'Ninkii Faransiiska weerarka ka geystay oo 3 jeer i dili waayay'

Qoraalka Muuqaalka, The three Americans who helped subdue the gunman spoke about their experience after the attack
Published

Mid ka mid ah saddex nin oo Mareykan ah, oo lagu ammaanay ficilkii geesinnimada lahaa ee ay ku hor istaageen nin hubeysan oo weeraray Tareen u socday magaalada Paris, ayaa maxkamad uu fadhigeedu yahay Faransiiska u sheegay in ujeeddadiisa ugu weyn ay ahayd si uu u badbaado.

Spencer Stone, oo ah 26 jir, ayaa isagoo ku sugan Mareykanka qaab maqal iyo muuqaal ah uga qeyb galay kulanka maxkamadda, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay sidii isaga iyo saaxiibbadiis ay u arkayeen markii uu Ayoub El Khazzani soo qaadanayay qoriga Kalashnikov-ka ah, uuna isku diyaarinayay inuu rasaas furo.

Wuxuu tiriyay saddex jeer oo kala duwan oo ninka hubeysan uu isku dayay inuu dilo isaga.

Mr Stone wuxuu ka mid ahaa labo ruux oo ku dhaawacmay weerarka Tareenka, oo dhacay bishii August ee sanadkii 2015-kii.

Qofka kale ee dhaawacmay, wuxuu ahaa Mark Magoolian, oo isagana ka mid ahaa rakaabka.

Ma jirin qof dhacdadaas ku geeriyooday, laakiin Mr Stone wuu beeniyay sheegashada ninka falkaas geystay oo sheegay in uu cidna dili kari waayay xilligaas.

"Waxay ila tahay inaan ka hortagnay xasuuq," ayuu yidhi, sida ay kasoo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Faransiiska.

Yey dacwad ku socotaa?

Ayoub El Khazzani, oo ah 31 jir u dhashay dalka Morocco, ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay dilka rakaabka tareenka, waxaana la sheegay in falkaas uu qeyb ka ahaa weerarro dhimasho sababay oo saddex bilood ka hor waqtigaas ay kooxo Islaamiyiin ah ka geysteen magaalada Paris.

Saddex qof oo kale ayaa lagu eedeeyay inay ninkan ku caawiyeen qorsheynta weerarka lagu fuliyay Tareenka.

A courtroom sketch made on November 16, 2020, shows defendant Ayoub El Khazzani

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ayoub El Khazzani wuxuu horay ugasoo barbar dagaallamay kooxda IS ee dalka Suuriya

Ninka eedeysanaha ah ee ugu weyn wuxuu horayba u qirtay inuu geystay weerarkaas, oo ka dhacay meel u dhow magaalada Oignies ee waqooyiga dalka Faransiiska.

Wuxuu maxkamadda ka hor sheegay bishii lasoo dhaafay inuu fulinayay amarro uu soo siiyay ninkii ka dambeeyay weerarradii Paris, oo lagu magacaabo Abdelhamid Abaaoud, kaasoo uu sheegay inuu ka dalbaday inuu dilo dadka u dhashay Mareykanka iyo golaha Midowga Yurub.

Laakiin wuxuu sheegay in uu awoodi waayay fulinta qorshihii weerarka loogu talagalay. Wuxuu maxkamadda u sheegay in markii uu Spencer Stone xagiisa soo aaday "uu u oggolaaday inuu qabto".

Muxuu yidhi markhaatiga Mareykanka ah?

Spencer Stone wuxuu caddeymo ku bixinayay muuqaalka uu uga qeyb galay dhageysiga maxkamadda, isagoo ku sugan gobolka California.

Inkastoo markii hore uu u duulay waddanka Faransiiska si uu marqaati furka u soo bixiyo, waxaa markii uu halkaas tagayba la dhigay isbitaal, kaddibna waxaa lagu celiyay waddankiisa.

Wuxuu ka sheekeeyay sidii uu xaaladda weerarka uga war helay isagoo kursigiisa ku jiifa. Dib markii uu eegay wuxuu arkay ninka hubeysan oo soo qaadanaya qori Kalashnikov ah iyo saaxiibkiis oo rabata ka taabtay kuna dhiirrigaliyay inuu ka hortago.

"Waxaan u orday dhinaca Ayoub. origa ayuu igu soo aaddiyay," ayuu ku yidhi maxkamadda, sida ay kasoo xigatay Wakaaladda Wararka ee AFP.

"Waxaan maqlayay dhowr jeer oo uu riishadda qabtay isagoo iskudayay inuu qoriga xabadda ka rido. Waan ka badbaaday waxaana helay waqti aan ku gaaro."

Wuxuu sharraxaad ka bixiyay sida uu ninka weerarka fulinayay dhulka ugu riday.

Undated family handout image of Spencer Stone

Xigashada Sawirka, Stone family

Qoraalka sawirka, Spencer Stone wuxuu u safray faransiiska, si uu maqkhaati u noqdo, laakiin waddankiisa ayaa lagu celiyay kaddib markii uu xanuunsaday

Laakiin markaas kaddib, wuxuu sheegay in ninka hubeysan uu soo baxsaday bistoolad, uuna ka saaray madaxa. Wuxuu maqlay shanqarta birta.

"Markaas waxay ahayd markii labaad ee uu isku dayay inuu i dilo," ayuu yidhi, laakiin qasnaddii ayaa sida muuqatay ka baxday bistooladda.

Halkaas markii ay xaaladdu mareysay, saaxiibkiis, Alek Skarlatos, ayey u suuragashay inuu bistooladdii gacanta ku dhigo, laakiin ninkii weerarka geysanayay wuxuu lasoo baxay mindida alwaaxyada lagu jaro, wuxuuna suulka qeyb ka mid ah uga jeexay Mr Stone, wuxuuna ka dhaawacay qoorta.

Mr Skarlatos wuxuu horay maxkamadda ugu sheegay in uu bistooladda qabtay iskuna dayay inuu ku dilo ninka weerarka geystay laakiin ay u shaqeyn weysay.

US film director Clint Eastwood (C) stands on a platform during the making of the film

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Clint Eastwood wuxuu sameeyay filim laga matalay weerarkii 2015-kii

Mar la weydiiyay inuu ku raacsan yahay sheegashada ninka isdifaacaya ee ah in markii uu arkay ragga Mareykanka ah uu go'aansaay in uusan dili cidna, waxaa Mr Stone laga soo xigtay inuu yidhi: "Haddii uu doonayay inuu joogsado, saddex jeer ma uusan isku dayi lahayn inuu i dilo."

Arrimahaas ka dhacay tareenka dhexdiisa waxay horseedeen in laga matalo filim loo bixiyay 15:17 to Paris.

Waxaa la filayaa in ninka eedesanaha ah dacwaddiisa la dhageysto maalmaha soo socda, xukunka maxkamaddana waxaa la filayaa inuu dhaco 17-ka bishan December.