Messi oo jebiyey rikoodh yaalley muddo 40 sano ah

Lionel Messi

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Lionel Messi's goolkiisan ayaa yimi daqiiqaddii 65 aad.
Published

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 644-aad ee Barcelona intii ay socotay guushii ay ka gaaDHeen Real Valladolid si uu u jabiyo rikoorka Pele ee goolasha ugu badan ee hal koox loo dhaliyo.

Weeraryahanka reer Argentina Messi, oo 33 jir ah, ayaa dhaliyay goolka seddexaad ee Barca.

Messi ayaa abuuray goolkii ugu horeeyay markii karooskiisa uu madax ku dhaliyay Clement Lenglet wuxuuna bilaabay dhaqaaqii labaad, waxaa se dhameystiray Martin Braithwaite.

Halyeyga reer Brazil Pele ayaa dhaliyay goolkiisii 643 -aad, sida oo kalena gool 19 xilli ciyaareed oo uu u ciyaaray Santos dalkiisa hooyo intii u dhaxeysay 1956 iyo 1974.

Messi, oo dhaliyay goolkiisii ​​ugu horreeyay ee Barca 2005-tii isla markaana ku guuleystay 10 horyaal oo La Liga ah iyo afar Champions League, ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan, wuxuuna awood u leeyahay inuu la hadlo kooxaha kale laga bilaabo bisha Janaayo.

Bishii Ogosto, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ku dhaqmo qodob ka mid ah heshiiskiisa oo uu sheegay inuu u ogolaaday inuu si xor ah uga tago, laakiin Barcelona ayaa diiday, iyadoo sheegtay in 700m euro oo u dhiganta ($624m) lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Horraantii toddobaadkan, Messi wuxuu sheegay in dhacdadaas ay sabab u ahayd inuu qaato "waqti aad u xun xagaagan", in kasta oo uu qaab ciyaareed heer sare ah soo bandhigay kulankii Valladolid ee Talaadadii, taas oo dhiirrigelisay guul Barcelona ku soo celisay kaalinta shanaad, iyadoo 8 dhibcood ka hooseysa hoggaamiyeyaasha horyaalkaAtletico Madrid. .

Barca ayaa dhalin kartay goolal intaa ka badan laakiin Masip ayaa sameeyay badbaadinno badan oo fiican, Philippe Coutinho oo bedel ku soo galay ayaa sidoo kale birta garaacay xilli dambe.

Marc-Andre Ter Stegen ayaa sameeyay laba badbaadin oo hal gacan ah si uu u beeniyo Fabian Orellana iyo Kike Perez, isagoo ilaaliyay shabaqa Barcelona.

Horaantii Talaadada, Atletico ayaa 2-0 ku garaacday Real Sociedad oo kaalinta seddexaad ku jirta iyagoo uga mahadcelinaya goolal ay kala dhaliyeen Mario Hermoso iyo Marcos Llorente taasoo ka dhigtay inay seddex dhibcood ka sarreeyaan Real Madrid, kuwaasoo gurigooda kula ciyaaraya Granada Arbacada (18:45 GMT).

Around the BBC iPlayer footer