Maxkamad xukunno kala duwan ku ridday eedeeysanayaal loo haystay weerarkii xabsiga dhexe

Xigashada Sawirka, garsoor
Maxkamad ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday eedeeysanayaal loo haystay weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe 10 bishii August.
Sida lagu daabacay bogga Garsoor oo ay leeyihiin hay'adaha garsoorka ee dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ilaa 11-Eedeysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta , Xunkusanayaal iyo Garsugayaal ayaa oo lala xiriirinayay weerarkaasi ayaa xukunno lagu riday.
Heerar kala duwan oo Maxkamadeed iyo Baaritaanno muddo dheer qaatay Maanta ayay Maxamadda Go'aan ka soo saartay, islamarkana riday xukunno kala duwan.
Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan.
Waxaa sidoo kale eedeeysanayasha xukunka lagu riday ka mid ahaa qaar ka tirsan ciidamada Asluubta.
Cabdullaahi Macalim Xuseen, Maxamed Daahir Maxamed iyo cabdi Jire Yusuf ayaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka tirsanaayeen.
Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.
Eedeeysanayaasha kale ee xukunka lagu riday waxaa ka mid ahaa Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.
Maxamed Nuur Maadeey,Maxamed Maxamuud Mataan , Cumar Xasan Abtidoon iyo Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah.
Waxaa maxkamadu ay wax dambi ah ku waysay Cabdi Axmed Maxamuud oo ciidamada Asluubta ka tirsanaa, Sida uu uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanayaasha ayaa racfaan ka qaadan kara xukunka lagu riday, waxayna fursad u haystaan in muddo 30 maalmood gudahooda ah ay xukunkaasi racfaan kaga qaataan.












