Hooyo isbadel doon ah: Haddaan dhinto ilmahayga ii ilaali

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Maalin kasta, dadka ku nool Myanmar waxay qaadanayan go'aanno adag oo ku saabsan noloshooda iyagoo wajahayo rabshado iyo banaanbaxyo ballaaran oo dalkaasi ka socday isbuucyadii la soo dhaafay.

Dibadbaxayaasha ayaa doonaya inay dib ugu laabtaan dowladdooda sida dimoqoraadiga ah loo soo doortay, ka dib markii militariga ay la wareegeen xukunka 1 Febraayo iyaga oo sheeganaya in musuq maasuq baahsan uu dhacay doorashadii sanadkii hore.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 149 qof ayaa ku dhintay intii lagu guda jiray kacdoonka shacabka ee billowday 1 Febraayo inkasta oo tirada dhabta ah loo maleynayo inay intaas ka badantahay.

Waa kuwan sheekooyinka qaar ka mid ah dadka weli dibadbaxayo.

Haweenayda u dagaalamayso mustaqbalka gabadheeda

Naw waa hogaamiyaha Gudiga Guud ee arrimaha Jinsiyadaha. Waxay tiri waxay uga qaybqaadaneysaa shaqo joojinta danta gabadheeda hal sano jirka ah, oo ay rajeyneyso inay hesho mustaqbal wanaagsan.

Haweenay ilmo sido

Anigu waxaan ahay xubin ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Myanmar oo la yiraahdo Karen marka mudaharaadku iguma cusba.

Dibadbaxayaasha maanta waxay dalbanayaan in la sii daayo lataliyaha Gobolka Aung San Suu Kyi iyo Madaxweyne Win Myint lana xaqiijiyo natiijada doorashada 2020.

Balse annaga, qowmiyadaha lagada tirada badanyahay, waxaan dalbanaynaa waxyaabo badan. Waxaan rabnaa in la dhiso midow dimuqraadi ah oo federaal ah dhammaan jinsiyadaha ka tirsan Myanmar.

Milatarigu wuxuu ku xukumayay istiraatiijiyad kala qaybsanaanta sannado badan, laakiin hadda dhammaan jinsiyadaha oo dhan ayaa midoobay.

Waxaan haystaa gabadh yar. Waxay jirtaa hal sano.

Ma doonayo inay gabadhayda dhibaato ka soo gaarta ficilkeyga. Waxaan ka qayb galay mudaaharaadka maxaa yeelay ma doonayo inay ku dhex koraan kaligii talisnimo sidii aniga oo kale.

Kahor intaanan ku biirin mudaaharaadka, waxaan kala hadlay seygayga.

Waxaan ka codsaday inuu daryeelo ilmahayaga haddii la i xiro ama aan ku dhinto dhaqdhaqaaqan.

Sarkaalka caafimaadka ee caawinaya dhakhaatiirta

Nanda * waxay u shaqeysaa isbitaal ku yaal magaalada Myeik. Shaqaalaha caafimaadka ayaa safka hore kaga jiray mudaharaadyada ka socda Myanmar, laakiin Nanda ayaa sheegay in kuwa ku sugan Myeik ay qasab ku noqotay inay dhuuntaan iyagoo ka baqaya inay qabtaan ciidammada militariga.

.

Waa habeenkii 7-da Maarso, ka hor inta aan saacadaha bandowgu billaabmin.

Waxaan watay gaari leh muraayadaha madow, Waxaan soo qaaday dhakhtar qalliinka lafaha ah, xaaskiisa ,qoyskiisa iyo kuwa kale.

Maalin uun ka hor, saraakiisha dowladda waxay soo wacday isbitaalada Myeik si ay u helaan dhakhaatiir, saraakiil caafimaad, iyo kalkaaliyayaal ka qeyb qaata Dhaqdhaqaaqa socda.

Cabsi ayaa na gashay maxay u rabaan magacyadooda? Maxaa ku dhici kara iyaga haddii ay saraakiisha ugu yeeraan?

Dhammaan dhakhaatiirta shaqada ku jirtay gaar ahaan kuwa dawladda u shaqeeya waxay go'aansadaan inay dhuuntaan, iyagoo ka baqaya waxa dhici kara haddii la qabto. Waxaa la ii xil saaray inaan caawiyo qaar ka mid ah dhakhaatiirta si ay u baxsadaan.

Laga bilaabo berrito, shacabka ku nool Myeik waxa kaliye u haraya xirfadlayaal aad u yar oo daryeela.

Ma jiri doonaan dhakhaatiir qalliin ku sameeya oo hagaajiya faraha iyo gacmaha ee mudaharaadayaasha iyo kuwa ag jooga ee ay saraakiisha ciidamadu garaacaan.

Ma jiri doonaan dhakhaatiirta dhalmada iyo dumarka si ay uga caawiyaan haweenka inay ku dhalaan Myeik.

Shaqaalaha caafimaadku waxay qayb muhiim ah ka ahaayeen dhaqdhaqaaqan, laakiin hadda ma joogan.

