'Anigoo hal sano jira ayey waalidkeey iiga tageen si ay hub wax ugu soo dhacaan'

Xigashada Sawirka, N/A
Dacwad oogaha sare ee xeer ilaaliyaha ka ah magaalada San Francisco ee ka tirsan gobolka California ee dalka Mareykanka wuxuu kasoo jeedaa qoys noloshoodu ay ka duwaneyd dadka caadiga ah. Wuxuu wareysi gaar ah siiyay BBC-da.
Chesa Boudin waxaa bishii November ee sanadkii 2019-kii loo magacaabay inuu noqdo xeer ilaaliyaha degmada San Francisco.
Laakiin marka taariikhda qoyskiisa la eego waa mid qeyrul-caadi ah.
Sanadkii 1981-kii, isagoo ay da'diisu ahayd hal sano, ayey waalidiintiisa qof uga tageen si ay uga soo qeyb qaataan fal dhac hubeysan ah.
Waxay ka mid ahaayeen koox garabka bidix ahayd oo dhaqdhaqaaq burcadnimo ah sameyn jirtay.
Falka ay maalintaas aadeen dib ugama aysan soo laabanin. Weerarkii ay wax ku dhacayeen waxaa ku dhintay nin waardiye ah iyo labo askari oo boolis ah.
Inkastoo labadiisa waalidba ay ahaayeen darawaliinta burcadda gawaadhida u kaxeeya xilliga ay baxsanayaan, haddana ma aysan gacantooda ku ridin rasaasta. Labadoodaba waxaa lagu qabtay goobta, waxaana lagu xukumay xabsi daa'in - walow hooyadiis ugu dambeyn lasii daayay sanadkii 2003-dii.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii la weydiiyay waxa ku dhacay waalidiintiisa ayuu sharraxaaddan bixiyay:
"Waalidiinteyda waxay anigoo yar igu ag tuureen qof carruurta haya, waxayna u baxeen inay kasoo qeyb qaataan fal dhac ah oo hubeysan. Waxay ahaayeen darawaliin aan hub gacantooda ku wadanin balse gaari kaxeynayay. Laakiin dadkii kale ee falka dhaca ah ka qeyb qaadanayay aad bay u hubeysnaayeen. Weerarkii ay sameynayeen wuu khaldamay, dhimasho ayaa ka dhalatay, saddex nin ayaa halkaas lagu dilay - oo kala ahaa waardiye iyo labo askari oo boolis ah."
Wuxuu intaas ku daray in hooyadiis ay xabsiga ku jirtay muddo dheer balse ay kasoo baxday.
"Hooyadeey waxay xirneyd 22 sano, aabbeheeyna ilaa maanta xabsi ayuu ku jiraa. Wuxuu qaadanayaa xabsi ugu yaraan 75 sano ah, waxaana laga yaabaa in uusan waligiis bannaanka usoo bixin," ayuu yidhi.
Chesa wuxuu aaminsan yahay in nidaamka caddaaladda uu gabi ahaanba burbursan yahay, wuxuuna khalad weyn u arkaa in labadiisa waalid oo isku dambi ahaa midna xabsiga laga soo daayay midna wali uu ku sii jiro.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hadda Mr Boudin wuxuu ka tirsan yahay koox qareenno ah oo u ololeyneysa in dib loo soo nooleeyo nidaamkii xeer ilaalinta ee magaalooyin ay ka mid yihiin Los Angeles, Boston iyo Philadelphia.
Waxay doonayaan in la yareeyo xarigga faraha badan ee dadka, taas baddalkeedana diiradda la saaro adeegyada booliska ee dhinaca la dagaallanka daroogada iyo caawinta dadka dhimirka ka xanuunsan.
Sidoo kale waxay kooxdan u xusul duubayaan in dambiyada heerarkooda la kala sooco, loona kala qaado kuwo qalalaase wata iyo kuwo nabadeysan.
Laakiin dadka kasoo hor jeeda Boudin waxay u arkaan nin halis ah xagjireynaya bulshada, sidoo kalena wiiqaya wax qabadka booliska. Waxay ka aaminsan yihiin inuu yahay qof waddooyinka kasii dhigaya meelo ka khatar badan sida ay hadda yihiin.












