Trump ma wuxuu doonayaa in uu cafis u fidiyo dadka isaga u dhow?

Xigashada Sawirka, EPA
Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa fiirineysa sheegashooyinka ah in dad u ololeeyay Trump ay isku dayeen in ay adeegsadaan laaluush si ay u helaan cafis madaxweyne, sida ay muujinayaan waraaqaha maxkamadda ee aan la shaacin.
Sida ay yiraadhdeen bishii Ogosto, baadhayaashu waxay bilaabeen inay baadhaan "qorshe hawleed qarsoodi ah" oo laga yaabo in ay ku lug leedahay isku dayo lala xidhiidhinayo saraakiisha Aqalka Cad.
Xogtaaas wax magacyo ah ma bixinayso, laakiin waaxda caddaaladda ayaa sheegeysa in uusan jirin sarkaal dowladeed oo la baadhayo.
Madaxweyne Trump qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay baadhitaanka inuu yahay "war been abuur ah".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Waa wax iska caadi ah in madaxweynayaasha xilka ka degaya ay adeegsadaan xuquuqdooda cafis bixinta, taas oo tirtirta xukunnada hore u dhacay.
Madaxweyne Trump - oo xafiiska ka tagaya bisha Janaayo, inkasta oo uu wali ku dedaalayo dacwado maxkamadeed oo la xiriira guuldarradii doorashada - wuxuu adeegsaday nidaamkan dhowr jeer.
Toddobaadkii hore wuxuu cafis u fidiyay la taliyihiisii hore ee amniga qaranka Michael Flynn, kaas oo qirtay dambiga ah inuu been u sheegay FBI-da.
Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Mr Trump uu ka hadlayey suurtagalnimada ah in la cafiyo xubno qoyskiisa ka tirsan.
Dukumiintiga ay sii deysay maxkamad Federaal ah Washington DC, Talaadadii, waxay la xidhiidhaa codsi ay Waaxda Caddaaladda (DOJ) codsatay in loo adeegsado email-lada iyo isgaarsiinta kale ee lagu qabtay baadhitaannada laaluushka iyo cafiska.
Xogta, xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku yidhaahdeen warqadda, waxay tilmaamaysaa "fal dambiyeed".
Trump yuu cafiyey illaa iyo hadda?
Madaxweyne Trump ayaa illaa hadda ka xamaasad yar doonistiisa ku aaddanayd adeegsiggiisa arrinka uu garta u leeyahay ee ah inuu bixiyo cafis, marka loo fiiriyo kuwii isaga ka horreeyay ee madaxweynayaasha soo noqday, sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi Baadhista ee Pew.
Barack Obama, oo Trump uu bedelay, wuxuu sannadkii 2013 bixiyey 212 cafis iyo 1,715 isdhaafsi - waana tii ugu badneyd tan iyo Madaxweyne Harry Truman 1940 illaa 1950-maadkii.

Xigashada Sawirka, Reuters
Marka laga reebo Michael Flynn - oo sannadkii 2017 lagu xukumay inuu ka been sheegay xidhiidhkii uu la yeeshay safiirka Ruushka - saraakiisha kale ee cafiska u fidiyay Mr Trump waxaa ka mid ah Roger Stone oo ah istiraatiijiyad dejiye siyaasadeed, Sheriff Joe Arpaio, iyo kaaliyihii hore ee madaxweyne ku xigeenka Scooter Libby.
Tiro ka mid ah xulafada Trump ayaa lagu soo warramayaa in ay rajeynayaan in loo naxariisto, oo ay ku jiraan lataliyayaashii hore Rick Gates iyo George Papadopoulos, oo labaduba lagu xukumay hayo baadhitaan la xiriira faragelintii Ruushka ee doorashadii 2016.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegaysa in madaxweynaha uu ka fiirsanayo inuu cafis u fidiyo xubnaha qoyskiisa ah - inkasta oo aan midna lagu eedeyn wax dambi ah.
The New York Times ayaa sheegaysa in Mr Trump uu u muuqdo mid ka walaacsan mustaqbalka madaxweynaha Joe Biden iyo maamulka Dimuqraadiga in ay bartilmaamedsan karaan caruurtiisa kala ah Donald Jr, Eric iyo Ivanka Trump, iyo sidoo kale ninka Ivanka seygeeda ah ee Jared Kushner, oo ah lataliye sare oo ka tirsan Aqalka Cad.
Waxaa jira hor dhac ah in la siiyo cafis dadka aan dacwad lagu soo oogin.
Sannadkii 1974, Madaxweyne Gerald Ford wuxuu si hordhac ah u sii daayay cafis uu u fidiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay Richard Nixon, wuxuu soo afjaray suurtagal kasta oo dacwad oogis loogu sameyn karo ka dib fadeexaddii Watergate.















