Biden oo koox dumar ah u xushay qaybta warfaafinta Aqalka Cad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Joe Biden, ayaa magacaabay koox khibrad leh oo u qaabilsanaan doonta warfaafinta oo dhammaantood haween ah. Arintaas oo xafiiskiisu ku sheegay in ay tahay markii ugu horraysay taariikhda dalka ee sidaas la yeelo.
Kooxdan warfaafinta waxa madax u noqon doonta haweenayda la yidhaa Kate Bedingfield oo ah ku xigeenkii hore ee agaasimaha isgaadhsiinta ololihii Biden.
Jen Psaki oo iyadna ahayd agaasimihii warfaafinta ee Aqalka Cad markii Barack Obama xilka hayey, ayaa sidoo kalen noqon doonta af-hayeenkiisa.
Biden ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu soo dhisi doono maamul isku dhafan oo dalka oo dhami iska dhex arko.
"Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta shaaciyo kooxdii ugu horraysay ee ah koox khibrad leh oo u xilsaaran warbaahinta Aqalka Cad oo dhamaantood haween ah" ayuu Biden ku yidhi warbixin uu soo saaray.
"Haweenkan aqoonta iyo waayo aragnimada lihi waxay shaqada ku soo kordhin doonaan aragti cusub iyo heelanaan midaysayn oo ay ku biirin doonaan dib u dhiska togan ee dalkan"
Labada haween ah ugu khibradd badan ee noqon doona kaaliyeyaasha warbaahinta ee madaxweyn-xigeenka la doortay, Kamala Haris, waxay noqon dooonaan Symone Sanders iyo Ashley Etienne.
Xilalka kaaliyeyaasha warbaahintu maaha sida xilalka wasiirrada oo kale oo waajib maaha in Senate-ku ansixiyo.
Doorashadiisii ka dib, Biden wuxuu soo bandhigayey magacyada uu u xushay xilalka sare ee wasiirnimo.
Todobaadkii hore ayuu sheegay inuu xulan doono "koox muujin doonta in Maraykanku dib ugu soo noqday tubtiisii" waxaanu intaa ku daray in kooxdiisaasi ay dalka ka dhigi doonto mid "nabad iyo caano qaba" dunidana hormuud u noqon doona.
Dhanka kale, Axaddii ayaa Biden dhaawac fududi gaadhay oo "lafta lugtu dillaacday" mar uu sibladay isaga oo eygiisa Major la ciyaaraya.
Mr Biden oo 78 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in ay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo midka ugu weyn.
Dhaktarkiisa gaark ah, Kevin O'Connor, ayaa sheegay in raajo hordhac ah oo laga qaaday Biden aysan muujinin dhibaato weyn balse waxaa ay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan lugta oo laga qaadi doona sawirro horleh.
Kumbuyuurtarkii xigay ee la saaray Mr Biden ayaa waxa uu muujinayaa in laba laf oo yaryar ay ka jabeen bartamaha cagtiisa midig, waa sida uu dakhtarku sheegayee.
Axaddii uu madaxweyne Donald Trump bartiisa Twitter-ka waxa uu soo dhigay farriin uu ku leeyahay; "Caafimaad degdeg ah ayaan kuu rajaynayaa!"
Mr Biden oo madaxweynaha Jamhuuriga Mr Trump kaga adkaaday doorashadii la qabtay bishii Nofeembar, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah la siiyo xogtii ugu horraysay ee madaxweynaha dalkaas la siiyo. Arrintaas ayaa waxaa suurgalisay markii todobaadkii hore lagu dhawaaqay inuu bilowday hannaankii xilka uu Biden kula wareegi lahaa.
Mr Biden oo horraantii bishan noqday 78-jir ah, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da'da waynaa ee xilka ugu sarreeya dalkaas qabta waa marka 20-ka bisha Janaayo ee sanadka soo aaddan xilka loo caleema saaro ee.
Haddaba iyadoo dhacdadan ay jirto ayaa waxaa la filayaa in si dhaw ay caafimaadkiisa ula socon doonaan xulafadiisa iyo kuwa mucaaradka ku ahba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhakhtarkiisa ayaa bayaan uu soo saaray dabayaaqadii Diseembartii tagtay waxa uu ku tilmaamay inuu Biden caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo uu si guul ah ku gudan karo waajibaadkiisa madaxweynenimo.
Madaxweynaha la doortay iyo xaaskiisa Jill Biden, ayaa waxa ay magaalada Delaware ka sameysteen goob ayga lagu xanaaneeyo inay korsanayaanna waxa ay si rasmi ah u shaaciyeen Nofeembar 2018-kii.
Aygan lagu magacaabo Champ ayaa waxa uu qoyska Biden kula noolaa Capitol Hill waqtigii ay ku noolaayeen Washington DC xilligii uu madaxweynaha ahaa Barack Obama, markaas oo uu senatorkii hore ee Delaware uu madaxweyne ku xigeenka ahaa.












