Sheekada Muslimka markii u horraysay qayb ka ah xuska Christmas-ka ee aadka u baahday

Mohammad Hussain with his roommates

Xigashada Sawirka, Mohammad Hussain

Qoraalka sawirka, Mohammad Hussain asxaabtiisii qolka oo diyaar u ah hawsha Christmas
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Nin muslim ah oo ka sheekeeyey khibraddiisii u dabbaaldegga ciidda Kirismaska markii ugu horreysay ayaa dad aad badani soo dhaweeyeen kadib markii uu la wadaagay aragtidiisa xuskan.

Mohammad Hussain, oo ku nool Toronto, wuxuu go'aansaday inuu la xuso labadiisa saaxiib ee ay isku qolka yihiin jaamacadda, maadama bandaw jirey oo uusan qoyskiisii booqan karin.

Waxa uuna ku bilaabay kirismas-kan - laga bilaabo jarista geedka ilaa qorshaynta cuntada - waxay ku reebtay aragti aad u fiican.

Sidaas ayaana ku qasabtay in uu kula wadaago "qoraalladiisa" bartiisa Twitter-ka, halkaas oo ay si dhakhso ah uga faafeen.

Haatan, ardayga 25 jirka ah wuxuu sugayaa subaxnimadiisii ugu horreysay abid ee Kirismaska.

"Waxaan dareemayaa sida Harry Potter," ayuu u sheegay BBC.

In kasta oo Mr Hussain uu hore u dabaaldegi jiray qaybo ka mid ah Kirismaska - sida inuu ka qayb galo xafladaha Kirismaska ama inuu tago guriga saaxiibkiis habeenka ciidda Masiixiga - oo uu ku soo barbaaray qoys Muslim ah, haddana "weligiis ma samayn wax soo saarka oo dhan, maxaa yeelay ma jirin sabab ku qasabtaa" .

Cudurka faafa awgood, isaga iyo asxaabtiisa kale ee guriga la wadaaga guryahooda ma tagayaan maalmaha fasaxa, sidaa darteed waxay bilaabeen fikrado maskaxeed oo ay ku dabaaldegaan iyaga dhexdooda. Markii mid ka mid ah qol wadaagga uu soo jeediyay in la sameeyo casho 12-koorso ah, Mr Hussain wuxuu ogolaaday inuu ka qaybgalo dhammaan.

"Waxaan kaliya rabay inaan ka qeyb qaato oo aan iyaga ka caawiyo" ayuu yiri. Laakiin wuxuu durbadiiba ogaaday in uu u baahan yahay inuu qaybtiisa ka qaato hawsha kirismaska.

"Ma aan caawin, laakiin waxaan ogaadey tahay hawl badan, kana fiican sidii aan filayey."

Wuxuu ogaaday waxyaabo kale sidoo kale - sida sida dadku ugu xirnaayeen waxyaalaha loo qurxiyo geedaha qaarkood, ama cuntooyinka qaarkood. Wuxuu go'aansaday inuu la wadaago indha indheyntaas barta Twitter-ka, halkaas oo dib loogula wadaagay in ka badan 100,000 jeer.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

1px transparent line

Ka dib markii uu qoraalkiisii aad u baahay, saaxiib ayaa u soo jeediyay inuu ku daro soo hadalqaadidda qaar ka mid ah hay'adaha samafalka ee baahan, sidaa darteedna wuxuu bilaabay inuu lacag u ururiyo laba bangi oo cuntada maxalliga ah, Milton Halal Foodbank iyo Xarunta Cuntada ee Parkdale.

"Runtii waxay ahayd wax layaableh," ayuu yidhi. "Dad badan ayaa wax u sadaqeynayay hay'adahaas samafalka ah, dad badan ayaa sheegayay waxyaabo fiican."

In kasta oo arrimo badan oo ciida ka mid ahi ku cusbaayeen isaga, haddana waxyaabaha uu garwaaqsaday waxa ka mid ahaa in qof kastaa u dabbaaldego qaabkiisa, iyo in tanaasulka ku aaddan sida wadajirka ah loogu wada qaato kirismaska ay qayb ka tahay xilliyada.

- Waxaan arkay in gorgortanku ka dhacayo asxaabtayda ila wadaagta - waxaa jira waxyaabo ay xitaa tahay inay ka heshiiyaan, ka hor inta aysan falin.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

1px transparent line

Mid ka mid ah waxyaabaha wali ku wareersan isaga ayaa ah sida ay tahay inaad u sugto hadiyadaha.

"Waxaan u maleynayaa sugitaanka hadiyadaha inay yihiin uun wax i wareeriyey!"

Qolyaha wada deggan ayaa go'aansaday inay dhammaantood furi doonaan hal hadiyad habeenka kirismaska ka dibna hadiyadaha intiisa kale subaxdii. Mr Hussain wuxuu sheegay inuusan sugi karin inuu arko wajiyada asxaabtiisa guriga markay furayaan: "aad ayaan u xiisaynayey".

Maalinta ciida masiixiga, waxay ciyaari doonaan ciyaaro oo waxay fadhiisan doonaan xilliga cashada aan kor kusoo xusnay ee 12-ka koorso ah (asxaabtiisa waa ay wada jecel yihiin inay wax karsadaan).

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 3

1px transparent line

Sannadka cusub, wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu la ciido ciidaha muslimiinta qaarkood sidoo kale.