Doorashada Mareykanka 2020: Maxaynu ka fahmaynaa dadka uu Biden u magacaabay siyaasadda dibadda?

Ambassador Greenfield-Thomas pictured with Tanzania's former ambassador

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Danjire Greenfield-Thomas oo la sawiran madaxweynihii hore ee Tanzania (2014)
Published

Saddexda qof ee uu Madaxweynaha la dortay ee Mareykanka Joe Biden usoo xushay inay hogaamiyaan kooxdiisa siyaasadda arrimaha dibadda ayaa waxa ay Aqalka Cad ku soo kordhin doonaan khibrad diblumaasiyadeed oo tobannaan sanadood ah, hasayeeshee sidoo kale waxa ay wajahayaan dhaleecayn uga imanaysa dadka diiddan hab dhaqanka ku yimaada mudada sanadaha ah ee ay dowladda Mareykanka u soo shaqaynayeen.

Waxaynu halkan idinkugu soo gudbinaynaa cidda ay yihiin kooxdaas iyo waxa ay khubaradu ka yiraahdeen farriinta Mr Biden uu dirayo markii la eego sida uu u soo xushay diblumaasiyiinta sarsare ee Mareykanka.

Maxay kala yihiin?

Linda Thomas-Greenfield, Antony Blinken and Jake Sullivan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saddexda qof ee Mr Biden kala talin doonta arrimaha ka baxsan xuduudaha Mareykanka aad loogama yaqaan meelaha ka baxsan Washington. Antony Blinken, Linda Thomas-Greenfield iyo Jake Sullivan ayaa dhammaantood waxa ay ka soo qalinjabiyeen Aqalka Cad ee Barack Obama, waxaana ay daacad u yihiin Biden iyagoo udub dhexaad u ah siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Mr Blinken, oo ah 58-jir - ku dhawaad muddo 20 sanadood ah la soo shaqaynayay Mr Biden - ayaa waxaa loo soo xushay inuu noqdo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, xilkaas oo ah kan ugu sarreeya diblumaasiyadda dalkaas.

Linda Thomas-Greenfield, oo ah mid ka mid ah haweenka madow ee ugu darajada sarreeya diblumaasiyiinta Mareykanka taas oo muddo sanado ah ka soo shaqaysay arrimaha Afrika, ayaa waxaa loo magacaabay inay noqoto Safiirka Mareykanka u fadhinaysa Qaramada Midoobay.

Jake Sullivan, waa sarkaal hore uga tirsanaan jiray wasaaradda arrimaha dibadda waxa uuna lataliye u soo noqday Hillary Clinton, sidoo kalana waxa uu dowr muhiim ah ka ciyaaray wadaxaajoodkii heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan ee 2015-kii. Waxa uu Mr Biden u ahaa lataliyaha ammaanka qaranka markii uu madaxweyne kuxigeenka ahaa.

Dadkan xog-ogaalka ah

Mr Blinken ayaa ku dhawaad 20 sanadood waxa uu la soo shaqeynayay Mr Biden, oo wadashaqeyntoodu waxa ay soo bilaabatay waqtigii uu Mr Biden ku jiray Guddigii Xiriirka Dibadda ee Senate-ka. Dadka qaar ayaa waxa ay ku dhaleeceeyeen inuu ka dambeeyay codkii Mr Biden uu ku taageeray weerrarkii Ciraaq lagu qaaday 2003.

Xiriirkaas shakhsiyadeed ee ka dhaxeeya ayaa u shaqeyn doona, waxaa sidaasi sheegay dhowr diblumaasi oo hore oo Ameerikaan ah, hasayeeshee waxaa laga yaabaa in middaasi ay horseedo in la waayo aaraa' kala duwan.

Khibradooda ballaaran ee ay u leeyihiin siyaasadda dibadda ee Washington ayaanan ka dhigi doonin mid lagu jeclaado. Waase ay dhici doontaa, sikasta oo uu xaal ahaadaba, waxa ay dabcin doonaan dagaalkii uu Trump ku haya waxa uu ugu yeeray "dadka saamaynta badan" - ee uu ula jeeday shakhsiyaadka ku jiray dowladda ee uu u arkayay inay ka hor imanayaan ajandihiisa.

Jake Sullivan consults with former US Secretary of State Hillary Clinton during a congressional hearing

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jake Sullivan oo la tashanaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton mar kongareeska su'aalo lagu waydiinayay

Xulafada Caalamka

Ajandaha kooxda Biden waxaa ugu sarreeya sidii ay dib ugu biiri lahaayeen ururrada, isbahaysiyada iyo heshiisyadii uu Mr Trump diciifiyay ama uu ka baxay afartii sanadood ee la soo dhaafay.

Waa inay ka soo dhalaalaan sidii ay Mareykanka ugu celin lahaayeen heshiiskii cimilada ee Paris ayna Mareykanka ugu hayn lahaayeen Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Sidoo kale waxa ay dib u eegi doonaan heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan, xoojinta xiriirka kala dhaxeeyay gaashaanbuurta Nato iyo weliba inay heshiisyo ganacsi galaan si ay arrintaas ugu isticmaalaan inay kaga hortagaan saamaynta sii kordhaysa ee waddanka Shiinaha.

Blinken (centre left) participates in a White House presidential briefing

Xigashada Sawirka, White House

Qoraalka sawirka, Blinken (bidix dhexe) oo ka qeybqaadanaya participates in a White House presidential briefing

Ma soo rogaalcelintii khubaradaa?

Inta badan khubaradu waxa ay isku raacsan yihiin in kooxda Mr Biden uu soo xushay ay aad uga khibrad badan yihiin kuwii uu magacaabay Mr Trump, sida Xoghayihiisii ugu horreeyay ee Arrimaha Dibadda Rex Tillerson, kaas oo maamuli jiray shirkadda Exxon Mobil.

Hasayeeshee taariikhda uu Mr Trump kaga tagay Wasaaradda Arrimaha Dibadda - halkaas oo diblumaasiyiin niyad jabsan ay xilli hore howlgab noqdeen intii uu wasaaradda maamulayay Mr Tillerson iyo ninka badelay ee Mike Pompeo - ayaa ah mid qoto dheer oo ay adag tahay in si degdeg ah loo badelo.