Shiirkole maxaad ka taqaannaa?

Muqdishu

Xigashada Sawirka, MOGADISHU JOURNAL

Published

Kaddib markii xilka laga qaaday taliyihii booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo isku dayay in hakiyo kulankii ay Golaha Shacabka muddo kordhinta ku ansixiyeen, ayaa waxaa soo baxday in Saadaq Joon iyo meleshiyaad u daacad ah ay ku sugan yihiin aagga Shirkoole ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jirta cabsi laga qaba inuu dagaal dhex maro meleshiyaadkaasi iyo ciidammada dowladda. Dad badan ayaa is weydiinya su'aalo ku saabsan aagga Shiirkoole ee uu Saadaq Joon ku sugan yahay.

Haddaba maxay tahay xarunta Shiirkole?

Magaca rasmiga ah waa Shiirkole ofishaale oo ah magac Talyaaniga asalkiisu yahay, waxayna ahaan jirtay xarun loogu tala galay in ay ku kulmaan oo ay ku nastaan saraakiishii ciidamadii xooga dalk Soomaaliya, taas oo keentay in loogu yeero magacaan Shiirkole ofishaale oo Af-Soomaali ku noqonaya xarunta saraakiisha ama Naadiga saraakiisha.

Xaafadda Shirkole ofishaale oo ku fadhida dhul ballaaran waxaa ay ka tirsan tahay degmada Hodan ee gobalka Banaadir, waxaana ay kaabiga ku haysaa laamiga Warshadaha iyo kan Albarako halka ay isaga dhacaan.

Shiirkole meesha ay ku taallo waa aag ay ku badnaan jireen xarumaha iyo xafiisyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxaa sidoo kale degganaa wasaaradda gaashaandhiga oo ciidamadu hoos tagaan, taas oo sii xoojinaysa in aaggaasi uu ahaa meel ciidamada iyo saraakiisha u gaar ah.

Warshadda Kabka iyo raadaarka ayaa sidoo kale ku yaallay Shiirkole oo hadda xaafad noqtay balse aan si shaacsan loogu aqoonsan in ay tahay xaafad buuxda.

Sida uu BBC-da u sheegay Sarreeye guuto, Nuur Aadan Nuur xarumahaas waxaa ciidamada la siiyay bilowgii dowladii Soomaaliya.

Ka sakow inay ciidamada xarumo iyo xafiisyo u ahayd, waxaa ku nasan jiray oo xitaa seexan jiray saraakiisha ciidamada ee ka yimaada magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Dhuusamareeb iyo Hargeysa.

"Shiirkole ofishale saraakiishu markay shaqada ku soo daalaan tusaale ahaan marka ay rabaan meel ay ka cunteeyaan ku ciyaaraan ayay u ahayd. waxaa sidoo kale jiray Fillooyin ku yaallay oo markay madaxdu shaqo u yimaadaan ay seexanayeen," ayuu yriri Sarreeye guuto, Nuur Aadan Nuur.

Sidoo kale Saraakiishii aaggaa degganaa ama imaan jiray waxaa laga qaadi jiray xoogaa yar oo lacag ah oo ujeedkeedu ahaa inuu xubin ka noqdo ciidamada halkaa imaan jiray ee wakhtiga ku qaata. Saraakiil xigeennada ayaa sidoo kale halkaa ku lahaa guryo ka koobnaa saddex saddex qol oo iyaga loo dhisay. Shiikole hadda waxaa ku dhow xarunta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee degmada Deyniile.

Burburkii kaddib

Markii ay burburtay dowladdii milatariga 1991-dii maadaama dalka dagaallo ka dhaceen waxaa Shiirkole ku soo barakacay dad ay saameyeen dagaalladii dalka ka dhacayay kuwaas oo qaarkood hoy ka dhigtay xaruumihii ciidamada.

Saadaq Joon

Xigashada Sawirka, SOONA

Maxaa keenay hadal haynta Shiirkole?

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta dagan ka dib markii xalay halkaasi laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Waxaa laba habeen ka hor xirnaa waddooyiinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Waddooyiinka qaar ayaa waxaa lagu arkayay ciidamo faro badan oo ah kuwa dowladda.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheeegayay inuu dhaq-dhaqaaqan ciidan yimid ka dib markii ciidamo uu watay taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ay gaareen Shiirkole.

Baraha bulshada oo aad loogu hadal hayay xaaladda magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale hadal hayntooda waxaa qayb ka ahaa xaafadda Shiirkole.