Afar arrimood oo aan wali laga ogaanin tallaalka feyriska Corona?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waqtiga waa uu is gurayaa marka la eego tallaalka Covid-19 ee dhawaan la soo saaray.
Waa sida aan ku qeexi karno marka ay timaado abaabulka loogu jiro sidii talaalka loo gaarsiin lahaa bulshada caalamka islamarkana looga hortagi lahaa feyriska Corona, looguna soo celin lahaa duniadda xaalad caadi ah.
Markii ay taariikhdu ahayd 23 January, waxaa tallaalka qeybtii kowaad qaatay in ka badan 60 milyan oo qof oo feyrska laga talaalay.
Balse iyada oo ay dalal badan ay bilaabeen ama ay dardar galiyeen ololaha tallaalka ayaa waxaa jira waxyaabo badan oo aan ilaa iyo imika aan wax badan laga ogeyn.
Ilaa iyo imika ma cadda muddada uu jirka qofka ku sii jirayo difaaca talaalkan iyo in faraca cusub ee feyriska Corna uu noqon doono mid aan waxtar u lahayn tallaalka oo uusan ka hortagi Karin.
Ku dhawaad labo bilood markii uu barnaamijka ballaaran ee tallaalka uu bilaabmay, waxaan eegi doonaa 4 su'aalo oo muhiim ah oo aan wali laga jawaabin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
1.Waqti intee dhan ayuu difaaca jirka tallaalka ku sii jirayaa?
Sidee noqonayaa difaaca jirka marka uu qofka Corona ku dhaco amaba marka la tallalo, waa mid ka mid ah su'aalaha aan is waydiinaynay labadii bilood ee ugu dambeyay.
Sanad ka dib markiii u bilaabmay cudurkan safmarka ee feyriska Corona ayaa waxaa la daabacay daraasaddihii ugu horeyay ee ku saabsan difaaca jirka.
Daraasadaha arrimahani laga sameeyay ayaa ahaa kuwa xaddidan isamarkana ma aysan socon waqti dheer, sababtoo ah waqtiga kooban ee tallaalka lagu soo saaray.
Balse sida uu sheegay machadka fadhigiisu yahya California ee La Jolla ee daraaseeya waxyaabah la xiriira difaaca jirka ayaa sheegaya in qaar badan oo ka mid ah jawaabta difaaca jirka taasi oo ku aadan in qofka marka uu ka bogsado feyriska Corona uu wali jirkiisa ku sii jirayo ku dhawaad muddo 6 bilood ah.
Waxaa daraasad taa la mid ah sameeyay waaxda caafimaadka dadwaynaha ee England, waxayna soo jeedinaysaa in inta badan bukaanada u ku dhacay Covid-19 ay difaac haysan islamarkana uusan ku dhaceyn mar kale feyriska ugu yaraan 5 bilood.
Qaar ka mid ah seynisyahanada ayaa qaba in uu difaaca jirka ku sii jirayo xitaa muddo sanad ah.
Balse dabcan bukaanada way ku kala duwan yihiin arrintan.
Marka tallaalka laga hadlayo waa la mid difaaca jirka qofka uu ku dhacay feyriska Corona.
"Way adag tahay in la sheego inta uu dhan yahay waqtiga uu difacaa jirka ku sii jirayo tallaalka sababtoo ah tallaalka mar dhaw ayaan bilawnay, waxayna ku xiran tahay bukaanka iyo nooca tallaal ee uu qaatay, balse waxaa laga yaabaa inta u dhaxeysa 6 bilood ilaa 12 bilood, ," waxaa sidaasi BBC u sheegay Dr Julian Tang, oo ah khabiir ku taqasusay feyrisyada islamarkana wax ka dhiga jaamacadda Leicester,ee UK.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2.Suurtagal ma tahay in qofka uu ku dhaco Corona ka dib marka la tallaalo?
Haa waa suurgal, , waxaana u sabab ah dhowr arrimood.
Midda kowaad difaaca uu qofka siinayo tallaalka ma bilaabanayo ilaa uu jirka ku sii jiro muddo labo ilaa saddex toddobaad ah marka uu qaato tallaaalka kowaad, iyada oo ay taasi ku xiran tahay nooca tallaal ee uu qofk qaatay.