Ninka kamarada ka dambeeya

Maung wuxuu sameeya filimada. Markii mudaaharaadyadu bilowdeen, wuxuu go'aansaday inuu maalin kasta diiwaangeliyo isagoo isku dayaya inuu muujiyo sida dhaqdhaqaaqa sare ugu kacayo.

Nin teleefonkiisa kor u hayo

Waxay ahayd maalin lama iloobaan ah , 28 bishii Febraayo. Waxaan ku sugnaa jiida hore ee Wadada Bargaya ee magaalada Yangon.

Waxaan wax ku duubayay taleefankayga. Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa ku qeylinayay halku dhigyo iyaga oo tuurayay dhalooyin iyo daasado.

Qiyaastii 100 qof ayaa si dhakhso leh noogu soo dhaqaaqay ma kala ogeyn inay booliis yihiin ama inay ciidan ahaayeen.

Digniin la'aan, waxay billaabeen inay nagu toogtaan bambooyin dhawaq ah, rasaas iyo sunta indhaha ka ilmeysiiso.

Waxaan ku dhex cararay waddo aan horay u soo arkay si aan ugu cararo anigoo isku dayaya inaan sii wado filim duubista. Inteena ugu badan ayaa ku guuleystay inay baxsadaan.

Marka aan hadda aado mudaharaadka, waa inaan xirtaa koofiyad iyo galoofisyo.

Anigoo ah filim sameeye oo haddana ka qayb qaadanaya mudaharaadyada, waxaan go'aansaday inaan ka dhiidhiyo oo aan sameeyo filim aad u gaaban maalin kasta.

Tani waxay ka run badantaay filim kasta.

Haweeneyda u xayirneyd ciidamada militariga

Phyo * waa cilmi baare ka mid ahayd 200 oo qof oo ka soo qeyb galay mudaharaad ka dhacay Sanchaung, degmo ka tirsan magaalada Yangon, ciidamada militariga ayaa u diiday inay ka baxaan goobtii ay joogeen. Ugu yaraan 40 qof ayaana la qabtay.

.

Waxay ahayd 8-da Maarso, abbaare 2-dii duhurnimo, markii ay yimaadeen ciidamada amniga oo ay halkaas nagu xayireen.

Waxaan aragnay dadkii ku jiray guryaha oo albaabada furaya oo gacmahooda lulaya, oo noogu yeeraya guryahooda inaan u soo cararno.

Ciidamada amniga ayaa banaanka joogay, waxayna sugayeen inaan soo baxno.

Waxaan ogaanay inaysan ciidamada amniga tagi doonin. Waxaan go'aansanay inaan qorshe sameyno si aan u baxno.

Dadkii aan guryahooda ku cararnay ayaa waxay noo sheegeen jidadka ugu haboon ee aan ku carari karno iyo meelaha kale ee aan ku dhuuman karno.

Dhamaan alaabteena waxaan uga tagnay gurigii aan ku dhuumanaynay.

Waxaan sidoo kale iska tirtiray barnaamijyo badan oo kujiray taleefankayga waxaana qaatay xoogaa lacag ah..

Habeenkii oo dhan waxaan ku jirnay meel kale oo ammaan ahayd. Subaxnimadii, waxaan maqalnay in ciidammada ammaanku aysan banaanka joogin.

Doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday bishii November ee sanadkii 2020-kii waxaa si weyn ugu guuleystay xisbiga NLD, laakiin waxaa natiijada dood ka keenay taliska sare ee militariga iyo xisbiga USDP ee ay taageeraan.

Madaxda USDP waxay sheegeen in si weyn loogu shubtay doorashada. Hase yeeshee sheegashadaas waxaa beeniyay guddiga doorashada xilli loo diyaar garoobayay kalfadhiga baarlamaanka 1-dii bishan February.

Maalmo waxaa socday hadal-heyn ku aaddan in la sameyn rabo afgambi militari. 27-kii bishii January, Min Aung Hlaing wuxuu ku hanjabay "in dastuurka meel la iska dhigi doono ama laga tallaabsan dono, haddii loo hoggaansami waayo", wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay afgambiyo militari oo dhacay sanadihii 1962-kii iyo 1988-kii.

Xafiiskiisa ayaa u muuqday in uu hadalkan ka laabtay 30-kii January, kaddib markii ay sheegeen in warbaahintu ay khalad u fasireen hadalka taliya ee ku saabsanaa dastuurka.

Hase yeeshee, subaxdii ay taariikhdu ahayd 1-dii February, militariga ayaa xabsiga u taxaabay Aung San Suu Kyi, oo xubin sare ka ahayd dowladda, madaxweyne Win Myint iyo hoggaamiyeyaal kale oo sarsare, waxayna ku dhawaaqeen in dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo socon doonta hal sano.

Min Aung Hlaing ayaa la wareegay dhammaan howshii dowladda ee socon lahayd muddadaas sanadka ah, wuxuuna aqbalay in doorashada la musuqmaasuqay.