," ayuu yidhi Mr Snowden.

"Haddana sidaasoo ay tahay maalintaas aanan ku fikireynin way timid," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Saraakiil sar sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa ku adkeystay in hay'adda NSA aysan waligeed si ulakac ah u aruurinin xog ku jirta telefoonnada shacabka, ilaa intii uu Mr Snowden sirtooda bannaanka soo dhigay, caddeymo-na faafiyay sanadkii 2013-kii.

Markii sirta la faafiyay kaddib, saraakiishu waxay sheegeen in barnaamijka u kuurgalidda ah ee NSA uu door muhiim ah ka qaatay la dagaallanka argagixisada gudaha, islamarkaana guulihii lagu gaadhay ay ka mid tahay dambiyadii lagu caddeeyay Basaaly Saciid Macallin, Axmed Naasir Taalil Maxamuud, Maxamed Maxamuud iyo Ciise Dhoorre, oo dhammaantood kasoo jeeda magaalada San Diego, laguna helay inay gacan siinayeen kooxda al-Shabab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Laakiin, maalintii Arbacada, maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in hadalkaas "uusan waafaqsaneyn xogta la fashiliyay", barnaamijkuna uu ahaa mid loogu xad gudbay xeerka faragalinta sirtoonka arrimaha dibadda.

Xukunkan ma saameyn doono xukunnadii dadkaas lagu riday 2013-kii.

"Go'aanka maanta kasoo baxay maxkamadda waa guul usoo hoyatay xuquuqdeenna gaarka ah," sidaas waxaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Dalladda Shaqaalaha Rayidka ah ee Mareykanka.

"Wuxuu daaha ka qaadayaa in hay'adda NSA ay si sharcidarro ah u aruursatay xogta telefoonnada shacabka Mareykanka, ayna ku tumatay dastuurka."