"Feyriska wuu kugu dhici karaa maalin ama toddobaad ka dib marka aad tallaalka qaadato islamarkana waxaad u nugushahay feyriska waadna u sii gudbin kartaa dadka kale," waxaa sidaasi yiri Dr Tang.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Balse xitaa haddii qof uu la macaamilo qofka qaba feyriska ka dib dhowr toddobaad markii u tallaalka qaatay, waa suurtagal in uu qofkaa ku dhaco feyriska.
"Xogta la hayo waxay muujinaysaa in shaqsiyaadka uu ku dhici karo Covid inkastoo feyriskooda uusan waynayn, xanuunkoodana uu ka yaryahay kan qofka aan la tallaalin ,"Dr Badley.
"Marxaladaha qaarkood , waxaan u maleynayaa in feyriska marka qofka la tallaalo waxaa adag in uu qof kale u gudbiyo."
Sidaasi daraadeed waxaa jira xog uruurin la sameeyay oo muujinaysa in tallaalka uu difaacayo tira badan oo dadka qaatay ah, balse inta ay dhan tahay baaxadda difaaca tallaalka ayaan wali la ogeyn.
3.Tallaalka ma difaacayaa nooca cusub ee feyriska Corona?
Waa arrinta walaaca ugu wayn laga qabo imika .
Feyrisyada ayaa si joogta ah isu badala oo waxay xitaa mararka qaar gaaraan heer ay tallaalka u adkeystaan oo uusna wax ka tarayn islamarkana ay tahay in tallaalka dib u habeyn lagu sameeyo.
Faraca cusub ee feyriska Corona ee laga helay dalalka Koonfur Afrika iyo UK ayaa waxaa uu ku sii faafayaa wadamo kale, waxaa uuna noqday mid shaac baxay sababtoo ah sida dhaqsada ah oo uu ku fido.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Moderna ayaa isniintii shaacisay in tallaalkeeda uu waxtar u leeyahya islamarkana difaacayo nooca cusub ee feyriska Corona ee laga helay dalalka UK iyo Koonfur Afrika, inkastoo ay sheegeen in ay soo saari doonaan tallaal la sii xoojiyay.
Shirkadaha Pfizer/BioNTech ayaa dhankooda ku andacooday in tallaalkooda uu shaqeynayo islamarkana uu waxtar u leeyhaya faraca cusub ee Corona.
"Sidoo kale, waa in qorshaha laga darsadaa in inkastoo tallaalada la ansixiyay ay aad waxtar ugu leeyihiin hadana 100% lama dhihi karo waxay difaacayaan noocan cusub iyo xitaa kii hore," ayuu yiri Dr Badley.
"Difaaca tallaalka waxay ku xiran tahay sida uu noocan cusub uga duwan yahay noocii hore ee feyriska," Dr Tang.
Gabagabadii, dowladaha iyo hay'adaha caafimaadka waxaa looga baahan yahay in ay isha ku hayaan ayna qeexaan nooca cusub ee soo ifbaxaya, si loo ogaado in tallaalada la soo saaray ay difaaci karaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4. Imisa dhoos ayaa la qaadanayaa, muddo intee dhan ayaa se u dhaxeynaysa?
Tusaale ahaan tallaalka shirkadaha Pfizer, iyo Moderna iyo AstraZeneca, ayaa waxaa dadka la siyaa labo mar.
Waxaa irbadda labaad qofka la siinayaa marka saddex ilaa iyo 4 toddobaad laga joogii midii kowaa.
Bsle dabayaaqadii 2020, xukuumadda UK waxay ku dhawaaqday inay dardar galin doonto tallaalka ayna dad badan siin doonto tallaalka kowaad halka midka labaad ay dadka qaadan doonaan saddex bilood ka dib.
Arrintan ku saabsan muddada labada tallaal u dhaxeynaysa waxaa ka dhashay muran, balse shirkadda Pfizer iyo inta badan seynisyahanada waxay door-bidayaan in lagu taagnaado tijaabadii hore oo muujinaysa in tallaalka labaad uu qofka qaato 21 maalin ka dib .
Hay'adda caafimaadka ayaa gudoomisay in labada tallaal ay u dhaxeyso 21 ilaa 28 maalmood, inkastoo ay hay'adu sheegtay in mararka qaar ilaa 6 toddobaad la garasiin karo.












